02/04/2024
Caruurta markay caloosha kasoo baxaan waxaa la socdo bahashan oo lagu magacaabo ibi⭕️
Ilaah awoodiisa bahashaan waxaa ku jiro oo isugu yimaado canuga dhiigiisa iyo hooyada dhiigeeda mucjisada marka ma is dhex galaan labadaas dhiig oo waxaa u dhexeeyo xuub, xuubkaas oo ay ku magacaaban dhakhaatirta xuubka caqliga leh waayo xuubkaas wuxuu haayaa shaqo caqliga ka tan wayn, wuxuu hooyada dhiigeeda kasoo qaadaa ogsijiin, sonkorta iyo insulinka wuxuu ku shubaa canuga dhiigiisa sokortii ayaa gubaneyso ogsijiinka dartiisa, gubashadaas iyo shaqadaas waxaa canugii uga dhalanaayo oo uu ka helaa tabar jirkiisa. Wasaqa canuga kasoo baxaayo iyo carbon dioxide ka ayagana isla xuubkas ayey soo maraan oo waxay ku soo shubmaan hooyada dhiigeeda markaas neefta hooyada afkeeda kasoo baxeyso 🗣️oo ay banaanka u bixineyso qayb ka mid ah waa neefta canuga uu soo saarayo👼🏾
Xuubkaas caaqilka ah dhiiga hooyada wuxuu kasoo qaadaa qayb ah nidaamka difaaca wuxuu ku shubaa dhiiga canuga, yacni canuga caloosha ku jiro xuubkaas wuxuu u yahay meel noloshiisa ilaa uu banaanka ka imaanayo lagu kala hago oo lagu dhaqaaleeyo, wuxuu kala yaqaanaa xuubkaas canuga wuxuu u baahan yahay iyo wuxuu u baahnayn, wuxuu u soo gudbiyaa keliya waxyaabaha uu u baahan yahay, hooyada haday raashin sun ah ama ay cunto wax ayada wax u dhimaayo canuga uma soo gudbiyo🤰🏽
Subxaanallaah صنع الله الذي أتقن كل شيء⚪️
وفى أنفسكم أفلا تبصرون❗️
Share dheh hadaad u arkaysid mowduuca inuu yahay mid faa’ido leh✍🏽
Xigasho Saida Ali