Midowga Dhalinyarada Tolweyne Owradeen

Midowga Dhalinyarada Tolweyne Owradeen MDHTO

18/04/2026
18/04/2026

MAHADCELIN
Waxaan halkaan uga mahadcelinaynaa, annaga oo isku duuban, dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan ee beelweynta Maxamuud Hiraab, sida sharafta leh ee ay uga soo qeyb galeen ugana soo ajiibeen caleemo-saarka nabadoonnada Tolweyne Owradeen.
Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinaynaa odayaasha, culumaa’udiinka, waxgaradka, dhalinyarada iyo haweenka oo muujiyay midnimo, wadajir iyo taageero buuxda.
Sidoo kale, mahad gaar ah waxay u sugnaatay teamkii soo agaasimay munaasabadda, kuwaas oo si heer sare ah u qabtay hawshaas.
📌 Fariintaan mahadcelinta ah waxay si rasmi ah uga soo baxday Xafiiska Dhalinyarada Tolweyne Owradeen.
Alle ha idinka abaal mariyo dhammaantiin.
Mahadsanidiin.

Xaflad heerkeedu sareeyo ayaa lagu Caleema Saaray Nabadoonka Guud Ee Beesha Tolweyne Awradeen Nabadoon Daahir Cali Dheer...
16/04/2026

Xaflad heerkeedu sareeyo ayaa lagu Caleema Saaray Nabadoonka Guud Ee Beesha Tolweyne Awradeen Nabadoon Daahir Cali Dheere Iyo Ku Xigeenkiisa Cabdiqadir Cali Faarax.

Waxaan leenahay Hambalyo Guuleesta Tolkeena

Waxaa lagu Caleema Saari doonaa Magaalada Mogadisho Beri oo Khamiis ah Nabadoonka Guud Ee Beesha Tolweyne Awradeen Iyo K...
16/04/2026

Waxaa lagu Caleema Saari doonaa Magaalada Mogadisho Beri oo Khamiis ah Nabadoonka Guud Ee Beesha Tolweyne Awradeen Iyo Ku Xigeenkiisa

Nabadoon Daahir Cali Dheere

Ku Xigeen Nabadoon Cabdiqadir Cali Faarax

Waxaan leenahay qof Kasta oo la Gaarsiiyay Casuumaada ka soo qeyb Gal wanaagsan





23/02/2026

WAR SAXAAFADEED
Gudiga Abaaraha Maxamuud Hiraab – Beesha Duduble
Gudiga Abaaraha Maxamuud Hiraab ee Beesha Duduble waxay si rasmi ah u soo saarayaan baaq cabasho ah oo ku saabsan xaaladda adag ee abaarta iyo biyo la’aanta saameysay dadkooda tabaleysan.
Muddooyinkii u dambeeyey, waxaa si weyn u saameeyey abaarta daran qoysas badan oo ku dhaqan deegaannada ay beeshan degto, kuwaas oo wajahaya:
Biyo yari ba’an
Cunto la’aan iyo nolol xumo
Xoolo dabar go’ ku dhow
Adeeg caafimaad oo aad u liita
Gudigu wuxuu si adag uga codsanayaa:
Dowladda Federaalka Soomaaliya
Maamul Goboleedyada ay khusayso
Hay’adaha Samafalka iyo kuwa Bani’aadannimada
Ganacsatada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed
Inay si degdeg ah gurmad bani’aadannimo ula soo gaaraan shacabka tabaaleysan, lana bixiyo:
Biyo dhaamin degdeg ah
Raashin iyo agab nololeed
Adeeg caafimaad
Taageero dib u soo kabasho ah
Gudigu wuxuu caddeynayaa in xaaladdu tahay mid degdeg ah oo u baahan tallaabooyin wax ku ool ah si loo badbaadiyo naf iyo maalba.
Ugu dambeyn, Gudiga Abaaraha Maxamuud Hiraab ee Duduble waxay ugu baaqayaan dhammaan cid kasta oo wax tari karta in ay ka qeyb qaadato gurmadka degdegga ah.
“Midnimo iyo isgarab istaag ayaa lagu badbaadin karaa dadkeenna tabaaleysan.”
Mahadsanidiin.

Majiro maandeyd ay heystaan labada nin ee qolka kireystay  ee dhahaayey waxan matalnaa tolweyne  waqtigiinii  waa dhamaa...
21/02/2026

Majiro maandeyd ay heystaan labada nin ee qolka kireystay ee dhahaayey waxan matalnaa tolweyne waqtigiinii waa dhamaaday yaan Midowga Dhalinyarada Tolweyne Owradeen la marin habaabin.
Gacan daahira ayaa wax daahirisa ?

Address

Mogadishu
252

Telephone

+252617900199

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Midowga Dhalinyarada Tolweyne Owradeen posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share