Tawfiq Foundation مؤسسة التوفيق

Tawfiq Foundation مؤسسة التوفيق مؤسسة خيرية غير حكومية وغير ربحية تعمل في التربية والتنمية الاجتماعية . وتم تأسيسها في عام 8/7/2022 م

16/06/2026
Waxaan Hambalyada   Munaasabadda Ciidul Ad- xaa u diraynaa Dhammaan Ummadda Muslimiinta gaar ahaan Bulshada Soomaaliyeed...
26/05/2026

Waxaan Hambalyada Munaasabadda Ciidul Ad- xaa u diraynaa Dhammaan Ummadda Muslimiinta gaar ahaan Bulshada Soomaaliyeed.

Allaha Naga aqbalo Acmaasha Wanaagsan .

عيد مبارك
تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال
كل عام وأنتم بخير .

Mu'asasada Tawfiiq ee Waxbarashada iyo Hormarinta oo kaashanayso Hay'adda Qadar Charity ayaa hirgelisay Dhismaha Masjidk...
13/05/2026

Mu'asasada Tawfiiq ee Waxbarashada iyo Hormarinta oo kaashanayso Hay'adda Qadar Charity ayaa hirgelisay Dhismaha Masjidka Al-nuur ee Degmada Caabudwaaq.

Hay'adda Qadar Charity oo ka jawaabayso Codsiga Mu'asasada Tawfiiq - oo ahaa in laga Caawiyo Dhismo Masjid iyo Dugsi Qur’aan - ayaa ka hirgelisay Degmada Caabudwaaq Mashruuca 1aad ee Dhismaha Masjidka Al-nuur , sidoo kale Waxa ay balan- qaadayn in ay hirgelin doonaan sida ugu dhaqsiyaha badan Mashruuca 2aad ee dhismaha Dugsi Qur’aan oo ka kooban labo Qol oo dhagax ah , 2 suuli iyo Xafiis laga Maamuli doono Dugsiga .

Mu'asasada Tawfiiq waxa ay U Mahadcelinaysaa Hay'adda Qadar Charity gaar ahaan Xafiiska Soomaaliya oo si Deg deg ah oga soo Jawaabay Codsiga Mu'asasada.

Ugu dambayn, Waxaan U Mahadcelinaynaa Maamulka Degmada Caabudwaaq, Madaxda Hay'adda Qadar Charity ,iyo Engineeradi dhisay Masjidka .

Foundation .
Masjidka -nuur

#
#2026 #

Xafladda Abaalmarinta Waxaa Shalay lagu qabtay Degmada Garbahaareey ee Caasimada Gobalka gedo Munaasabad lagu Abaalmarin...
24/04/2026

Xafladda Abaalmarinta

Waxaa Shalay lagu qabtay Degmada Garbahaareey ee Caasimada Gobalka gedo Munaasabad lagu Abaalmarinaayay Ardayda ka gashay Kaalmaha h**e ee Tartan Qur'aan oo loo qabtay qaar ka mid ah Dugsiyada Qur'aanka ee Degmada.

Munaasabadda Waxaa ka soo qayb-galay Wakiilka Mu'asasada Mudane Sh.Cabdulqaadir Ibraahin, Culimada Degmada iyo Waalidiinta Tartamayaasha.

Howlwadeenada Munaasabadda ayaa gu doonsiiyay Ardayda kaalmaha h**e ka gashay Tartanka Qur'aanka Abaalmarino si loogu dhiirigeliyo Qur'aanka .

إنا لله وإنا إليه راجعون Waxaan Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Culimada , Ehelkana iyo Bulshada Reer Caabudwaaq oga Tac...
21/04/2026

إنا لله وإنا إليه راجعون

Waxaan Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Culimada , Ehelkana iyo Bulshada Reer Caabudwaaq oga Tacsiyeeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timaaday Sheekheenna Sh.Daa'uud Xirsi Siyaad oo ku geeriyooday Degmada Caabudwaaq.

Sh.Waxa uu waqtigiisa ku soo qaatay Fidinta iyo baridda Diinta Islaamka.

Marti la Jecelyahay Allaha ka dhigo , Annaga Samir iyo Iimaan Allaha Naga siiyo . Qabrigiisa Allaha ka dhigo Jannatul Firdows.

Hambalyo iyo Dhiirigelin Guddoomiyaha Mu'asasada Tawfiiq Mudane Mahad Maxamed Cabdisamad " Cadceed Cabdisamad ayaa ka qa...
18/04/2026

Hambalyo iyo Dhiirigelin

Guddoomiyaha Mu'asasada Tawfiiq Mudane Mahad Maxamed Cabdisamad " Cadceed Cabdisamad ayaa ka qayb-galay Munaasabadd lagu guddoonsiinaayay Shahaadooyin Dufcadda 7aad ee ka qalinjabisay Machadka Galguduud ee Barashada Culuumta Shareecada iyo Carabiyada.

