11/09/2026
Booqasho Xafiiska Ururka Dhalinyarada Himilo
Xafiiska Ururka Dhalinyarada Himilo Youth Organization waxaa booqasho ku yimid Mudane Abdirahman Abdikariam Ahmed, oo ah Guddoomiyaha Somali ADHD Foundation (SAF).
Mudane Abdirahman waxaa xafiiska si diirran ugu soo dhaweeyay Guddoomiyaha Ururka Dhalinyarada Himilo, Mudane Omar Muse Hassan, iyo Xoghayaha Ururka, Mudane Mohamed Mohamud Adam.
Booqashadan ayaa fursad u ahayd is-dhaafsi fikrado, isbarasho iyo xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta labada dhinac.
Himilo Youth Organization waxay mar walba soo dhoweynaysaa wada-shaqeyn wax ku ool ah oo ku aaddan horumarinta dhalinyarada iyo bulshada Soomaaliyeed. 🇸🇴🤝