02/07/2026
β¨π₯ Guul Caafimaad oo Weyn: Xarunta Caafimaad ee Mama Amina oo si Rasmi ah loo Furay Degmada Kahda! π₯β¨
Waxaan si farxad leh ugu hambalyeenenaa bulshada Degmada Kahda furitaanka rasmiga ah ee Xarunta Caafimaad ee Mama Amina ee laga furay gudaha degmada.
Tani waa horumar weyn oo degmada u soo hooyatay, maadaama xaruntu ay hadda si buuxda u bixiso dhammaan adeegyada caafimaad ee laga filayo xarun caafimaad oo heer sare leh.
Halkan waxaan kugu soo gudbinaynaa adeegyada muhiimka ah ee laga helo xaruntan:
Adeegyada Caafimaad ee Xarunta Caafimaad ee Mama Amina:
1- Adeegyada Caafimaadka Hooyada iyo Dhallanka (MCH): Daryeelka uurka, daryeelka dhalmada ee ammaanka ah, iyo daryeelka dhallaanka kuwaas oo ay ku jiraan baaritaannada iyo saarida (Ultrasound ka) si loo ogaado badqabka ubadka ku jiro caloosha hooyada.
2- Adeegyada Tallaalka: Bixinta tallaallada lagama maarmaanka ah si looga ilaaliyo carruurta cudurrada halista ah.
3- Adeegyada Nafaqada: Baaritaanka nafaqo-darrida carruurta iyo hooyooyinka iyo bixinta kaabayaasha nafaqada si loola dagaallamo yaraanta nafaqo.
4- Qeybta Guud ee Bukaanka (OPD): Bixinta daryeelka caafimaad ee aasaasiga ah, daawaynta cudurrada caadiga ah, iyo u dirista kiisaska adag xarumaha heerka sare.
5- Wacyigelinta/Waxbarashada Caafimaadka: Sameynta doodaha caafimaad ee ku saabsan nadaafadda, quudinta carruurta iyo ka-hortagga cudurrada si loo kordhiyo wacyiga bulshada.
6- Adeegyada WASH: Isku-dhafka adeegyada caafimaad iyo nadaafadda, oo ay ku jirto helitaanka biyo nadiif ah iyo kor-u-qaadista nadaafadda deegaanka.
Guushan waxay ka dhigan tahay tallaabo weyn oo horay loo qaaday, maadaama dadka degmada Kahda ay hadda heli karaan daryeel caafimaad oo tayo leh oo u dhow guryahooda.
Mahadnaq:
Furitaankan guusha leh, waxaan ugu horreyn mahadnaq u jeedinaynaa Allaha Subhanahu wa Ta'ala oo suurta-geliyay.
Waxaan sidoo kale mahad gaar ah u jeedinaynaa Maamulka Degmada Kahda, gaar ahaan Sarkaalka Caafimaadka Degmada (DMO), Mama Hawa Luul, oo si dhaw ula shaqaysay sidii xaruntu loo fuuri lahaa loogana hawl-gelin lahaa gudaha Degmada Kahda.
Ugu dambayn, waxaan u mahadcelinaynaa dhammaan bulshada Degmada Kahda ee soo dhoweysay xaruntan kana qayb qaadatay guushan.
Waxaan rajeyneynaa in xaruntani ay si weyn uga qayb qaadato buuxinta baahiyaha caafimaad ee degmada, isla-markaana ay door muhiim ah ka ciyaari doonto badbaadinta nolosha hooyooyinka iyo carruurta. Allaha ayaa ah kan bixiya nolosha iyo badbiyaha.
Mahadsanidiin .........