Machadka Galguduud oo ka Mid ah Macaahidda ka Diwaangashan Wasaaradda Waxbarashada JFS ayaa sanad kasta soo saaro Arday baratay Culuumta Shareecada iyo Carabiyada.

Machadka Galguduud Waxa uu ka mid yahay Xarumaha sida tooska ah u hoos yimaado Mu'asasada Tawfiiq ee Waxbarashada iyo Hormarinta .

Xafladda Waxaa ka soo qayb-galay Maamulka Degmada , Guddoonka Waxbarashada Degmada , Culimada Degmada iyo Waalidiinta Qalinjabiyaasha.

Guddoomiyaha Mu'asasada ayaa u Hambalyeeyay Qalinjabiyaasha Dufcadda 7aad ee ka baxay Machadka , sidoo kalane ku dhiirigeliyay in ay sii wadaan Waxbarashada gaar ahaan Waxbarashada Diiniga ah .

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay Bulshada Degmada Caabudwaaq in ay ka faa'iidaystaan Mahcadka.

Ugu dambayn , Guddoomiyaha ayaa oga Mahadceliyay Maamulka iyo Macallimiinta Juhdiga ay ku bixiyeen soo saaridda Jiilkaan lagu soo barbaariyay Barashada Culuumta Shareecada , iyo Guud ahaan Shaqada Wanaagsan ee ay u haayaan Bulshada.

Muxaadaro Maalintii Khamiista oo ay Taariikhduna ahayd 9/4/2026 waxaa Masjidka Tawfiiq ee Degmada Caabudwaaq lagu qabtay...
11/04/2026

Muxaadaro

Maalintii Khamiista oo ay Taariikhduna ahayd 9/4/2026 waxaa Masjidka Tawfiiq ee Degmada Caabudwaaq lagu qabtay Muxaadaro gooni u ah Haweenka Degmada , Muxaadarada ayaa ku saabsanayd Muhiimadda Xijaabka iyo is-asturidda u leeyihiin Haweenka.

Mu'asasada Tawfiiq ee Waxbarashada iyo Hormarinta ayaa soo Agaasintay Muxaadarada si kor loogu qaado Wacyiga diimeed .

Guddoomiyaha Mu'asasada Mudane Mahad Maxamed Cabdisamad " Cadceed Cabdisamad " ayaa balan qaaday in Mu'asasadu ay joogteen doonto Adeegyada ay bulshada u hayso Mu'asasada gaar ahaan Arrimaha Wacyigelinta iyo Baraarujinta .

Guddoomiyaha ayaa u Mahadcelinayay Akhyaarti soo Agaasintay Muxaadarada gaar ahaan Haweenka Dacwada ee Degmada.

Tawfiq Foundation
# Muxaadaro ah
# degmada Caabudwaaq # 2026

Wargelin  Waxaan ku Wargelinayaa Dhammaan Haween Weynaha Degmada Caabudwaaq in Mu'asasadu ay qaban doonto Muxaadaro Diin...
07/04/2026

Wargelin

Waxaan ku Wargelinayaa Dhammaan Haween Weynaha Degmada Caabudwaaq in Mu'asasadu ay qaban doonto Muxaadaro Diini ah laguna qaban doono Masjidka Tawfiiq.

Muxaadarada ayaa ku saabsan " Xijaabka iyo Ahmiyadda uu u leeyahay Haweenka "

Waxaan ku boorinaynaa Haweenka Degmada in laga soo qayb-galo Muxaadarada .

Saacadda : 3: 30pm ilaa 5: 30 pm

28/03/2026

مقتطفات من المحاضرة الأولي التي نظمت بها مؤسسة التوفيق للتربية والتنمية تحت عنون " المرأة مكانتها ودورها في الإسلام" بتاريخ 5/2/2026 في مسجد التوفيق بمدينة عابدواق .

Waxaan Ummadda Muslimiinta gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeynaynaa Munaasabadda Ciidul Fitriga . Sanadkaan ...
19/03/2026

Waxaan Ummadda Muslimiinta gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeynaynaa Munaasabadda Ciidul Fitriga .

Sanadkaan Sanadkiisa Kale Alle ha nagu gaarsiiyo nabad iyo Barwaaqo.

عيد مبارك وكل عام وأنتم بخير
تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال .

Address

KM4
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Tawfiq Foundation مؤسسة التوفيق posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share