Mu'assasada Iqra Foundation - Orphanages' Education

Mu'assasada Iqra Foundation - Orphanages' Education Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Mu'assasada Iqra Foundation - Orphanages' Education, Nonprofit Organization, Km 5, Mogadishu.

We are calling out Philanthropy/Contributors who are ready to Assist; Orphanage children, Destitute disadvantaged, Disabled, Less privileged, Giving them care, love and support but not limited to Education, Food and Health in Somalia.

09/03/2026

Walaalihii soo dhiibay miisaanka akhiro rabbi ha ugu daro wax ka kheyr badanna rabbi ha ugu badalo,kuwii qaatayna caafimaad allah ha ugu daro allah waxaan uga baryeeynaa in uu gacan dadoow iyagana ka kaafiyo.

Mu'assasada Iqra Foundation - Orphanages' Education

Hay’adda Iqra Foundation oo ka shaqeysa arrimaha samafalka iyo waxbarashada ayaa deeq raashin ah gaarsiisay in ka badan ...
09/03/2026

Hay’adda Iqra Foundation oo ka shaqeysa arrimaha samafalka iyo waxbarashada ayaa deeq raashin ah gaarsiisay in ka badan 300 qoys oo dan yar ah kuwa oo ku nool degmada Guriceel iyo deegaannada ku teedsan.

Qoysaskan maanta deeqda raashinka ah la gaarsiiyay ayaa isugu jiray kuwa ay saameysay abaaruhu iyo kuwa danyar ah.

Deeqdan waxa iska aruuriyay walaalo muxsiniin ah, iyaga oo u soo wakiishay gaarsiinta deeqdan dadka loogu talagalay Hay’adda Mu'assasada Iqra Foundation - Orphanages' Education

Caawinta agoonta waa deyn aad nolosha uga bixin doonto maalinta aan hanti wax tarayn.
14/09/2025

Caawinta agoonta waa deyn aad nolosha uga bixin doonto maalinta aan hanti wax tarayn.

Sawiiro: Dugsiga Maxamuud Sabriye, oo ka mid ah dugsiyada ku yaalla degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, kana mid ah k...
03/09/2025

Sawiiro: Dugsiga Maxamuud Sabriye, oo ka mid ah dugsiyada ku yaalla degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, kana mid ah kuwa ay gacanta ku hayso Mu'assasada Iqra Foundation - Orphanages' Education ayaa lagu qabtay bandhig taariikheed.

Bandhiggan oo uu soo qabanqaabiyey Mustaf Warsame Sabriye, oo ah qoraa iyo aqoonyahan Soomaaliyeed, ayaa lagu soo bandhigay taariikhda iyo waayihii guddoomiyihii ugu horreeyay ee Guriceel, Maxamuud Sabriye.

Guddoomiye Maxamuud Sabriye waxa uu ahaa halyeey iyo hoggaamiye caan ku ahaa daacadnimo iyo wax taarka kuwa u bahan hiilka Waxaa farxad weyn u ahayd Iqra Foundation inay dugsiga ku magacawdo Maxamuud Sabriye.

Dhamaad.

18/08/2025

Short Film Iqra Foundation Impact in Galmudug.

Sawirro: Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Abwaan Guure, ayna weheliyaan Guddoomiyaha Jaa...
10/07/2025

Sawirro:

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Abwaan Guure, ayna weheliyaan Guddoomiyaha Jaamacadda Soomaaliya DR Hassan Sayid, Guddoomiyaha Hay’adda Mu'assasada Iqra Foundation - Orphanages' Education Axmed Xasan Cali, iyo mas’uuliyiin kale, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Waxaana mas’uuliyiintaas Guriceel kusoo dhaweeyay Maamulka Degmada Guriceel, Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Samafalka degmada Ceelbuur, Maxamuud Ciise Galaadi iyo Dadweyne farabadan.

Mas’uuliyiintaan ayaa markii la soo dhaweeyay kadib booqday dugsiga hoose/dhexe ee Maxamuud Sabriye ee degmada Guriceel, kaasoo ay hirgelisay Hay’adda Iqra, iyagoo ku ammaanay Hay’adda Iqra Foundation hirgelinta dugsigan.

03/10/2024

Maalmihii Bilaawga Wax barashada school ka

08/12/2023

Hadafka ugu wayn ee uu mu'minku u noolyahay waa raali gelinta Eebbe (Sw). Dhammaan ahdaafta kale ee aan nolosha ka leennahay, waxay u adeegaan hadafka wayn ee aynnu u noollahay. Shahaadada aad jaamacadda ka qaadanayso, guurka aad guursanayso, shaqada wanaagsan ee aad ka shaqaynayso, shirkadda aad furanayso, xilka aad bulshada u qabanayso, dhammaantood waa inay kuu noqdaan ahdaaf yaryar oo kuu sii dhawaynaya hadafka wayn ee aad nolosha ka leedahay, haddii kale, wuxuun bay noqonaysaa in hadafkaagii yaraa ee dunawiga ahaa uu kaa hor istaago kii waynaa ee aad u noolayd.

— Mubarak Hadi

22/09/2023

Waxaa Meel wanagsan marayaa dhismaha Xarunta waxbarshada Agoonta iyo Danyarta Ee IQRA Deg: Guri-el.
Xaruntaan Ayaa ka koobnan doon-ta Qeybo badan sida
Qeyb-ta Fasalla-da , Qeyb-ta Hoy-ga , masaajid , iyo Qeybo Caruurta ku nastaaan Ama ku cunteeyaan.
Barnaamijkaan oo Ah mid kheyr Eh waxaa ka qeyb qaatay muxsiniin somaliyed oo isku jira Qurbo joog iyo dal joog.
Mu'assasada Iqra Foundation - Orphanages' Education
What's App: 770-11 44 88

25/08/2023
04/08/2023

Dhagax dhigga dhismaha xarunta waxbarashada agoonta Mu'assasada Iqra Foundation - Orphanages' Education

Qorahaha ayaa ah in dhawaan halkaas laga hirgaliyo xarun diiniga iyo maadigaba lagu baro agoonta iyo dan yarta.

Waxaa goobta joogay madax ka socotay iqra foundation iyo maareeyaha taayatarka qaranka Abwaan Guure

Address

Km 5
Mogadishu

Telephone

+252615988941

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mu'assasada Iqra Foundation - Orphanages' Education posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share