Somalia Non State Actors

  • Home
  • Somalia Non State Actors

Somalia Non State Actors Somalia Non State Actors (SONSA) official page

SONSA provides a focal point and representative forum for non state actors to express the views and concerns of people in Somalia. We bring our members together to hold broad-based consultations which form the basis of the policy recommendations to the international community and national authorities.

18/05/2026
16/05/2026

Dowladda Soomaaliya iyo Mucaaradka ayaa si degdeg ah loogu baaqay in ay ugu soo laabtaan Miiska wada hadalka, isla markaasna ay muujiyaan isu tanaasul si loo gaaro xal waara.

Bayaan ka soo baxay Bulshada Rayidka ayaa loogu baaqay labada dhinac in ay muujiyaan mas'uuliyad.

Daladda Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa waxey soo saartay war-saxaafadeed ku aaddan natiijo la’aanta wada-hadalladii ...
16/05/2026

Daladda Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa waxey soo saartay war-saxaafadeed ku aaddan natiijo la’aanta wada-hadalladii siyaasadeed ee 13–15 May 2026 dhexmaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Dalladda SONSA waxay ugu baaqeysaa dhammaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda inay muujiyaan masuuliyad, biseyl siyaasadeed, iyo tanaasul dhab ah si loo gaaro xal waara oo danta shacabka Soomaaliyeed lagu hormarinayo.

Bulshada Rayidka Soomaaliyeed waxay adkaynaysaa in wadahadal dhab ah iyo midnimo qaran ay yihiin waddada keliya ee lagu ilaalin karo nabadda, xasilloonida, iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.

Fadlan War-Saxaafadeedka dhameestiran ka akhriso qeebta hoose.

Guddoomiyaha Dalladda Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ee Somalia Non State Actors Mudane. Osman Moallim Shatah ayaa hambal...
15/05/2026

Guddoomiyaha Dalladda Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ee Somalia Non State Actors Mudane. Osman Moallim Shatah ayaa hambalyo iyo bogaadin u diraya dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed munaasabadda Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May.

Maalintan qiimaha weyn leh waxay xusuus u tahay halgankii gobannimo-doonka ee ay horseedeen dhallinyaradii aas-aastay Ururka SYL sanadkii 1943, kuwaas oo door taariikhi ah ka qaatay mideynta iyo xorriyadda dalka.

Dhinyarada Soomaaliyeed waa laf-dhabarta horumarka dalka, waxaana lagama maarmaan ah in la xoojiyo kaalintooda ku aaddan nabadda, dowlad-dhiska, horumarka, iyo mustaqbalka wanaagsan ee Soomaaliya.

Hambalyo Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed.
15 May – Maalin sharaf iyo taariikh mudan. 🇸🇴

Xubno ka tirsan Bulshada Rayidka Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayo Dalladda Somalia Non State Actors ayaa ka qeyb galay ku...
14/05/2026

Xubno ka tirsan Bulshada Rayidka Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayo Dalladda Somalia Non State Actors ayaa ka qeyb galay kulan wadatashiga Dib-u-eegista Qaran ee Iskaa Wax-u-Qabso ah (VNR) 2026 ee ku saabsan Yoolalka Horumarka Waara (SDGs), kaas oo shalay lagu daahfuray magaalada Muqdisho.

Wadatashigan ayaa isu keenay wakiillo ka socday ururrada bulshada rayidka, haweenka iyo dhallinyarada, dadka naafada ah, bahda tacliinta, ganacsiga gaarka loo leeyahay, iyo qurba-joogta Soomaaliyeed.

Ka qeybgalayaashu waxay yeesheen dooddo wax ku ool ah oo ku saabsan heerka hirgelinta SDGs ee Soomaaliya, iyagoo wadaagay khibrado, caqabado jira, iyo talooyin lagu xoojinayo dadaallada horumarineed ee dalka.

Dib-u-eegistan labaad ee qaran waxay muujinaysaa horumar muuqda oo laga sameeyay nidaamyada warbixinta SDGs iyo xogta qaran, iyadoo daboolidda xogta SDGs ay korortay 39% sanadkii 2022 ilaa ku dhowaad 70% sanadkan 2026, taas oo ay suuragelisay xoojinta nidaamyada xog uruurinta iyo iskaashiga hay’adaha kala duwan.

Xubno ka tirsan Bulshada Rayidka Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha dalladda Somalia Non State Actors Mudane. ...
11/05/2026

Xubno ka tirsan Bulshada Rayidka Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha dalladda Somalia Non State Actors Mudane. Osman Moallim Shatah ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay Madaxweynihii h**e ee dalka Mudane Sharif Sheikh Ahmed. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda sidii dib loogu bilaabi lahaa wada-hadalladii u dhaxeeyay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalka si loo gaaro xalal siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa adkeyneysa doorkeeda ku aaddan dhiirrigelinta wada-hadallada siyaasadeed iyo sidii xal loogu heli lahaa khilaafaadka siyaasadeed ee taagan.

Kulankan ayaa daba socda xilli ay maanta dalladda Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ee SONSA ay soo saartay baaq ay ku muujisay walaaca ay ka qabto waxyeeladi ka dhashay mudaaharaadyadii dhacay, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadka rayid ah.

