24/04/2026
Xafladda Abaalmarinta
Waxaa Shalay lagu qabtay Degmada Garbahaareey ee Caasimada Gobalka gedo Munaasabad lagu Abaalmarinaayay Ardayda ka gashay Kaalmaha h**e ee Tartan Qur'aan oo loo qabtay qaar ka mid ah Dugsiyada Qur'aanka ee Degmada.
Munaasabadda Waxaa ka soo qayb-galay Wakiilka Mu'asasada Mudane Sh.Cabdulqaadir Ibraahin, Culimada Degmada iyo Waalidiinta Tartamayaasha.
Howlwadeenada Munaasabadda ayaa gu doonsiiyay Ardayda kaalmaha h**e ka gashay Tartanka Qur'aanka Abaalmarino si loogu dhiirigeliyo Qur'aanka .