09/06/2026
Garsoore Cumar Cartan waxa uu Tusaale Toolmoon uyahay, Wiilka dhalinyaradda soomaaliga ah kartidiisa, Adkeysigiisa dhiiranaantiisa iyo isku tashigiisa heerka uu gaari karo, asaga oo kasoo jeedda dalka aan dowlad lahayn.
Waxa kale ee cumar tusaale u yahay sikasta oo aad u dadaaasho, u wajahdo caqabadaha una jiirto checkpoint-yada nolosha, derbiga ugu adag ee kusoo celin doonaa inuu yahay xaaladda dalkaagu ku suganyahay.
Tiro maleh inta wiil ama gabar soomaaliyeed oo dadaaley, jiiray caqabado ay ka gudbi waayeen dhalinyaro ka soo jeedda dowladdo waaweyn oo facilaties la garab taagan dhalinyaradooda, hadana markii ay intaas oo hawl ahi ay ka gaartey, ay hor istaagey hal jumlo oo ah (We Don’t Recognise Documents From your Country).
Hadaba Sideen uga hortegi karnaa inaysan dib dambe caqabadaan oo kale u hor istaagan halgamaa soomaaliyeed?
Jawaabtu waa inaan anagu hagaajinaa dalkeena
Sodon iyo Shan sano dalkeena waxaan marti uga ahayn siyaasiga na dhaxal siiyey ciil,caro, ceeb iyo cariiri aduun.
Waxay dalkeena astaan uga dhigeen musuq maasuq,dagaal sokeeye,dowlad la’aan, Arga-gagixiso iyo jahli.
Waa inay Transformation Point noo noqotaa Ihaanada maantay ku dhacday walaalkeen Abdulkadir Artan bedeshaa jihada aan u soconey Sodon iyo Shantii sano ee lasoo dhaafay.
Maxaan sameynaa?
Si’aan u badalno jihaddii aan u soconey.
✅ waa inaan bedelnaa system-ka siyaasada ee ay hogaamiyaan odayaasha 70 jirada ah ee ku caan baxay musuq maasuqa, qabyaalada, eexda, nin jeclaysiga, arga-gixisada, iyo dagaalka sokeeye ee halka aan naalo na dhigay maantay.
✅Oo ku badalnaa system dowladeed oo ay hormuud u yihiin dhalinyaro aqoonyahano ah oo ku dhisan Sinaan, Cadaalad, Nabad, iyo shaqadda oo la isku siiyo uqalmid (Merit), ka fog qabyaalad iyo nin tooxsi.
Dhalinyaradu waa Majority marka la joogo somalia dhibka ugu badan ee dowlad la’aantu ayaga ayuu ku dhacaa ama saameeyaa, waa inaan masiirkeena gacanteena ku qabsanaa oo aanan cidna udaba fariisan maantay kadib.
Feysal Geelle>Gudoomiyaha:SOMAALI YOUTH REVOLUTION