12/07/2026
Somali Youth Skilling Conference ๐
๐ฆ๐ข๐ ๐๐๐ ๐ฌ๐ข๐จ๐ง๐ ๐ฆ๐๐๐๐๐๐ก๐ ๐๐ข๐ก๐๐๐ฅ๐๐ก๐๐ ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฒ
Waxaa Sharaf inoo ah inaan idinla wadaagno Qabsoomidda Somali Youth Skilling Conference 2026, oo ah shir heer qaran ah oo loogu talagalay horumarinta aqoonta, xirfadaha iyo hal-abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed.
Shirkan wuxuu isu keeni doonaa dhallinyaro, aqoonyahanno, ganacsato, hal-abuurayaal, hay'adaha bulshada, iyo daneeyayaasha horumarinta si loo abuuro fursado cusub oo kor u qaada shaqo-abuurka, hal-abuurka iyo hoggaaminta jiilka soo koraya.
Ujeeddooyinka Shirka
๐น Kobcinta xirfadaha shaqo iyo ganacsi.
๐น Dhiirrigelinta hal-abuurka iyo tiknoolajiyadda casriga ah.
๐น Xoojinta hoggaaminta iyo ka qaybgalka dhallinyarada ee horumarinta dalka.
๐น Abuuridda isku xirnaan (Networking) iyo iskaashi u dhexeeya dhallinyarada iyo hay'adaha kala duwan.
๐น Soo bandhigista fursadaha waxbarasho, tababarro iyo shaqo.
Waxaan si diirran ugu martiqaadeynaa dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed, ardayda, xirfadlayaasha, ganacsatada, hal-abuurayaasha iyo dhammaan bahda horumarinta inay ka soo qaybgalaan madashan qiimaha badan.
Mustaqbal waara wuxuu ku bilaabmaa dhallinyaro leh aqoon, xirfad iyo hal-abuur. Aynu wada dhisno Soomaaliya ay horseed u yihiin dhallinyaro karti leh.
๐
Taariikhda: 12 August 2026
๐ Goobta: Mogadishu, Somalia
For Partnerships & Sponsorship
Email: [email protected]
WhatsApp: +252612914273