Somali Medical Laboratorists Association

Somali Medical Laboratorists Association Waa Page-ka rasmiga ah ee Ururka Sheybaariistayaasha Soomaaliyeed (SOMLA).

MUQDISHO, 4 December 2025WAR SAXAAFADEED_________________Ururka sheybaariistayaasha Soomaaliyeed wuxuu halkaan ka cadeyn...
04/12/2025

MUQDISHO, 4 December 2025

WAR SAXAAFADEED
_________________

Ururka sheybaariistayaasha Soomaaliyeed wuxuu halkaan ka cadeynayaa in uusan matalin, xubina uusan ka aheyn Ururka SOMLA, shaqsiga lagu magacaabo (Maxamed Maxamuud Cabdulle) oo kasoo muuqday warbaahinta qaar isagoo sheeganayo kuna hadlayo Magaca Ururka Sheybaariistayaasha Soomaaliyeed.

Haddaba, Shaqsiga been abuurka ku sameeyay qaar ka mid ah documents-ka ururka, isticmaalayna magaca ururka iyo ciwaan been abuur ah ee uu isaga sameystay, waxaan la tiigsan doonaa sharciga.

Mahad-badan.

April 14-20, 2024.  Sanad kasto xiligaan oo kale waxaa adduunka looga dabaal dagaa isbuuca xirfadlayaasha sheybaariistay...
19/04/2024

April 14-20, 2024.

Sanad kasto xiligaan oo kale waxaa adduunka looga dabaal dagaa isbuuca xirfadlayaasha sheybaariistayaasha, ujeedada looga gol-leeyahay waa in la muujiyo muhiimadda ay bahda sheybaariistayaasha u leeyihiin bulshada ay ka tirsan yihiin.

Ururka sheybaariistayaasha Soomaaliyeed wuxuu hambaliyo u dirayaa dhammaan sheybaariistayaasha Soomaaliyeed meel kasto oo ay dunida ka joogaan.

Ururka SOMLA wuxuu mar weliba u taagan yahay horumarinta iyo tayeynta xirfadlayaasha sheybaariistayaasha Soomaaliyeed iyo in uu codkooda gaarsiiyo meel kasto oo looga baahan yahay in uu gaaro.




Medical Laboratory Professionals Week 14-20 April is an annual celebration to highlight and show appreciation for labora...
17/04/2024

Medical Laboratory Professionals Week 14-20 April is an annual celebration to highlight and show appreciation for laboratory professionals

Ciid wanaagsan dhammaan walaalaha Muslimiinta ah. Alle dadkeenoo heshiis ah iyo dalkeenoo nabad ah haynagu simo sanadkaa...
09/04/2024

Ciid wanaagsan dhammaan walaalaha Muslimiinta ah.
Alle dadkeenoo heshiis ah iyo dalkeenoo nabad ah haynagu simo sanadkaan kiisa kale.

Ramadaan Mubaarak Dhamaan ummada muslilimiimta Gaar ahaan Ummada Somaliyed Allah naga yeelo kuwii ka faaideysta acmaasha...
10/03/2024

Ramadaan Mubaarak Dhamaan ummada muslilimiimta Gaar ahaan Ummada Somaliyed Allah naga yeelo kuwii ka faaideysta acmaasha bish barakeysan.

๐‰๐ˆ๐Œ๐‚๐Ž ๐–๐€๐๐€๐€๐†๐’๐€๐.
07/03/2024

๐‰๐ˆ๐Œ๐‚๐Ž ๐–๐€๐๐€๐€๐†๐’๐€๐.

Madaxda Ururka sheybaariistayaasha Soomaaliyeed Somali Medical Laboratorists Association (SOMLA) ayaa ka qeyb galay kula...
25/02/2024

Madaxda Ururka sheybaariistayaasha Soomaaliyeed Somali Medical Laboratorists Association (SOMLA) ayaa ka qeyb galay kulan wadatashi ah oo looga hadlayay qorshaha Golaha mihnadlayaasha caafimaadka Soomaaliyeed(2024-2029).

Kulanka ay soo qaban-qaabiyeen Golaha mihnadlayaasha caafimaadka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Gobolka Banaadir.

Waxaa si guul ah noogu soo dhamaaday seminaar heerkiisu sarreeyay oo looga hadlayay "๐—ฅ๐—ข๐—Ÿ๐—˜ & ๐—ฅ๐—˜๐—ฆ๐—ฃ๐—ข๐—ก๐—ฆ๐—œ๐—•๐—œ๐—Ÿ๐—œ๐—ง๐—œ๐—˜๐—ฆ ๐—ข๐—™ ๐— ๐—˜๐——๐—œ๐—–๐—”๐—Ÿ ...
31/01/2024

Waxaa si guul ah noogu soo dhamaaday seminaar heerkiisu sarreeyay oo looga hadlayay "๐—ฅ๐—ข๐—Ÿ๐—˜ & ๐—ฅ๐—˜๐—ฆ๐—ฃ๐—ข๐—ก๐—ฆ๐—œ๐—•๐—œ๐—Ÿ๐—œ๐—ง๐—œ๐—˜๐—ฆ ๐—ข๐—™ ๐— ๐—˜๐——๐—œ๐—–๐—”๐—Ÿ ๐—Ÿ๐—”๐—•๐—ข๐—ฅ๐—”๐—ง๐—ข๐—ฅ๐—ฌ ๐—ง๐—˜๐—–๐—›๐—ก๐—œ๐—–๐—œ๐—”๐—ก๐—ฆ ๐—œ๐—ก ๐—›๐—˜๐—”๐—Ÿ๐—ง๐—› ๐—–๐—”๐—ฅ๐—˜"