Daladda Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ee Somalia Non State Actors ayaa soo saartay baaq ay ku muujisay walaaca ay ka qab...
11/05/2026

Daladda Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ee Somalia Non State Actors ayaa soo saartay baaq ay ku muujisay walaaca ay ka qabto xayiraadaha iyo tallaabooyinka lagu qaaday qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaas oo la xiriira bannaanbaxyadii ka dhacay Muqdisho 10 May 2026.

Dalladda SONSA waxay ugu baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhammaan dhinacyada siyaasadda in la dhowro xorriyadaha dastuuriga ah, gaar ahaan xorriyadda bannaanbaxa nabadeed, xorriyadda hadalka, xorriyadda saxaafadda, iyo xuquuqda aadanaha. Sidoo kale, waxay adkeysay muhiimadda ay leedahay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wada-hadal iyo hannaan sharciyeysan si loo ilaaliyo nabadda, midnimada, iyo geeddi-socodka dimuqraadiyadeed ee dalka.

Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ee Somalia Non State Actors ayaa soo saartay bayaan ku saabsan ilaalinta xorriyadda banaan...
09/05/2026

Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ee Somalia Non State Actors ayaa soo saartay bayaan ku saabsan ilaalinta xorriyadda banaanbaxyada nabadeed, dhowrista xuquuqaha dastuuriga ah, iyo ilaalinta nabadda iyo xasilloonida dalka.

Bayaanka ayaa lagu adkeeyay in isu imaatinka iyo banaanbaxyada nabadeed ay yihiin xuquuq dastuurku dammaanad qaaday, iyadoo sidoo kale loogu baaqay qabanqaabiyeyaasha, ka qeybgalayaasha, iyo hay’adaha dowladda in banaanbaxyada la qorsheeyay ay u dhacaan si nabad ah, sharci waafaqsan, kana fog rabshado iyo kicin colaadeed.

Bulshada Rayidka Soomaaliyeed waxay sidoo kale ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay mudnaanta siiyaan midnimada qaranka, ixtiraamka sharciga, iyo ilaalinta amniga bulshada si looga fogaado xiisado siyaasadeed iyo qalalaase amni.

Fadlan warbixinta oo dhameestiran lifaaqa hoose ka akhriso. Mahadsanidiin.

09/05/2026
07/05/2026

War-Saxaadadeed:

Daladda Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ee Somalia Non State Actors waxay muujinaysaa walaac weyn oo ku aaddan xadgudubyada sii kordhaya xuquuqda aadanaha, kuwaas oo ka dhashay barakicinta qasabka ah ee ay fulinayaan qaar ka mid ah ciidamada ammaanka ee Gobolka Banaadir.

Waa arrin aad looga xumaado in hay’adaha loo igmaday ilaalinta shacabka ay ku lug yeeshaan falal wax u dhimaya sharafta iyo xuquuqda muwaadiniinta, oo ay ka mid tahay barakicin aan lagu salayn hannaan sharci oo cad. Bulshada rayidka waxay si adag u cambaareyneysaa adeegsiga awood xad-dhaaf ah oo ka dhan ah shacabka, gaar ahaan haweenka, carruurta, waayeelka iyo dadka nugul, waxayna ka digaysaa saameynta arrintani ku yeelan karto xasilloonida, caddaaladda iyo kalsoonida bulshada.

Bulshada rayidka waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah loo joojiyo barakicinta sharci-darrada ah, in la sameeyo baaritaanno madax-bannaan oo hufan, isla markaana lala xisaabtamo cid kasta oo ku lug leh xadgudubyadaas.

Warbixinta War-Saxafadeedka oo dhameestiran fadlan halkaan hoose ka akhriso. Mahadsanidiin.

Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa soo saartay War-Saxaadadeed, waxay aad oga walwalsantahay barakicinta qasabka ah iyo ...
07/05/2026

Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa soo saartay War-Saxaadadeed, waxay aad oga walwalsantahay barakicinta qasabka ah iyo xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee socda Gobolka Banaadir.

Daladda Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ee Somalia Non State Actors waxay muujinaysaa walaac weyn oo ku aaddan xadgudubyada sii kordhaya xuquuqda aadanaha, kuwaas oo ka dhashay barakicinta qasabka ah ee ay fulinayaan qaar ka mid ah ciidamada ammaanka ee Gobolka Banaadir.

Waa arrin aad looga xumaado in hay’adaha loo igmaday ilaalinta shacabka ay ku lug yeeshaan falal wax u dhimaya sharafta iyo xuquuqda muwaadiniinta, oo ay ka mid tahay barakicin aan lagu salayn hannaan sharci oo cad. Bulshada rayidka waxay si adag u cambaareyneysaa adeegsiga awood xad-dhaaf ah oo ka dhan ah shacabka, gaar ahaan haweenka, carruurta, waayeelka iyo dadka nugul, waxayna ka digaysaa saameynta arrintani ku yeelan karto xasilloonida, caddaaladda iyo kalsoonida bulshada.

Bulshada rayidka waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah loo joojiyo barakicinta sharci-darrada ah, in la sameeyo baaritaanno madax-bannaan oo hufan, isla markaana lala xisaabtamo cid kasta oo ku lug leh xadgudubyadaas.

Warbixinta War-Saxafadeedka oo dhameestiran fadlan halkaan hoose ka akhriso. Mahadsanidiin.

Address

Zobe Street

2526

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somalia Non State Actors posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

  • Want your organization to be the top-listed Non Profit Organization?

Share