14/10/2026
Booqasho iyo Qiimeyn Xaaladda Goobaha ay Saameeyeen Roobabkii Da'ay ee Deerta ee Degmada Caabudwaaq.
______________________________________________
Magaalada Caabudwaaq waxaa ka da'ay roobab Mahiiigaan ah waxayna Saameyn ku yeesheen Dadka Barakacyaasha, ganacsiga iyo Isku-socodka bulshada .
Guddoomiyaha Mu'asasada Mr. Mahad Maxamed Cabdisamad ( Cadceed Cabdisamad ) ayaa ka qayb-galay Kormeer iyo Qiimeyn lagu Qiimeeynayay Xaddiga Saameynta roobabkii da'ay oo ay Wada Sameeyeen Maamulka Degmada, Wasaaradda Gargaarka ee Dowlad-Gobaleedka Galmudug, Hay'adaha Samafalka ee ka howlgalo Degmada Caabudwaaq.
Maamulka Degmada, Waasaradda Gargaarka ayaa ugu baaqay Bulshada , iyo Hay'addaha Caalamiga ah iyo Kuwa Qaran in ay u wada istaagaan u gurmashada dadka ay Saameeyeen Roobabkii Da'ay .
Ugu dambayn, waxaan sii Xoojinaynaa Baaqa Maamulka Degmada iyo Wasaaradda, waxaan ugu baaqaynaa Bulshada Deegaanka in la is Caawiyo Xilliga Xaaladaha adag ay jiraan , lagana qayb-qaato U gurmashada dadka ay Saameeyeen Roobabki oo ay ugu horreeyaan dadka Barakacyaasha oo Wajahayo Xaalad adag , Markii horana ay Xaaladooda ay liidatay .
iyo Saamaynta Roobabkii Da'ay