Himilo Youth Organization - منظمة شباب هملو

Himilo Youth Organization - منظمة شباب هملو Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Himilo Youth Organization - منظمة شباب هملو, Non-Governmental Organization (NGO), Mogadishu, Mogadishu.

16/08/2026

Mudane Abdikafi Makaran, Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka, ayaa si rasmi ah u soo xiray barnaamijka “Leadership for the Next Generation”, isagoo ka qaybgalay munaasabadda shahaado-bixinta oo ay kasoo qayb kaha Guddoomiyaha Ururka Dhallinyarada HIMILO, ustadki bixiye lecture ka Coach Abdiladif Hirsi, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Dhallinyarada Qaranka, Mudane Salman Hussin.

Guddoomiyuhu wuxuu khudbad qiimo leh ka jeediyey munaasabadda, isagoo ku boorriyey dhallinyarada inay yeeshaan hoggaan wanaagsan, aqoon, karti iyo masuuliyad bulsho, si ay door muuqda uga qaataan horumarka dalka.

Wuxuu carrabka ku adkeeyey in dhallinyaradu yihiin tiirka mustaqbalka dalka, loona baahan yahay in la kobciyo kartidooda, aqoontooda iyo fahamkooda hoggaamineed.

Sidoo kale, Mudane Abdikafi wuxuu bogaadiyey dadaalka Ururka Dhalinyarada HIMILO ee ku aaddan horumarinta, tababarka iyo awood-siinta dhallinyarada Soomaaliyeed, isagoo ku dhiirrigeliyey inay sii wadaan dadaallada noocan ah.

16/08/2026

Mudane Salman Hussin, Guddoomiye Ku-xigeenka Dhallinyarada Qaranka, ayaa khudbad qiimo leh ka jeediyey tababarka “Leadership for the Next Generation”, isagoo ku boorriyey dhallinyarada inay yeeshaan hoggaan wanaagsan, aqoon iyo masuuliyad bulsho.

Wuxuu carrabka ku adkeeyey in dhallinyaradu yihiin tiirka mustaqbalka dalka, isla markaana ay muhiim tahay in la kobciyo kartidooda iyo fahamkooda hoggaamineed.

Sidoo kale, wuxuu bogaadiyey dadaalka Ururka Dhalinyarada HIMILO ee ku aaddan horumarinta iyo awood-siinta dhallinyarada Soomaaliyeed.

Sawirad qebta 2 aad Leadership for the Next Generation Ururka Dhalinyarada HIMILO ayaa si guul leh u qabtay barnaamijka ...
16/08/2026

Sawirad qebta 2 aad

Leadership for the Next Generation

Ururka Dhalinyarada HIMILO ayaa si guul leh u qabtay barnaamijka “Leadership for the Next Generation”, kaas oo diiradda lagu saaray horumarinta aqoonta, kartida iyo hoggaaminta jiilka cusub.

Barnaamijka waxaa si rasmi ah u furay Guddoomiyaha Ururka HIMILO, Mudane Omar Muse Hassan. Lecture-ka waxaa soo jeediyey Ustaad Abdiladiif Hirsi (Coach), waxaana dhalinyaradii ka qaybgalay lagu guddoonsiiyey shahaadooyin.

Waxaa sidoo kale munaasabadda kasoo qaybgalay Guddoomiyeyaasha Naadiyada Jaamacadaha, Guddoomiyeyaasha Ururrada, haldoorro iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Barnaamijka waxaa soo xiray marti sharaf kala ah Guddoomiyaha Dhalinyarada Qaranka, Mudane Abdikafi Makaran, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Dhalinyarada Qaranka, Mudane Salman Hussin.

HIMILO — Dhallinyaro hoggaamisa, mustaqbal dhista. 🇸🇴

Leadership for the Next Generation Ururka Dhalinyarada HIMILO ayaa si guul leh u qabtay barnaamijka “Leadership for the ...
16/08/2026

Leadership for the Next Generation

Ururka Dhalinyarada HIMILO ayaa si guul leh u qabtay barnaamijka “Leadership for the Next Generation”, kaas oo diiradda lagu saaray horumarinta aqoonta, kartida iyo hoggaaminta jiilka cusub.

Barnaamijka waxaa si rasmi ah u furay Guddoomiyaha Ururka HIMILO, Mudane Omar Muse Hassan. Lecture-ka waxaa soo jeediyey Ustaad Abdiladiif Hirsi (Coach), waxaana dhalinyaradii ka qaybgalay lagu guddoonsiiyey shahaadooyin.

