25/06/2026
OGEYSIIS MUHIIM AH
Bulsho Development Foundation (BDF) waxay si rasmi ah ugu wargelinaysaa dhammaan bulshada, la-hawlgalayaasha, deeq-bixiyeyaasha, iyo daneeyayaasha kale in magaca hay’adda laga beddelay Community Development Foundation (CDF) laguna beddelay Bulsho Development Foundation (BDF).
Sidaas darteed, laga bilaabo maanta iyo wixii ka dambeeya, dhammaan hawlaha, waraaqaha, heshiisyada, iyo isgaarsiinta rasmiga ah waxaa lagu fulin doonaa magaca cusub ee Bulsho Development Foundation (BDF).
Isbeddelkan magaceed wuxuu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo himilada iyo adeegyada hay’addu u hayso bulshada Soomaaliyeed. BDF waxay dardargelin doontaa barnaamijyada horumarinta bulshada, iyadoo mudnaanta siinaysa:
• Horumarinta dhaqaalaha dalka.
• Shaqo-abuurka iyo taageeridda qoysaska danta yar.
• Bixinta deeqaha waxbarasho iyo kobcinta fursadaha waxbarashada.
• Taageeridda barnaamijyada horumarineed ee bulshada.
Waxaan uga mahadcelineynaa bulshada iyo dhammaan daneeyayaasha taageerada ay mar walba la garab taagan yihiin hay’adda, waxaana rajeyneynaa wada-shaqeyn miro dhal ah oo horseeda horumar waara.
Bulsho Development Foundation (BDF)
"Building Communities, Creating Opportunities."