10/07/2026
MUQDISHO/ WASHINGTON: Somali Journalists Syndicate - SJS iyo Robert & Ethel Kennedy Human Rights Center ayaa war saxaafadeed wada jir ay u soo saareen maanta waxay si adag ugu cambaareeyeen falalka soo badanaya ee caburinta ee ka dhanka xorriyadda hadalka iyo dhaqdhaqaaqa suxufiyiinta ee Soomaaliya.
SJS iyo KHRC waxay ku baaqayaan maamulka Soomaaliya inay xaqiijiyaan deegaan ammaan ah oo ay ku shaqeyn karaan saxaafadda iyo dhowridda xorriyadda hadalka ee Soomaaliya, sida ay ugu waajibto xilalkeeda xuquuqda aadanaha.
"Mid ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee dimuqraadiyadda waa xaqa dadku leeyihiin ee ku lug lahaanshaha maamulkooda iyaga oo adeegsanaya hadal xor ah iyo mudaaharaadyo nabdoon," ayuu yiri Ikechukwu Uzoma, Qareenka Sare ee Afrika ee KHRC. "Caburinta xuquuqdan, gaar ahaan ka dib markii la ansixiyay dastuur cusub, waa xadgudub ku aaddan hoggaamin dadka udub dhexaad u ah, sidaas darteedna waa wax la cambaareeyo."
"Saxaafadaha Soomaaliya, oo ay ku jiraan asxaabtayda, ayaa si isa soo taraysa ula kulmaya hanjabaad, xabsiyo aan sharci lahayn, iyo xayirid warbaahineed isla markaana cakirnaanta siyaasadeed ee dalku ay sii adkaaneyso," ayuu yiri Xoghayaha Guud ee SJS, Abdalle Ahmed Mumin .
"Weerarradan ma aha kaliya duulaan ka dhan ah xorriyadda saxaafadda, laakiin waxay sidoo kale yihiin dib u dhac weyn oo ku yimaada himilooyinka dimuqraadiyadda Soomaaliya, nabadgelyada, iyo xasilloonida dalka. Aamusiinta saxaafadda madax-bannaan waxay burburisaa kalsoonida shacabka, isla xisaabtankii, iyo ka qaybgalka madaniga ah ee is dhaafsiga macluumaadka xilli dalku uu baahi badan u qabo waxyaabahan."
Mas'uuliyiinta Soomaaliya waa inay ilaaliyaan waajibaadkooda dastuuriga ah iyo kuwa caalamiga ah si ay u ilaaliyaan xorriyadda saxaafadda oo ay u xaqiijiyaan in saxaafadu ay wax uga soo sheegto iyagoo aan ka cabsanayn aargoosi.
Bulshadda caalamku waa inayan aamusnaan ku sii jirin marka la eego xadgudubyadan sii kordhaya."
WAR SAXAAFADEEDKA OO DHAN lifaaqa hoose ka eeg:👇🏿