Somali Congress Of Trade Unions-SOCOTU

Somali Congress Of Trade Unions-SOCOTU The Somali Congress of Trade Unions (SOCOTU) is an independent, democratic national trade union centr

🇸🇴 🇸🇦 SOCOTU Waxay Xoojineysaa Iskaashiga Shaqaalaha iyo Horumarka Shaqo ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga.Maalin...
10/06/2026

🇸🇴 🇸🇦 SOCOTU Waxay Xoojineysaa Iskaashiga Shaqaalaha iyo Horumarka Shaqo ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga.

Maalintii shalay, Madaxda Xiriirka Guud Ee Ururada Shaqaalada Soomaliyeed(SOCOTU) ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Safaaradda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Muqdisho, halkaas oo kulan miro dhal ah oo wax ku-ool ah kula yeesheen Danjiraha Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Maxamed.

Wafdiga SOCOTU waxaa hoggaaminayay Guddoomiyaha Ururka, Mudane Maxamed Cismaan Xaaji, iyo Xoghayaha Guud, Mudane Maxamud Xasan Cali.

Intii uu kulanku socday, Danjiraha iyo wafdiga SOCOTU waxay is-weydaarsadeen aragtiyo ku saabsan arrimaha saameeya shaqaalaha Soomaaliyeed iyo muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga lagu horumarinayo shaqo hufan, caddaalad bulsho, iyo koboc dhaqaale oo waara oo Soomaaliya ka hanaqaada.

Doodaha kulanka ayaa diiradda lagu saaray ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, horumarinta heerarka badbaadada iyo caafimaadka goobaha shaqada (OSH), xoojinta wada hadalka bulshada ee u dhexeeya shaqaalaha, loo-shaqeeyayaasha iyo hay’adaha dowladda, iyo abuurista fursado badan oo lagu horumarinayo xirfadaha iyo shaqo abuurka.

Sidoo kale, kulanku wuxuu adkeeyay muhiimadda koboc dhaqaale oo loo dhan yahay, kaas oo si toos ah uga faa’iideeya shaqaalaha iyo qoysaskooda, isla markaana ka qayb qaata xasilloonida, horumarka iyo barwaaqada mustaqbalka fog ee Soomaaliya.

SOCOTU waxay uga mahadcelisay Boqortooyada Sacuudi Carabiya taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, waxayna mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga dhinaca shaqada iyo difaacidda daryeelka, karaamada iyo xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed.



🇸🇴 🇸🇦 SOCOTU Strengthens Labour Cooperation with the Kingdom of Saudi Arabia.

Yesterday, the Somali Congress of Trade Unions (SOCOTU) paid an official visit to the Embassy of the Kingdom of Saudi Arabia in Mogadishu, where a productive and constructive meeting was held with H.E. Ahmed Mohamed, Ambassador of the Kingdom of Saudi Arabia to the Federal Republic of Somalia.

The SOCOTU delegation was led by President Mohamed Osman Haji and Secretary General Mohamud Hassan Ali.

During the meeting, the Ambassador and the SOCOTU delegation exchanged views on issues affecting Somali workers and the importance of strengthening cooperation to promote decent work, social justice, and sustainable economic development in Somalia.

Discussions focused on protecting workers’ rights, improving occupational safety and health standards, advancing social dialogue between workers, employers and government institutions, and creating greater opportunities for skills development and employment. The meeting also highlighted the importance of inclusive economic growth that benefits workers and their families while contributing to Somalia’s long-term stability and prosperity.

SOCOTU expressed its appreciation for the Kingdom of Saudi Arabia’s continued support for Somalia and reaffirmed its commitment to strengthening labour cooperation and promoting the welfare, dignity, and rights of Somali workers.

Xiriirka Guud ee Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed (SOCOTU) wuxuu hambalyo diirran u dirayaa dhammaan shaqaalaha Soomaaliy...
26/05/2026

Xiriirka Guud ee Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed (SOCOTU) wuxuu hambalyo diirran u dirayaa dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed iyo guud ahaan Muslimiinta caalamka munaasabadda barakaysan ee Ciid al-Adxa.

