SIMAD Podcast

SIMAD Podcast The SIMAD Podcast is a Somali platform exploring topics like politics, business, education, economics, social issues, health and technology.

Part of SIMAD University’s iLab, it offers engaging audio and video content that promotes critical thinking​

13/03/2026

Cudurrada Raaga iyo Ramadaanka – Xalqadda 9aad ee Taxanaha “Ramadaan & Caafimaadkaaga.”

Qeybtan waxaan ku falanqeyn doonnaa:
• Maxaa ku dhici kara qofka haddii aan si sax ah loo daweyn cudurrada raaga?
• Saameynta cudurrada daba-dheeraada ay ku yeelan karaan jirka iyo tayada nolosha qofka.
• Xiriirka ka dhexeeya Ramadaanka iyo cudurka sokorta.
• Sidee qofka qaba sokorta u qaadan karaa daawadiisa isagoo sooman si badbaado leh?

Daraasado caafimaad ayaa muujinaya in dadka qaba sokorta ay la kulmi karaan halis sare sida hoos u dhac ama kor u kac sonkor dhiigga, gaar ahaan haddii aan si sax ah loo qorsheyn cunto iyo daawo inta lagu jiro soonka. Waxaa muhiim ah in la sameeyo talo-bixin caafimaad kahor Ramadaan si loo yareeyo khatarahaas.

Kasoo daawo halkaan: https://youtu.be/pZReoJb_6bo
Haddii aad rabto inaad Ramadaanka u wajahdo si caafimaad leh oo badbaado leh, ha ka maqnaan qeybtan muhiimka ah.


12/03/2026

Fadliga 10-ka dambe ee bisha Ramadaan iyo sida ugu habboon ee aan uga faaidaysan karno.

Ka daawo halkan xalqadda oo dhammaystiran: https://youtu.be/J-rHlpCul9Q

10/03/2026

Soonka iyo Carruurta – Xalqadda 8aad ee Taxanaha “Ramadaan & Caafimaadkaaga.”

Qeybtan waxaan ku falanqeyn doonnaa soonka iyo carruurta. Dad badan ayaa is weydiiya:

• Carruurta ma soomi karaan? Goorma ayay ku habboon tahay inay bilaabaan soonka?
• Sideese waalidiintu ugu bari karaan soonka si tartiib ah oo aan waxyeello ugu geysan caafimaadkooda?

Sidoo kale waxaan ka hadli doonnaa sida looga hortagi karo hoos u dhaca sonkorta jirka (sugar shock) ee mararka qaar carruurta ku dhici kara xilliga afurka ama marka ay muddo dheer gaajoodaan.

Kasoo daawo halkaan: https://youtu.be/jsUUczci678
Haddii aad rabto inaad Ramadaanka u wajahdo si caafimaad leh oo badbaado leh, ha ka maqnaan qeybtan muhiimka ah.

08/03/2026

Caafimaadka Indhaha iyo Ramadaanka – Xalqada 7aad ee Taxanaha “Ramadaan & Caafimaadkaaga.”

Qeybtan waxaan ku falanqeyn doonnaa sida loo daryeelo caafimaadka indhaha inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan. Waxaan sidoo kale ka jawaabi doonnaa su’aalo badan oo ay dadku isweydiiyaan, sida:
• Goojoyinka ama dhibcaha indhaha ma jabiyaan soonka?
• Daawooyinka indhaha sidee ugu habboon ayaa loo isticmaali karaa inta lagu jiro soonka?

Kasoo daawo halkaan: https://youtu.be/HwTX9mF0JJo

Haddii aad rabto inaad Ramadaanka u wajahdo si caafimaad leh oo badbaado leh, ha ka maqnaan qeybtan muhiimka ah.

07/03/2026

Wakhtiyada adag iyo abaaraha, waa maxay waajibka naga saaran caawinta dadkeenna tabaaleysan?


06/03/2026

Waa maxay waajibka gaarka ah ee saaran qofka Muslimka ah ee ku aaddan caawinta dadka tabaalaysan?
Xalqaddan waxaa inoogu marti ah Sheekh Cabdulxayi Sheekh Aadan, mid ka mida culimada Soomaaliyeed ee ku caan baxay gudbinta dacwada Islaamka.

