Magan Forum

Magan Forum Magan is a non-partisan forum that aims to honor the persistence of Somalis & entrepreneurial success

25 Luulyo 2026, Madasha Magan iyo Hay'adda Cilmibaarista Badaha Soomaaliyeed - HCBS ayaa Muqdisho ku qabtay Shirka Wadat...
19/08/2026

25 Luulyo 2026, Madasha Magan iyo Hay'adda Cilmibaarista Badaha Soomaaliyeed - HCBS ayaa Muqdisho ku qabtay Shirka Wadatashiga Daneeyayaasha Kalluumeysiga Soomaaliyeed: Fursadaha iyo Caqabadaha, kaas oo ay ka soo qaybgaleen in ka badan 250 qof.

Madashu waxa ay diiradda saartay fursadaha iyo caqabadaha ka jira kalluumeysiga Soomaaliya, iyadoo si gaar ah looga hadlay maalgashiga, dowladda, dhoofinta, maalgelinta, iyo ilaalinta khayraadka badda.

Warbixinta shirka oo dhameystiran, kala deg lifaaqa qeybta comments-ka, iyadoo ku soo baxday Soomaali iyo English.

18/08/2026

"Warka ah in kalluunkeena uu dabar go'aayo, waxay u baahantahay cilmibaaris ah."

— Dr. Cabdicasiis Xuseen Xasan, La-taliye Sare oo ka tirsan Wasaaradda kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga JFS

Dooddan oo dhameystiran ka daawo link-ga comment-ga ku lifaaqan.

11/08/2026

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada XFS ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qorsheynayso beerista 300,000 oo Hektar oo geed Timireed ah.

10/08/2026

Maxaa dowladda uga qorsheysan caqabadaha license-ka ee Kalluumeysatada Somaaliyeed?

Dooddan oo dhameystiran ka daawo link-ga comment-ga ku lifaaqan.

09/08/2026

"Waxaan furi doonnaa jidadka iyo isku socodka cuntada, iyo sidii cuntoyinka ay kamidka yihiin Mooska, Liin dhanaanta iyo Sisinta oo suuqyo fiican heysta loo dhoofin lahaa."

— Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS

08/08/2026

"Kalluunku wuxuu leeyahay halbeeg (Standard) loogu talagalay hubinta tayadiisa iyo in uu gaaro heerka loo baahan yahay. Haddii aan la helin hay’ad maamusha tayada kalluunka, Itoobiya lama geyn karo, Kenya lama geyn karo, cid kalena looma geyn karo."

— Dr. Cabdicasiis Xuseen Xasan, La-taliye Sare oo ka tirsan Wasaaradda kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga JFS

Dooddan oo dhameystiran ka daawo link-ga comment-ga ku lifaaqan.

06/08/2026

"Dalka hadda waxa uu ka baxay waqtigii gargaarka iyo quudintii bannaanka na looga soo diri jiray. Waxaa la joogaa waqti dalku isku tashanayo."

— Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS

04/08/2026

"Meesha keliya oo aan heysanay, oo aan Kalluunka geyn karnay, muddo dhowr iyo labaatan sano ahna wada shaqeyneynay waxay ahayd Dubai."

— Cali Ibraahim, Guddoomiyaha Ururka Dhoofinta Cunto Badeedka Soomaaliya

Dooddan oo dhameystiran ka daawo link-ga comment-ga ku lifaaqan.

02/08/2026

Hadaljeedinta Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Cabdiqaadir Maxamed Nuur ee shirka “Daneeyayaasha Kalluunka Soomaaliya: Caqabadaha iyo Fursadaha” oo ay iska kaashadeen Madasha Magan iyo Hay’adda Cilmibaarista Badaha Soomaaliyeed.

Address

Zobe Small Road, Rayan Building, Wadajir District
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Magan Forum posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Magan Forum:

Shortcuts

Share