Waxaan Alle uga baryeynaa in uu naga aqbalo acmaasheena, na siiyo caafimaad, nabad iyo barwaaqo, isla markaana uu mideeyo ummadda Soomaaliyeed.

Ciid Wanaagsan!

يهنئ الاتحاد العام لنقابات عمال الصومال (SOCOTU) جميع العمال الصوماليين والمسلمين في كل مكان بمناسبة عيد الأضحى المبارك.

نسأل الله أن يتقبل منا ومنكم صالح الأعمال، وأن يعم السلام والاستقرار والرخاء على الشعب الصومالي والأمة الإسلامية جمعاء.

عيد مبارك وكل عام وأنتم بخير.

The Somali Congress of Trade Unions (SOCOTU) extends its warm greetings to all Somali workers and Muslims around the world on the blessed occasion of Eid al-Adha.

We pray that Allah accepts our good deeds, grants us health, peace, and prosperity, and strengthens unity among the Somali people.

Happy Eid al-Adha!

23/05/2026



الأخ العزيز السيد محمد عثمان حاجي المحترم
رئيس الاتحاد العام لنقابات عمال الصومال (SOCOTU)
السلام عليكم ورحمة الله وبركاته،
ببالغ التقدير والامتنان، تلقينا برقية التعزية والمواساة التي بعثتموها إلينا بوفاة شقيقنا المغفور له بإذن الله الحاج سرحان دنبوس براك، والتي عبّرت عن عمق مشاعركم الأخوية الصادقة ومواقفكم النبيلة.
إن كلماتكم الطيبة ومواساتكم الكريمة كان لها بالغ الأثر في التخفيف من مصابنا، وإننا نثمّن عالياً هذه اللفتة الإنسانية والأخوية التي تعكس عمق العلاقات التضامنية بين الحركة النقابية العراقية والصومالية، وروح الأخوة التي تجمع عمال وشعوب أمتنا.
نسأل الله تعالى أن يحفظكم ويديم عليكم الصحة والعافية، وأن يجنبكم وكل الأسرة النقابية العربية والدولية كل مكروه.
مع خالص الشكر والتقدير والاحترام.
أخوكم
الأستاذ ستار دنبوس براك
رئيس الاتحاد العام لنقابات العمال في العراق
نائب الأمين العام للاتحاد الدولي لنقابات العمال العرب

SOCOTU strongly condemns the Israeli attack in international waters targeting our brother President Mahmut Arslan and Si...
20/05/2026

SOCOTU strongly condemns the Israeli attack in international waters targeting our brother President Mahmut Arslan and Sister Fatma ZEGIN.

We demand freedom for them and call for their immediate release. We stand for justice, dignity, and respect for international law.

Solidarity with HAK-İŞ Leadership and Call for Immediate ReleaseDear Brothers and Sisters,The Somali Congress of Trade U...
19/05/2026

Solidarity with HAK-İŞ Leadership and Call for Immediate Release

Dear Brothers and Sisters,

The Somali Congress of Trade Unions (SOCOTU) expresses its deep concern and strong condemnation regarding the detention of HAK-İŞ Confederation President Mr. Mahmut Arslan and Deputy General Secretary Ms. Fatma Zengin by Israeli forces during the Global Sumud Flotilla humanitarian mission.

We stand in full solidarity with our brothers and sisters in HAK-İŞ and with all humanitarian volunteers who have been detained while peacefully supporting humanitarian aid efforts for the people of Gaza.

The detention of trade union leaders and humanitarian activists is unacceptable and raises serious concerns about their safety, human rights, and freedom. Trade union leaders must never be targeted for standing in solidarity with people suffering from war, hunger, and humanitarian crisis.

As part of the international trade union movement, SOCOTU calls for:

1. The immediate and unconditional release of Mr. Mahmut Arslan, Ms. Fatma Zengin, and all detained humanitarian volunteers.
2. Respect for international humanitarian law and the protection of all civilians and humanitarian missions.
3. Urgent action by the international community, global trade unions, and human rights organizations to ensure the safety and legal rights of all detainees.

SOCOTU also calls on trade unions around the world to raise their voices and strengthen international solidarity for justice, peace, human dignity, and humanitarian access to Gaza.