Waxaa sidoo kale munaasabadda kasoo qaybgalay Guddoomiyeyaasha Naadiyada Jaamacadaha, Guddoomiyeyaasha Ururrada, haldoorro iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Barnaamijka waxaa soo xiray marti sharaf kala ah Guddoomiyaha Dhalinyarada Qaranka, Mudane Abdikafi Makaran, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Dhalinyarada Qaranka, Mudane Salman Hussin.

HIMILO — Dhallinyaro hoggaamisa, mustaqbal dhista. 🇸🇴

15/08/2026

Alxamdulillaah, Guul Weyn!

Maanta waxaa si guul leh u qabsoomay tababarkii “Leadership Skills for the Next Generation” ee HIMILO Youth Organization, kaas oo uu soo jeediyey Coach Abdiladif Hirsi.

Munaasabadda waxaa furay Guddoomiyaha Ururka Dhallinyarada HIMILO, waxaana soo xiray Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka Mudane Abdikafi Makaran iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Dhallinyarada Qaranka Mudane Salman Hussin.

Intii uu barnaamijku socday, dhallinyaradii ka qaybgalay waxaa lagu guddoonsiiyey shahaadooyin, si loo dhiirrigeliyo aqoontooda, kartidooda iyo doorkooda hoggaamineed.

HIMILO waxay sii wadi doontaa maalgelinta aqoonta iyo kobcinta hoggaamiyeyaasha jiilka soo socda. 🇸🇴

🎓🌟 HAMBALYO IYO BOGAADIN 🌟🎓Ururka Dhallinyarada HIMILO wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan ardayda ku guuleys...
15/08/2026

🎓🌟 HAMBALYO IYO BOGAADIN 🌟🎓

Ururka Dhallinyarada HIMILO wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan ardayda ku guuleysatay Imtixaanka Dowladda, gaar ahaan 10-ka arday ee ugu sarreeyay natiijada imtixaanka. 🏆🇸🇴

Guushiinnu waa mid mudan in lagu faano, kuna timid dadaal, dulqaad iyo go’aan adag. Waxaad tihiin tusaale dhiirrigelin u ah jiilka Soomaaliyeed.

HIMILO waxay idiin rajaynaysaa mustaqbal ifaya, aqoon miro-dhal ah iyo guulo waaweyn oo aad ku gaartaan noloshiinna.

👏 Hambalyo dhammaan guuleystayaasha! 🇸🇴🎓

HIMILO Youth Organization oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee DhallinyaradaMaalinta Caalamiga ah ee Dhallinya...
14/08/2026

HIMILO Youth Organization oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Dhallinyarada

Maalinta Caalamiga ah ee Dhallinyarada ayaa si weyn loogu xusay magaalada Muqdisho, munaasabaddaas oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS.

Ururka Dhallinyarada HIMILO ayaa si rasmi ah uga qaybgalay munaasabadda, waxaana ururka matalay Guddoomiye Ku-xigeenka Ururka Dhallinyarada HIMILO, Mudane Mohamed Abdifatah, oo ay weheliyeen qaar ka mid ah xubnaha ururka.

Munaasabadda waxaa ka soo qaybgalay Wasiirro, madax ka socotay hay’adaha caalamiga ah, ururrada dhallinyarada, bahda waxbarashada iyo qaybaha kala duwan ee dhallinyarada Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale lagu qabtay dood-cilmiyeed ku saabsan hal-ku-dhigga sanadkan ee “Xaalado Kala Duwan, Himilooyin Wadaag ah”, iyadoo diiradda lagu saaray doorka iyo kaalinta dhallinyaradu ku leeyihiin horumarka iyo dib-u-dhiska dalka.

Ururka Dhallinyarada HIMILO wuxuu ku faraxsan yahay ka-qaybgalka munaasabaddan muhiimka ah, wuxuuna mar walba diyaar u yahay inuu ka qayb qaato fursadaha iyo dadaallada lagu horumarinayo dhallinyarada Soomaaliyeed.

12 August 2026 | International Youth Day






SOO DHAWEYN IYO ISKAASHI | HIMILO YOUTH ORGANIZATIONUrurka Dhalinyarada HIMILO ayaa maanta xafiiska ku soo dhaweeyay waf...
10/08/2026

SOO DHAWEYN IYO ISKAASHI | HIMILO YOUTH ORGANIZATION

Ururka Dhalinyarada HIMILO ayaa maanta xafiiska ku soo dhaweeyay wafdi ka socday Somali Social Workers, iyadoo kulanka looga hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac.

