14/11/2025
Taliyaha Hogaanka Saraakiisha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Gashaanle Sare Maxamed Cabdulle Cagdheer (Qaarboos) ayaa shir jaraa’id ku qabtay xarunta xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu kaga dhawaaqay amar rasmi ah oo la xiriira xaadiridda saraakiisha Asluubta.
Taliyaha ayaa amar ku bixiyey in dhammaan saraakiisha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ay maalinta sabtida, 15-ka November 2025, si buuxda ugu soo xaadiraan hoolka shirarka ee Xabsiga Dhexe.
Gaashaanle sare Maxamed Cabdulle Cagdheer wuxuu ku jiraa saraakiisha fara ku tiriska ah ee wadanka usoo halgamay isagoo kaalin muuqata kasoo qaatay dowlad dhiska dalka oo marxalada kala duwan soo maray.