We remain united with HAK-İŞ and all workers and humanitarian organizations defending peace and human rights.

In solidarity,

Somali Congress of Trade Unions (SOCOTU)

Maanta waxa Xarunta Xiriirka Guud ee Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed (SOCOTU) si diirran loogu soo dhoweeyey Madaxa Hay...
12/05/2026

Maanta waxa Xarunta Xiriirka Guud ee Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed (SOCOTU) si diirran loogu soo dhoweeyey Madaxa Hay’adda Turkish Cooperation and Coordination Agency (TİKA) Mudane Zafer Eşki, oo booqasho shaqo ku yimid xarunta SOCOTU.

Booqashadan muhiimka ah ayaa ahayd mid lagu xoojinayo iskaashiga iyo wada shaqaynta muddada dheer ka dhaxaysa TİKA iyo SOCOTU, iyadoo diiradda lagu saaray dardargelinta iyo hirgelinta mashaariic horumarineed oo horey ugu jiray qorshaha wadajirka ah, kuwaas oo hadda la gaaray waqtigii fulintooda.

Intii ay booqashadu socotay, Mudane Zafer Eşki waxa uu kormeer iyo indho-indhayn ku sameeyey howlaha ka socda Machadka Somali Technical Training Institute (SOTTI), oo ah machad farsamo iyo xirfadeed oo hoos yimaada SOCOTU. Machadkan ayaa door weyn ka qaata tayeynta iyo horumarinta xirfadaha dhalinyarada Soomaaliyeed, isagoo soo saara dhalinyaro ku hubeysan xirfado kala duwan oo suurtagelinaya inay si wax ku ool ah uga qayb qaataan dib-u-dhiska dalka, koboca dhaqaalaha, iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed.

TİKA iyo SOCOTU waxa ka dhexeeya xiriir qoto dheer oo ku dhisan iskaashi, isfaham iyo taageero joogto ah oo lagu horumarinayo arrimaha shaqaalaha Soomaaliyeed, ilaalinta xuquuqdooda, kor u qaadidda fursadaha shaqo, iyo xoojinta daryeelka iyo danaha shaqaalaha guud ahaan.

SOCOTU waxay si weyn u bogaadinaysaa taageerada iyo dadaallada joogtada ah ee ay TİKA ku garab taagan tahay shacabka iyo shaqaalaha Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada horumarinta xirfadaha, shaqo-abuurka, iyo taageeridda mashaariicda horumarineed ee wax ku oolka u leh bulshada Soomaaliyeed.

The Somali Congress of Trade Unions (SOCOTU) warmly welcomed the Head of Turkish Cooperation and Coordination Agency (TİKA), Mr. Zafer Eşki, during an official visit focused on strengthening cooperation and advancing ongoing development projects.

Mr. Zafer Eşki also toured Somali Technical Training Institute (SOTTI), a vocational training institute under SOCOTU that equips Somali youth with valuable technical and professional skills contributing to employment, economic growth, and national development.

The long-standing partnership between TİKA and SOCOTU continues to promote workers’ rights, skills development, and sustainable community development in Somalia.

06/05/2026

Guddoomiye Maxamed Cismaan ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay inay si degdeg ah wax uga qabato dhibaatooyinka ka jira qaar ka mid ah isbitaallada dalka, gaar ahaan arrinta shaqaalaha caafimaadka ee lagu shaqaysiiyo iyaga oo aan wax mushahar ah qaadanin.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in ay lagama maarmaan tahay in la ilaaliyo xuquuqda shaqaalaha caafimaadka, maadaama ay door muhiim ah ka ciyaaraan badbaadinta nolosha bulshada, isla markaana aysan cadaalad ahayn in ay shaqeeyaan iyagoo aan helin xuquuqdoodii dhaqaale.

03/05/2026

Fadlan halkan ka daawo khudbadaha xuska Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha ee Guddoomiyaha SOCOTU, Mudane Mohamed Osman Haji, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Mohamed Saney Dalmar.