Wafdiga Somali Social Workers waxaa matalayay Guddoomiye Salman Yasin iyo Madaxda Warfaafinta Iqra Fara, halka dhinaca HIMILO Youth Organization ay kulanka soo dhaweeyeen Guddoomiye Ku-xigeenka Maxamed Cabdifatax iyo Xoghayaha Ururka.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray sidii labada dhinac uga wada shaqeyn lahaayeen horumarinta dhalinyarada, taageerada bulshada, tababbarro, mashaariic iyo barnaamijyo bulshada wax ku ool u ah.

Labada dhinac waxay muujiyeen diyaar garow ay ku sii xoojinayaan xiriirka, wada shaqeynta iyo iskaashiga mustaqbalka.

HIMILO — Dhalinyaro, Horumar & Iskaashi. 🤝

Wixi fahfahin

Website:www.himiloyouth.org
📧 Email: [email protected]
📞 Tel: +252 771980705 / +252 619937577

📢 OGEYSIIS MUHIIM AH | LEADERSHIP TRAINING & WORKSHOPUrurka Dhallinyarada HIMILO (Himilo Youth Organization) wuxuu si sh...
10/08/2026

📢 OGEYSIIS MUHIIM AH | LEADERSHIP TRAINING & WORKSHOP

Ururka Dhallinyarada HIMILO (Himilo Youth Organization) wuxuu si sharaf leh idiinku casuumayaa tababar iyo aqoon-is-weydaarsi gaar ah oo loogu talagalay hoggaamiyeyaasha iyo dhalinyarada ku hawlan hoggaaminta, kaas oo ku saabsan:

“Leadership Skills for the Next Generation”

Xirfadaha Hoggaaminta Jiilka Soo Socda

Tababarku wuxuu diiradda saari doonaa:
🔹 Horumarinta xirfadaha hoggaaminta
🔹 Go’aan-qaadasho iyo xalinta caqabadaha
🔹 Isgaarsiin iyo wada-shaqeyn wax-ku-ool ah
🔹 Dhisidda kooxo iyo dhiirrigelinta dadka
🔹 Mas’uuliyadda iyo anshaxa hoggaamiyaha
🔹 Diyaarinta hoggaamiyeyaasha jiilka soo socda

🎙️ Soo Jeedin: Abdiladiif Hirse
👨‍🏫 Senior Trainer
📅 Maalinta: Sabti, 15 Agoosto 2026
🕒 Waqtiga: 3:00 Galabnimo
📍 Goobta: Himilo Hall, Zoobe, dhabarka Jaamacadda SIMAD

Hoggaamiye kasta wuxuu leeyahay fursad uu ku kobcin karo naftiisa, kooxdiisa iyo bulshada uu hoggaamiyo.

Kaalay oo ka qaybqaado tababarkan loogu talagalay hoggaamiyeyaasha doonaya inay dhisaan kartidooda, saameyntooda iyo hoggaaminta jiilka soo socda.

Wixi fahfahin
Website:www.himiloyouth.org
📧 Email: [email protected]
📞 Tel: +252 771980705 / +252 619937577

HAMBALYO IYO BOGAADIN | HIMILOUrurka Dhalinyarada HIMILO wuxuu hambalyo u dirayaa ardayda kaalmaha 1aad, 2aad iyo 3aad k...
09/08/2026

HAMBALYO IYO BOGAADIN | HIMILO

Ururka Dhalinyarada HIMILO wuxuu hambalyo u dirayaa ardayda kaalmaha 1aad, 2aad iyo 3aad ka galay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir.

🥇 Sumaya Xasan Abshir
🥈 Balqiisa Maxamed Cumar
🥉 Axmed Cabdinaasir Cabdullaahi

Ardaydan waxay guushan ka gaareen 45,452 arday oo imtixaanka u fariistay, taasoo caddeyn u ah dadaalkooda iyo kartidooda waxbarasho.

HIMILO waxay si gaar ah ugu hambalyaynaysaa ardayda, waalidiintooda iyo macallimiintooda, iyadoo guushan u aragta dhiirrigelin ku socota dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

Hambalyo dhammaantiin! Guushiinnu waa dhiirrigelinta jiilka berri.

HIMILO Youth Organization .

Wixi fahfahin
📧 Email: [email protected]
Ururka: Himilo Youth Organization (HYO)
Tel: [ +252 771980705 /+252 61 8105511 ]

Address

Mogadishu
Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Himilo Youth Organization - منظمة شباب هملو posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share