Degmada Buula Jadiid ee Gobalka Bakool South West state of Somalia

Degmada Buula Jadiid ee Gobalka Bakool South West state of Somalia gartu labo nin mawada qosolsiso

14/11/2025

Guddoomiyaha Dhalinyarada digmadabuulajadiid" ee gobalka Bakool maxamed abshir hasan looyaqaano booroow KGS Waxaan hambalyo idiinka wadnaa madaxda ugu sarreysa digmada. Idinkuna waad ku mahadsan tihiin sida aad ugu shaqeyseen cabaabolka calanka konfur galbeed

27/07/2025

Digmada buulajadiid ee gobalka bakol

23/07/2025

Digmada buulajadiid ee gobalka bakool
KGS

21/07/2025

In the Name of Allah, the Most Gracious, the Most Merciful
Date 21/07/2025

To: The Youth Chairman of Buulajadiid District
Mr. Mohamed Abshir Hassan (Boorow)

Know : All Organizations, the Youth, the Administration of Buulajadiid District, and its Community

Subject: A Warm and Honorable Welcome
We, the administration, the civil society, and all sectors of the youth of Buulajadiid District, extend our heartfelt and profound congratulations on your official appointment as the Youth Chairman of Buulajadiid District.

It is a great honor and joy for us to witness you take this leadership role as a visionary young leader with ambition, capability, and innovation grounded in progress, unity, and sustainable change.

We firmly believe that you will be the voice and strength of the youth and that you will bring forth transparent, effective leadership built on genuine cooperation.

We wish you success, good health, and unwavering dedication as you carry out this important responsibility.
We are fully committed to working with you in a spirit of honesty, respect, and unity.
Welcome to this position!
Welcome to leading the youth!
Thank you.

بسم الله الرحمن الرحيم .Ku: Guddoomiyaha Dhalinyarada Degmada BuulajadiidMudane: Maxamed Cabshir xasan  (Boorow)Og: Dham...
21/07/2025

بسم الله الرحمن الرحيم .

Ku: Guddoomiyaha Dhalinyarada Degmada Buulajadiid
Mudane: Maxamed Cabshir xasan (Boorow)

Og: Dhamaan Hay’adaha, Dhalinyarada, Maamulka Degmada Buulajadiid iyo Shacabkooda.

Ujeeddo: Soo Dhaweyn Sharaf leh:

Anagoo ah maamulka, bulshada rayidka iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee dhalinyarada degmada Buulajadiid, waxaan si Diiran oo Mug leh u soo dhoweyneynaa magacaabista rasmiga ah ee Guddoomiyaha Dhalinyarada Degmada Buulajadiid.

Waxaa sharaf iyo farxad weyn noo ah in aad noqoto hoggaan dhalinyaro leh himilo, karti, iyo hal-abuur ku saleysan :
horumar, midnimo iyo isbeddel waara.

Waxaan aaminsanahay in aad noqon doonto codka iyo cududda dhalinyarada, isla markaana aad la imaan doonto hoggaan hufan, daahfuran, iyo wada shaqeyn dhab ah yeesha.

Waxaan kuu rajeyneynaa guul, caafimaad iyo dadaal joogto ah inta aad xilkan muhiimka ah hayso.
Waxaa naga go’an in aan si buuxda kula shaqeyno oo daacadnimo, ixtiraam, iyo wadajir ku dheexantahay.

Ku soo dhawoow xilka!
Ku soo dhawoow hoggaaminta dhalinyarada!

Mahadsanid.

14/07/2025

Firmishiga digmada buulajadiid ee gobalka bakoool

27/06/2025

Soodhowaada reer bakoool iyo dhamman reer kgs
Sigaar ah reer disoow

23/06/2025

BAAQ KA SOO BAXAY WAXGARADKA IYO CODBIXIYEYAASHA REER DISOW
Ku socota: Dhalinyarada & Ganacsatada Reer Disow
Ujeeddo: Ka Qeybgalka Dib-u-dhiska Degmada Buul-Jadiid

Anaga oo ah waxgaradka iyo codbixiyeyaasha Reer Disow, waxaan si xushmad leh ugu baaqeynaa dhammaan dhalinyarada iyo ganacsatada deegaanka in ay si firfircoon uga qeybqaataan dadaallada socda ee dib-u-dhiska degmada Buul-Jadiid.

Degmada Buul-Jadiid waa dhul ay leeyihiin dad leh taariikh, sharaf iyo karti. Waa deegaan leh fursado badan oo horumarineed, waxaana lagama maarmaan ah in aan mideysano si aan dib ugu dhisno kaabeyaasha nolosha ee muhiimka u ah bulshada. Waxaa ka mid ah:

Waddooyinka iyo helitaanka biyaha nadiifta ah

Isbitaalada iyo xarumaha caafimaadka

Dugsiyada iyo goobaha waxbarashada

Suuqyada ganacsiga iyo abuurista fursado shaqo

Waxaan si gaar ah ugu dhiirrigelinaynaa dhalinyarada in ay noqdaan hormuudka isbeddelka, muujiyaanna hal-adeyg, hoggaan iyo karti.
Ganacsatada waxaan ku boorrineynaa in ay maal gashadaan deegaanka, taageeraanna mashruucyada horumarineed si loo gaaro koboc dhaqaale iyo adeegyo bulsho.

Midnimo, wadajir iyo is-kaashi ayaa ah furaha horumar waara. Waxaa la joogaa waqtigii aan ka gudbi lahayn kala fogaanta, una jeedsan lahayn dhismaha dan-wadaagta ah ee degmada Buul-Jadiid.

Wabillaahi Towfiiq,
Waxgaradka & Codbixiyeyaasha Reer Disow

Tani waa degmada Buula Jadiid ee Gobalka Bakool waxaa ubaahan tahay adeeg bulsho waxey kale ubaahan tahay isgaarsiin iyo...
21/06/2025

Tani waa degmada Buula Jadiid ee Gobalka Bakool waxaa ubaahan tahay adeeg bulsho waxey kale ubaahan tahay isgaarsiin iyo dhamaan hormarka deeganka kuwaani tuulooyinka laqaba Adeeg la.aanta waxaan ku baaqayaa shacabka munool gobalka bakool gaar ahaan degmada buula jadiid in ay sameeyaan wadajir iyo iskutashiyo

Waxaa si gaar ah ugu baaqayaa waxgaradka iyo Dhalinrayada ka soo jeedo deeganades ee waxbaratey 🧠📚🖋🖊

Dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan caalamka Islaamka waxaan idin ku hambalyeynayaa munaasabadda barakaysan ee...
28/02/2025

Dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan caalamka Islaamka waxaan idin ku hambalyeynayaa munaasabadda barakaysan ee bilashada bisha Ramadaan.

Bisha naxariista iyo dambi dhaafka awgeed, waxaan dadka kgs gaar ahaan reer buula jadiid ku boorinayaa in ay u istaagaan taakuleeynta dadkeenna danyarta ah, oo ay badiyaan Rabbi-bariga bishan barakaysan oo dalka iyo dadkaba ugu duceeyaan amni iyo barwaaqo.
Alle ha inaga aqbalo acmaasha wanaagsan.

Ramadaan kariim.

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Degmada Buula Jadiid ee Gobalka Bakool South West state of Somalia posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share