Xuska Maalinta Shaqaalaha Adduunka (1-da May) oo si maamuus leh loogu qabtay MuqdishoMunaasabad si heer sare ah loo agaa...
02/05/2026

Xuska Maalinta Shaqaalaha Adduunka (1-da May) oo si maamuus leh loogu qabtay Muqdisho

Munaasabad si heer sare ah loo agaasimay oo lagu weynaynayo Maalinta Shaqaalaha Adduunka (1-da May), ayaa maanta ka qabsoontay Hotel Maida ee magaalada Muqdisho. Madashan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, waxay ahayd mid si qoto dheer loogu maamuusay kaalinta laf-dhabarta u ah horumarka dalka ee ay shaqaaluhu leeyihiin.

Kulankan waxaa hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada, Mudane Maxamed Saaneey Dalmar, waxaana goob-joog ka ahaa mas’uuliyiin sar-sare oo ka socotay Xiriirka Guud ee Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed (SOCOTU), oo uu horkacayay Guddoomiyaha Xiriirka, Mudane Maxamed Cusmaan Xaaji. Sidoo kale, waxaa munaasabadda qayb ka ahaa agaasimayaal iyo wakiillo metelayay hay’adaha dowladda iyo dowlad goboleedyada dalka.

Intii ay munaasabaddu socotay, waxaa si mug leh looga dooday kaalinta lama-taabtaanka ah ee ay shaqaaluhu ku leeyihiin kobaca dhaqaalaha iyo dib-u-dhiska qaranka. Waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta xuquuqda shaqaalaha iyo horumarinta deegaanka ay ku shaqeeyaan.

Guddoomiyaha SOCOTU, Mudane Maxamed Cusmaan Xaaji, oo ku hadlayay codka shaqaalaha Soomaaliyeed, ayaa jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa. Wuxuu si qoto dheer u iftiimiyay xaaladda dhabta ah ee ay shaqaaluhu ku sugan yihiin, isagoo xusay qodobbo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:

Sicir-bararka iyo nolosha qaaliga ah: Mushaharka shaqaalaha oo aan la jaanqaadi karin kharashaadka sii kordhaya ee nolosha, gaar ahaan kororka xawliga ah ee kirada guryaha ee caasimadda Muqdisho.

Xaaladda dhallinyarada aqoonyahanka ah: Dhallinyaro badan oo ku xayiran barnaamijyada layli-shaqada (Internship), iyadoo aysan muuqan fursado shaqo oo rasmi ah oo ay u gudbaan.

Badqabka goobaha shaqada: Baahida weyn ee loo qabo in la adkeeyo badbaadada shaqaalaha, gaar ahaan kuwa u furan khatarta goobaha dhismaha iyo wershadaha.

Gabagabadii, mas’uuliyiintii madasha ka hadlay waxay si wadajir ah ugu baaqeen in la xoojiyo iskaashiga saddex-geesoodka ah ee u dhexeeya Dowladda, loo-shaqeeyayaasha, iyo ururrada shaqaalaha, si loo yagleelo jawi shaqo oo ku saleysan caddaalad, ammaan, iyo horumar waara.

20/04/2026

SOCOTU Sendikası yöneticilerini Büyükelçiliğimizde ağırlamaktan memnuniyet duyduk. Gelişen Somali ekonomisine nitelikli iş gücünün sunacağı katkıları ele aldığımız verimli bir görüşme gerçekleştirdik.

Waan ku faraxsanahay inaan Safaaradda ku soo dhoweynno madaxda Xiriirka Guud ee Ururrada Shaqaalaha. Waxaan yeelanay kulan miro-dhal ah, kaas oo aan uga wada hadalnay doorka muhiimka ah ee shaqaale xirfad leh ay ka qaadan karaan horumarinta iyo kobcinta dhaqaalaha sii koraya ee Soomaaliya.

We were pleased to host the leadership of the SOCOTU Trade Union at our Embassy. We held a productive meeting in which we discussed the contributions that a skilled workforce can make to Somalia’s developing economy.

Address

Somali Congress Of Trade Unions (SOCOTU)/Headquarters In Mogadishu
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Congress Of Trade Unions-SOCOTU posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Somali Congress Of Trade Unions-SOCOTU:

Share

Category