08/08/2025
SHAACINTA RASMIGA AH – Al Ridaa Media.
● Ku saabsan Al Ridaa Media
Al Ridaa Media waa shirkad warbaahineed oo casri ah oo ka howlgesha Soomaaliya, kana shaqeysa soo saarista, duubista, iyo baahinta muuqaalada iyo codadka tayo sare leh. Shirkaddu waxay xoogga saartaa waxbarashada, ganacsiga, iyo keydinta xusuusta bulshada iyadoo adeegyo warbaahineed u fidineysa macmiil kala duwan – laga bilaabo qoysaska ilaa hay’adaha iyo ganacsatada.
● Qeybaha Shirkadda iyo Shaqadooda
1. Al Ridaa Documentaries
Waaxdan waxay ku takhasustay soo saarista taxanayaal dukumeenti ah oo tayo sare leh, kuwaas oo diiradda saaraya:
Taariikhda, dhaqanka, iyo hidaha bulshada Soomaaliyeed
Sheekooyinka guusha ganacsatada iyo hal-abuurayaasha
Warbixino aqooneed oo bulshada iftiiminaya
Kaydinta dhacdooyinka taariikheed ee muhiimka ah
Waxaan adeegsanaa farsamooyin casri ah iyo muuqaal-qaadis heer caalami ah si sheekada loo gudbiyo si qoto dheer, macluumaad leh, oo soo jiidata daawadayaasha.
2. Al Ridaa Risaala
Al Ridaa Risaala waa qeybta diiradda saarta barnaamijyada aqooneed iyo Podcasts-ka. Waxay soo saartaa:
Podcasts tayo sare leh oo ku saabsan dhaqaalaha, ganacsiga, iyo horumarka bulshada
Barnaamijyo aqooneed oo lagu dhiirrigeliyo fikirka iyo waxbarashada
Waraysiyo lala yeesho aqoonyahanno, ganacsato, iyo hal-abuurayaal
Gudbinta sheekooyin dhiirrigelin leh oo bulshada ku reeba saamayn togan kuwaas oo qeyb ay ka qaadan doonaan Culimada dalka.
Waxaan u jeedkeenu yahay in Risaaladu noqoto madal laga helo aqoon, aragti cusub, iyo dhiirigelin joogto ah.
3. Al Ridaa Academy
Al Ridaa Academy waa xarun tababar oo bixisa koorsooyin xirfadeed iyo casharro ku saleysan khibrad dhab ah, gaar ahaan:
Muuqaal sameynta iyo tafatirka muuqaalada (Video Production & Editing)
Photography iyo farsamooyinka kaamirada
Suuqgeynta dhijitaalka ah (Digital Marketing)
Tababarro ganacsi iyo xirfado shaqo
Koorsooyin lagu horumarinayo xirfadaha shaqsiga iyo aqoonta bulshada.
Hoggaaminta iyo Maamulka (Leadership and Management)
Xirfada shaqada iyo shaqaalaha (HRM) iyo qaar kale oo badan.
Academy-gu wuxuu isku daraa aragti iyo ficil, isagoo ardayda ku qalabeeya xirfado ay isla maalintaas shaqada ku bilaabi karaan.
● Hadafka Shirkadda
Hadafkeennu waa inaan noqono hormuudka warbaahinta aqoonta leh ee Soomaaliya, annagoo:
Kobcinayna waxbarashada iyo wacyiga bulshada
Taageerayna ganacsiga iyo hal-abuurka
Soo saarno muuqaal iyo cod tayo caalami ah leh
Ilaalinna xusuusta bulshada iyo dhacdooyinkooda muhiimka ah
● Waxa Aan Kaga Duwanahay Shirkadaha Kale
Xirfad iyo tayo sare – Shaqada oo loo sameeyo si heer caalami ah, iyadoo la adeegsanayo qalab casri ah.
Diirad aqooneed – Ma aha oo kaliya muuqaal qurux badan, balse nuxur leh oo waxbarasho iyo wacyi ah.
Koox xirfadleyaal ah – Ku takhasusay maamulka, muuqaal sameynta, iyo suuqgeynta dhijitaalka ah.
Adeeg macmiil gaar ah – Waxaan shaqada u habeeynaa si ay ula jaanqaado baahida macmiilka.
📍 Cinwaanka Xafiiska: Isgoyska Baar Ubar
📞 Tel: 0618259845
📧 Email: [email protected]
💡 Halku Dhigeenna:
"Al Ridaa Media – Halka Lagu Rumeeyo Riyadaada ganacsi iyo waxabarasho.