29/07/2026
Maalinta Caalamiga ah ee Cagaarshowga Adduunka (World Hepatitis Day) – 28 Luulyo
Cagaarshowgu (Hepatitis) waa xanuun saameeya beerka, waxaana laga hortagi karaa iyadoo la qaato tallaalka, la sameeyo baaritaan h**e, lana raaco hab nololeed caafimaad leh.
Ogaanshaha h**e wuxuu badbaadiyaa nolosha. Haddii aad dareento calaamado ama aad halis ugu jirto cudurka, tag xarunta caafimaadka ee kuugu dhow si laguu baaro.
Aan kor u qaadno wacyiga, aan yareyno faafitaanka cagaarshowga, isla markaana aan ilaalino caafimaadka beerkeenna.
SOWHELP Caafimaadku waa masuuliyad wadajir ah.
Golaha Xirfadlayaasha Caafimaad ee Haweenka Soomaaliyeed
Shirweynaha Caafimaad ee Haweenka Soomaaliyeed