25/10/2025
HAMBALYO & BOOGAADIN π
Beesha Shige Gurrey waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Guddoomiyaha cusub ee Waaxda Jabuuti ee Degmada Kaaraan, mudane Axmed Xasan Maxamuud, oo maanta si rasmi ah ula wareegay xilkaas muhiimka ah.
Waxaa si gaar ah ugu faraxsan tahay beesha Faarax Shige Gurrey in markii ugu horraysay taariikhda xilkan uu qabto qof ka tirsan beesha, taasoo ah guul iyo sharaf weyn oo u soo hoyatay dhammaan reerka.
Beesha waxay ku tilmaamaysaa xilkan cusub mid uu mudan yahay, maadaama uu Axmed muddo dheer soo bandhigay karti, hufnaan iyo dadaal joogto ah oo uu bulshada ugu adeego.
Waxaan Alle ka baryeynaa inuu ku asturo xilkaas culus, kuna hanuuniyo caddaalad, daacadnimo iyo hoggaan toosan oo waxtar u leh bulshada Waaxda Jabuuti iyo guud ahaan Degmada Kaaraan.
Guul iyo horumar ayaan kuu rajaynaynaa, Guddoomiye Axmed Xasan Maxamuud Ahmed Maalik !
Beesha Faarax Shige Gurrey waxay kuu rajaynaysaa xil hayn sharaf iyo adeeg bulshada lagu xasuusto.
Hambalyo mar kale, Guddoomiye! π