Qaybtan waxaan ku falanqeyn doonnaa Sida ugu habboon ee looga faaidaysan lahaa 10-ka dambe ee Ramadan iyo xaaladda abaaraha adag ee dalka ka jira iyo doorka bulshada.

Ka daawo Halkaan: https://youtu.be/J-rHlpCul9Q

05/03/2026

Daryeelka Kilyaha & Kaadi-Mareenka Xilliga Ramadaanka – Xalqada 5aad ee Taxanaha “Ramadaan & Caafimaadkaaga”

Qeybtan waxaan ku falanqeyn doonnaa daryeelka kilyaha iyo kaadi-mareenka inta lagu guda jiro bisha Ramadaan, iyo sida soonku u saameyn karo shaqada kilyaha. Waxaan sidoo kale ka hadli doonnaa talooyin caafimaad oo ka caawinaya qofka sooman inuu ilaaliyo caafimaadka kilyihiisa, gaar ahaan dhinaca cabbitaanka biyaha.

Sidoo kale waxaan ka jawaabi doonnaa su’aalo muhiim ah sida: ma suuragal baa in qofka sooman ay kilyaha dhagxaan ku sameysmaan? Ma kala nugul yihiin dadka ku nool magaalooyinka iyo miyiga marka ay timaado halista dhagxaanta kilyaha?

Kasoo Daawo Halkaa : https://youtu.be/5SfUxGiQG8g

Haddii aad rabto inaad Ramadaanka u wajahdo si badbaado iyo caafimaad leh, ha ka maqnaan qeybtan.

03/03/2026

Caafimaadka Dhimirka iyo Ramadaanka

Qeybta 4aad ee Taxanaha "Ramadaan & Caafimaadkaaga"
Qeybtan waxaan ku falanqeyn doonnaa daryeelka caafimaadka dhimirka inta lagu guda jiro Ramadaanka. Waxaan sidoo kale kaga hadli doonnaa sida maskaxdu isu beddesho marka qofku sooman yahay, stress-ka, dareenka (emotions-ka), iyo sida qofku ula tacaalo waxyaabaha uu ku guuleysan waayay.

Ka daawo Youtube ka SIMAD Podcast: https://www.youtube.com/



02/03/2026

Caafimaadka Dhimirka iyo Ramadaanka – Qeybta 4aad ee Taxanaha “Ramadaan & Caafimaadkaaga”

Qeybtan waxaan ku falanqeyn doonnaa daryeelka caafimaadka dhimirka inta lagu guda jiro Ramadaanka. Waxaan sidoo kale kaga hadli doonnaa sida maskaxdu isu beddesho marka qofku sooman yahay, stress-ka, dareenka (emotions-ka), iyo sida qofku ula tacaalo waxyaabaha uu ku guuleysan waayay.

Ka daawo halkaan:https://youtu.be/SluxPRGp62A

Haddii aad rabto inaad Ramadaanka u wajahdo si badbaado iyo caafimaad leh, ha ka maqnaan qeybtan.

27/02/2026

Daryeelka Hooyooyinka Uurka Leh iyo Naas-nuujinta inta lagu jiro Ramadaanka
Qeybta 3aad ee Taxanaha “Ramadaan & Caafimaadkaaga”

Qeybtan waxaan ku falanqeyn doonnaa daryeelka hooyooyinka uurka leh iyo kuwa naas-nuujinaya inta lagu jiro Ramadaanka. Hooyooyinka uurka leh ma u baahan yihiin baaritaanno xilliga soonka? Hooyo uur leh ma soomi kartaa? Maxay yihiin calaamadaha digniinta ah ee Ramadaanka haddii hooyadu isku aragto ay tahay inay tagto xarun caafimaad?

Ka daawo halkaan: https://youtu.be/tM-esYW0E6k

Haddii aad rabto inaad Ramadaanka u wajahdo si badbaado iyo caafimaad leh, ha ka maqnaan qeybtaan.

Address

8th Floor, Town Campus, SIMAD University, Zoobe
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SIMAD Podcast posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share