Seminaarka oo ay ka faaiideystaan Ardayda barata kuliyadda sheybaarka ayaa qabsoomiddiisa iska kaashaday ๐Š๐ฎ๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐da ๐‚๐ฎ๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐ญ๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆa๐š๐๐ค๐š ๐ฃ๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐da ๐œ๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ข๐ ๐š ah ee ๐ƒ๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ U๐ซ๐ฎ๐ซ๐ค๐š S๐ก๐ž๐ฒ๐›๐š๐š๐ซ๐ข๐ข๐ฌ๐ญ๐šyaas๐ก๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ Somali Medical Laboratorists Association (SOMLA).

Ururka sheybaariistayaasha Soomaaliyeed ayaa marwaliba u taagan horumarinta xirfadaha sheybaariistayaasha Soomaaliyeed meel kasto ay joogaan.

11/01/2024
Alxamdulillaah, waxaa xalay noo qabsoomay Seminaar ay soo qaban-qaabiyeen Ururka sheybaariistayaasha Soomaaliyeed kaas o...
08/12/2023

Alxamdulillaah, waxaa xalay noo qabsoomay Seminaar ay soo qaban-qaabiyeen Ururka sheybaariistayaasha Soomaaliyeed kaas oo ciwaankiisu ahaa (Current TB situation in Somalia and advanced techniques for TB diagnostics). Seminaarka oo muhiim u ahaa dhammaan bahda caafimaadka dalka ayaa waxaa kasoo qeyb galay in ka badan 100 qofood oo ka kala socday hey'daha kala duwan ee dalka, Isbitaalada dowliga iyo kuwa gaarka loo leeyahay, Ardayda jaamacadaha iyo qaar ka mid ah ururada caafimaadka ee ka jira dalka. Dr. Cabdicaziiz Coloow oo ahaa facilitatorka tabarbarka ahna khabiir ka howlgala Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya gaar ahaan qeybta TB program-ka ayaa faahfaahin buuxda ka bixiyay xaaladda Qaaxada ee Dalka, daawooyinka iska caabinta u yeeshay in lagu daweeyo qaaxada iyo qalabka ugu hormarsan ee lagu baaro Qaaxada. Ugu dambeyn kasoo qeyb galayaashii tababarka ayaa ka mahadceliyay fursadda ay siiyeen bahda SOMLA, iyagoo codsaday in loo badiyo tababarada nuucaan oo kale ah.

Ururka sheybaariistayaasha Soomaaliyeed ayaa mar weliba u taagan hormarinta aqoonta xirfadlayaasha caafimaadka dalka iyadoo si gaar ah xoogga u saarta tayeynta iyo hormarinta sheybaariistayaasha Soomaaliyeed.

Xasuusin!!!Waxaan xasuusinaynaa bahda caafimadka gaar ahaan bahda sheybaariistayaasha in wax ka yar 30 daqiiqo uu nooga ...
07/12/2023

Xasuusin!!!
Waxaan xasuusinaynaa bahda caafimadka gaar ahaan bahda sheybaariistayaasha in wax ka yar 30 daqiiqo uu nooga dhimanyahay seminaarkeeniii fadlan ka faaidaysi wacan.

Ogeysiis Muhiim ah
Ururka Sheybaariistayasha Soomaliyeed waxa uu ogeysiinayaa dhamaan bahda caafimad ka gaar ahaan sheybaariistayasha in uu jiri doono seminar qaab online ah u bixi doono habeenimada jimcaha ah waxaaana bixin doona khabiir in muddo ah ka shaqeynayay TB si gaar ah National Tuberculosis Reference Laboratory NTRL ahna Manager ka program ka.
Seminar Tittle : Current TB Situation in Somalia and Advance Techniques for TB Diagnostics.
Time: 8:00pm Fiidnimo.
Through Google Meet.https://meet.google.com/bzh-tisn-shg
Presenter: Dr. Abdiaziz Osman Olow.

Ogeysiis Muhiim ahUrurka Sheybaariistayasha Soomaliyeed waxa uu ogeysiinayaa dhamaan bahda caafimad ka gaar ahaan sheyba...
05/12/2023

Ogeysiis Muhiim ah
Ururka Sheybaariistayasha Soomaliyeed waxa uu ogeysiinayaa dhamaan bahda caafimad ka gaar ahaan sheybaariistayasha in uu jiri doono seminar qaab online ah u bixi doono habeenimada jimcaha ah waxaaana bixin doona khabiir in muddo ah ka shaqeynayay TB si gaar ah National Tuberculosis Reference Laboratory NTRL ahna Manager ka program ka.
Seminar Tittle : Current TB Situation in Somalia and Advance Techniques for TB Diagnostics.
Time: 8:00pm Fiidnimo.
Through Google Meet.https://meet.google.com/bzh-tisn-shg
Presenter: Dr. Abdiaziz Osman Olow.

Address

Maka Al-mukarama
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Medical Laboratorists Association posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Somali Medical Laboratorists Association:

Shortcuts

Share