10/10/2026
Golaha Xirfadlayaasha Caafimaad eeHaweenka Soomaaliyeed (SOWHELP)
Waxaan aad ugu faraxsan in aan ka-qaybgalka munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Aragga Adduunka (World Sight Day 2026), oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Munaasabadda waxaa ka qaybgalay Agaasimaha iyo xubno ka tirsan SOWHELP.
Waxaan u mahadcelineynaa Wasaaradda Caafimaadka iyo dhammaan hay'adihii soo qabanqaabiyey munaasabaddan qiimaha leh.
👁️ Farriin Wacyigelin ah: Indhuhu waa nimco qaali ah oo mudan daryeel. SOWHELP waxay bulshada ku boorrineysaa in ay si joogto ah u baaraan caafimaadka indhahooda, isla markaana ay si degdeg ah ula xiriiraan xirfadlayaasha caafimaadka marka ay dareemaan wax isbeddel ah oo ku yimaada araggooda. Daryeelka indhuhu waa ilaalinta aragga iyo tayada nolosha.
Love Your Eyes – Jeclow oo Daryeel Indhahaaga!
Somali Women Health Professionals Council.
Ministry of Health- Somalia
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS