Jamhuriya Alumni Association - JAA

Jamhuriya Alumni Association - JAA Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Jamhuriya Alumni Association - JAA, Nonprofit Organization, Hodan, Mogadishu.

Alumni-ga JUST, waxaan la wadaagayaa fursad muhiim ah oo ah EAC Scholarship Programme – Cohort 4, oo bixineysa ilaa 120 ...
27/08/2026

Alumni-ga JUST, waxaan la wadaagayaa fursad muhiim ah oo ah EAC Scholarship Programme – Cohort 4, oo bixineysa ilaa 120 fully funded Master’s scholarships muddo 2 sano ah. Somalia waxay ka mid tahay dalalka u qalma.

Scholarship-ku wuxuu daboolayaa tuition-ka, stipend bille ah, safarka, medical insurance iyo kharashaad kale oo waxbarasho.

Haddii aad tahay Bachelor’s graduate, ka yar 35 sano, oo buuxinaya shuruudaha, waxaan kugula talinayaa inaad fursaddan si fiican uga faa’iideysato.

📅 Deadline: 10 September 2026

Fadlan la wadaag Alumni kale oo aad u malaynayso inay fursaddan ka faa’iideysan karaan. 🤝🎓🇸🇴
https://iucea.org/eac-kfw-scholarship/

Hambalyo 𝐌𝐫. 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐒𝐚𝐥𝐚𝐝 𝐈𝐛𝐫𝐚𝐡𝐢𝐦 Mohamed Salaad oo loo magacaabay 𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐝𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐝𝐞𝐞𝐠𝐲𝐚𝐝...
24/08/2026

Hambalyo 𝐌𝐫. 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐒𝐚𝐥𝐚𝐝 𝐈𝐛𝐫𝐚𝐡𝐢𝐦 Mohamed Salaad oo loo magacaabay 𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐝𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐝𝐞𝐞𝐠𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐨-𝐚𝐛𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 (𝐏𝐮𝐛𝐥𝐢𝐜 𝐑𝐞𝐥𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧𝐬 & 𝐂𝐚𝐫𝐞𝐞𝐫 𝐒𝐞𝐫𝐯𝐢𝐜𝐞𝐬 𝐎𝐟𝐟𝐢𝐜𝐞) ee Jaamacadda Jamhuriya University of Science and Technology (JUST)
Xilkan cusub, wuxuu hoggaamin doonaa dadaallada lagu xoojinayo 𝐱𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐝𝐚𝐝𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚, 𝐢𝐬𝐠𝐚𝐚𝐫𝐬𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐡𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚, 𝐦𝐮𝐮𝐪𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐬𝐮𝐦𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚, 𝐱𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐀𝐥𝐮𝐦𝐧𝐢-𝐠𝐚, 𝐡𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐱𝐢𝐫𝐟𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚, 𝐟𝐮𝐫𝐬𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨, 𝐢𝐲𝐨 𝐢𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐡𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚/𝐰𝐚𝐫𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚.
Iyadoo la tixgelinayo khibraddiisa dhinacyada waxbarashada sare, hoggaaminta tacliinta, cilmi-baarista iyo horumarinta hay’adaha, waxaan ku kalsoonahay inuu door muhiim ah ka qaadan doono 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐡𝐢𝐦𝐢𝐥𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐢𝐬𝐭𝐢𝐫𝐚𝐚𝐭𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐤𝐨𝐛𝐜𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐬𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧-𝐣𝐚𝐛𝐢𝐲𝐚𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚.
Waxaan si diirran ugu hambalyeynaynaa 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐒𝐚𝐥𝐚𝐝 𝐈𝐛𝐫𝐚𝐡𝐢𝐦 xilkan cusub, waxaana u rajaynaynaa guul, saameyn wanaagsan iyo waxqabad muuqda inta uu gudanayo waajibaadkiisa Jaamacadda Jamhuriya University.
𝐖𝐚𝐱𝐚𝐚𝐧𝐚 𝐤𝐮𝐮 𝐫𝐚𝐣𝐚𝐲𝐧𝐚𝐲𝐧𝐚𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐥 𝐢𝐲𝐨 𝐡𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫 𝐣𝐨𝐨𝐠𝐭𝐨 𝐚𝐡!

30/06/2026
𝐉𝐔𝐒𝐓 𝐀𝐥𝐮𝐦𝐧𝐢 𝐓𝐚𝐥𝐤:Mahadsanidin dhammaan ka qaybgalayaasha iyo khubarada qiimaha leh ee ka soo qeyb galay kulankii shalay ...
30/06/2026

𝐉𝐔𝐒𝐓 𝐀𝐥𝐮𝐦𝐧𝐢 𝐓𝐚𝐥𝐤:

Mahadsanidin dhammaan ka qaybgalayaasha iyo khubarada qiimaha leh ee ka soo qeyb galay kulankii shalay dhacay ee 𝐖𝐨𝐫𝐤𝐩𝐥𝐚𝐜𝐞 𝐑𝐞𝐚𝐝𝐢𝐧𝐞𝐬𝐬 & 𝐂𝐚𝐫𝐞𝐞𝐫 𝐀𝐭𝐭𝐫𝐚𝐜𝐭𝐢𝐨𝐧: 𝐓𝐡𝐞 𝐅𝐮𝐭𝐮𝐫𝐞 𝐨𝐟 𝐄𝐜𝐨𝐧𝐨𝐦𝐢𝐜𝐬 & 𝐁𝐮𝐬𝐢𝐧𝐞𝐬𝐬 𝐌𝐚𝐧𝐚𝐠𝐞𝐦𝐞𝐧𝐭 𝐒𝐭𝐮𝐝𝐞𝐧𝐭𝐬.

Kulanka ayaa ahaa mid guul weyn ku soo dhammaaday, iyadoo ardayda jaamacadda ay ka faa’iideen talooyin iyo khibrado muhiim ah oo ku saabsan diyaarinta suuqa shaqada, fahamka suuqa iyo horumarinta xirfadaha mustaqbalka.

Martida kulanka:
- Mr. 𝐎𝐦𝐚𝐫 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐇𝐚𝐬𝐬𝐚𝐧 – Chief Human Resource Officer (CHRO) at Bulsho Development Bank
- Ms. 𝐅𝐚𝐫𝐭𝐮𝐧 𝐀𝐥𝐢 𝐍𝐮𝐫 – Digital Marketing & Content creation Specialist (Freelancer)

Waxaa qabanqaabiyay: 𝐅𝐚𝐜𝐮𝐥𝐭𝐲 𝐨𝐟 𝐄𝐜𝐨𝐧𝐨𝐦𝐢𝐜𝐬 & 𝐌𝐚𝐧𝐚𝐠𝐞𝐦𝐞𝐧𝐭

𝐒𝐞𝐛𝐭𝐞𝐦𝐛𝐚𝐫 10, 𝟐𝟎𝟐𝟓Naadiga Qalinjabiyayaasha Jaamacadda Jamhuriya ayaa si rasmi ah u aqbalay casuumaadda Naadiga Qalinjab...
11/09/2025

𝐒𝐞𝐛𝐭𝐞𝐦𝐛𝐚𝐫 10, 𝟐𝟎𝟐𝟓

Naadiga Qalinjabiyayaasha Jaamacadda Jamhuriya ayaa si rasmi ah u aqbalay casuumaadda Naadiga Qalinjabiyayaasha Jaamacadda SIMAD, iyagoo si sharaf leh loogu soo dhaweeyay xafiiska Naadiga SIMAD Alumni.

Waxaa hoggaaminayay wafdiga Jamhuriya *Dr. Maftuh M. Abdi*, Guddoomiyaha Guud ee Naadiga Qalinjabiyayaasha Jamhuriya, oo ay wehliyeen *Guddoomiye ku xigeenka Guud Mudane Mohamed Salad Ibrahim* iyo xubno kale oo ka tirsan hoggaanka Naadiga.

Kulanka oo ahaa mid miro-dhal ah ayaa lagu soo gabagabeeyay *saxiixa heshiis iskaashi (MoU)* oo rasmi ah, kaas oo u dhexeeya labada Naadi. Heshiiskan wuxuu xoojinayaa:

Iskaashiga aqooneed iyo cilmi-baaris
- Horumarinta xirfadaha qalinjabiyayaasha
- Taageeridda ardayda iyo dhisidda awoodda xubnaha
- Barnaamijyo khibrad wadaag ah iyo tababbarro wadajir ah

MoU-ga wuxuu calaamad u yahay *bilow cusub oo iskaashi waara*, kaas oo horseedi doona isbeddel wax ku ool ah, kobcinaya xiriirka ka dhexeeya labada Jaamacadood iyo qalinjabiyayaashooda

*“Iskaashigu waa furaha horumarka. Hal-naadi ma gaari karo waxa ay laba naadi wada gaari karaan.”*

Hmblyo dhamaan qalinjabiyaasha sandkaan dufcadii8 Jamhuriya University of Science and Technology
19/12/2023

Hmblyo dhamaan qalinjabiyaasha sandkaan dufcadii8 Jamhuriya University of Science and Technology

30/11/2023

Maamulka, Macalimiinta iyo Ardayda Jaamacadda Jamhuuriya waxay hambalyo u dirayaan dhakhaatiirtii ka qalin jebisay Jamacadda ee ku guuleystay Imtixaankii 𝐌𝐞𝐝𝐢𝐜𝐚𝐥 𝐑𝐞𝐬𝐢𝐝𝐞𝐧𝐜𝐲 uu qaado isbitaalka weyn ee 𝐄𝐫𝐝𝐨𝐠̆𝐚𝐧 (𝐄𝐱-𝐃𝐢𝐠𝐟𝐞𝐞𝐫).

Dhakhaatiirtaas oo kala ah, 𝐃𝐫 𝐋𝐢𝐛𝐚𝐧 𝐀𝐡𝐦𝐞𝐝 𝐆𝐮𝐭𝐚𝐥𝐞 oo kaalinta #𝟒𝐚𝐚𝐝 galay iyo 𝐃𝐫 𝐀𝐛𝐝𝐮𝐥𝐥𝐚𝐡𝐢 𝐀𝐡𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐛𝐝𝐮𝐥𝐥𝐚𝐡𝐢 oo kaalinta #𝟓𝐚𝐚𝐝 galay imtixaanka #𝐌𝐑𝐄𝐄𝟐𝟎𝟐𝟑 oo ay galeen 𝟒𝟑𝟓 dhakhaatiir ah.

Dhammaan guuleystayaasha waxaan u rajeyneynaa mustaqbal wanaagsan Inshaa'Allah.

Waxan uhambalyenenaa qalinjabiyashii ku guuleystay Imtixaankii 𝐌𝐞𝐝𝐢𝐜𝐚𝐥 𝐑𝐞𝐬𝐢𝐝𝐞𝐧𝐜𝐲 uu qaado isbitaalka weyn ee 𝐄𝐫𝐝𝐨𝐠̆𝐚𝐧 (𝐄...
30/11/2023

Waxan uhambalyenenaa qalinjabiyashii ku guuleystay Imtixaankii 𝐌𝐞𝐝𝐢𝐜𝐚𝐥 𝐑𝐞𝐬𝐢𝐝𝐞𝐧𝐜𝐲 uu qaado isbitaalka weyn ee 𝐄𝐫𝐝𝐨𝐠̆𝐚𝐧 (𝐄𝐱-𝐃𝐢𝐠𝐟𝐞𝐞𝐫).

Dhakhaatiirtaas oo kala ah, 𝐃𝐫 𝐋𝐢𝐛𝐚𝐧 𝐀𝐡𝐦𝐞𝐝 𝐆𝐮𝐭𝐚𝐥𝐞 oo kaalinta #𝟒𝐚𝐚𝐝 galay iyo 𝐃𝐫 𝐀𝐛𝐝𝐮𝐥𝐥𝐚𝐡𝐢 𝐀𝐡𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐛𝐝𝐮𝐥𝐥𝐚𝐡𝐢 oo kaalinta #𝟓𝐚𝐚𝐝 galay imtixaanka #𝐌𝐑𝐄𝐄𝟐𝟎𝟐𝟑 oo ay galeen 𝟒𝟑𝟓 dhakhaatiir ah.

Dhammaan guuleystayaasha waxaan u rajeyneynaa mustaqbal wanaagsan Inshaa'Allah.
Hmblyo dhamaan❤️👍🙏

10/10/2023

Ururka Qalinjebiyeyaasha Jaamacadda ayaa soo qaban qaabiyeen kulan qibrad wadaag iyo cilmi kororsi.

Kulanka waxa ka soo qeyb gali doona dhaqaatirta kala ah: Dr. Ismail Mohamed Abdullahi, Dr. Ahmed Omar Mohamed iyo Dr. Maryan-run Abdiwali Mohamed. Sido kale waxa Moderator ka ah Ahmed Abdukadir Ahmed.

Kulanka wuxu ka dhici doonaa Jaamacadda gaar ahaan Campus-One maalinka Khamista Insh'Allah.

Waxan farxada la qeybsaneynaa Hambalyana udireynaa drkeena ahaana mclinkeena Dr  hagi hussein si guul ah ugu soo dhamaad...
25/09/2023

Waxan farxada la qeybsaneynaa Hambalyana udireynaa drkeena ahaana mclinkeena Dr hagi hussein si guul ah ugu soo dhamaaday taqasus baahi badan loo qabay MD Pathology at Bangladesh Medical and Dental Council (BMDC).
Cilmi naafic ah oo barakeysan Allah kaga dhigo ustaad
Farxad Weyn Ayeey Noo Tahay Ina Farxadada Kula Qeybsano.hadaaneh qalinjabiyaasha jamacada Jamhuriya University of Science and Technology

Address

Hodan
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Jamhuriya Alumni Association - JAA posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Jamhuriya Alumni Association - JAA:

Shortcuts

Share