Somali Eco Action Platform

Somali Eco Action Platform SEAP is a youth-led platform founded in 2021 by environmental youth.

Hay’adda Somali Eco Action Platform ayaa si rasmi ah u xustay Maalinta Dhir-beerista Qaranka Soomaaliyeed oo ku beegan 1...
17/04/2026

Hay’adda Somali Eco Action Platform ayaa si rasmi ah u xustay Maalinta Dhir-beerista Qaranka Soomaaliyeed oo ku beegan 17-ka Abriil, iyagoo dhireyn ka fuliyay dugsiga Hanti-Wadaag.

Dhireyntan ayaa lagu muujiyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta deegaanka, xoojinta dhirta, iyo la tacaalidda isbeddelka cimiladda, iyadoo sanadkan halkudhiggiisu yahay “Maanta beero, berri ku noolow.” Fariintan waxay si cad uga muuqatay goobta, halkaas oo ardaydu ay si firfircoon uga qeyb qaateen beerista dhirta.

Sidoo kale, maamulka iyo macalimiinta ayaa ka qeyb qaatay hawsha, una muujiyay taageero iyo dhiirrigelin ay siinayaan ardayda, taas oo ka tarjumeysa wada shaqeyn iyo faham dhab ah oo ku saabsan ilaalinta deegaanka.

🚨 W𝐀RBXIN CUSUB OO KA TIMID QARAMADA MIDOOBAY (UNEP) - DIGNIIN KU SAABSAN DHAQDHAQAAQA CIMILADA ADDUNKA.Hay’adda Qaramad...
06/11/2025

🚨 W𝐀RBXIN CUSUB OO KA TIMID QARAMADA MIDOOBAY (UNEP) - DIGNIIN KU SAABSAN DHAQDHAQAAQA CIMILADA ADDUNKA.

Hay’adda Qaramada Midoobay ee Deegaanka (UNEP) ayaa soo saartay warbixin digniin ah oo muujinaysa in ballanqaadyada cimilada ee dalalka adduunka aysan weli la jaanqaadi karin ujeeddooyinka Heshiiskii Paris.

Warbixintani waxay tilmaamaysaa in haddii xaaladda hadda jirta ay sii socoto, ay dunida u horseedeyso kululaansho caalami ah oo gaaraya 2.3–2.5°C, iyadoo aan si degdeg ah loo qaadin tallaabooyin waaweyn. In kasta oo dalalku cusbooneysiyeen ballanqaadyadooda cimilada (NDCs), horumarka waa mid gaabis ah, waxaana adduunku halis weyn ugu dhow yahay inuu lumiyo bartilmaameedka 1.5°C gabi ahaanba.

Hogaamiyeyaasha adduunka ee isugu imaanaya Belém, Brazil dhammaadka toddobaadkan ee Shirka Hogaamiyeyaasha ka hor , waa inay sare u qaadaan dadaalkooda oo ay tallaabo degdeg ah qaadaan. Waqtigu wuu kooban yahay, ficilna waa lagama maarmaan.

Hay’adda Somali Eco Action Platform, uu hoggaaminayo Agaasimaha Mr Ayub Abdikadir, ayaa ka qayb qaadatay barnaamij wacyi...
03/11/2025

Hay’adda Somali Eco Action Platform, uu hoggaaminayo Agaasimaha Mr Ayub Abdikadir, ayaa ka qayb qaadatay barnaamij wacyigelin iyo dhir-beeris ah oo ka dhacay Dugsiga Mohamud Harbi. Barnaamijkan waxaa diiradda lagu saaray kordhinta wacyiga ardayda ee ku saabsan isbeddelka cimiladda, ilaalinta deegaanka, iyo doorka muhiimka ah ee ardaydu ku leeyihiin dhisidda deegaan nadiif ah oo waara.

Sidoo kale, ardaydu waxay muujiyeen xiisahooda iyo ka go’naanshahooda ku aaddan ilaalinta deegaanka, iyagoo si firfircoon uga qayb qaatay dhireynta dugsiga. Waxayna fahmeen in tallaabo kasta oo yar ay gacan ka geysan karto dhisidda bulsho waarta.

Tani waxay qeyb ka tahay dadaalkeena joogtada ah ee ee hay’adda Somali Eco Action Platform oo ku aaddan kor u qaadista wacyiga deegaanka, wax ka qabashada isbeddelka cimiladda, dhiirrigelinta dhalinyarada, iyo dhisidda bulsho cagaaran oo waarta.

𝐀AN KA WADA SHAQEYNO DHISIDDA MUSTAQBAL CAGAARAN!

Ramadan Mubarak🌙✨The month of mercy, forgiveness, and salvation is here.May Allah accept our fasts and grant us His infi...
01/03/2025

Ramadan Mubarak🌙✨
The month of mercy, forgiveness, and salvation is here.May Allah accept our fasts and grant us His infinite blessings.

Maanta 11/11/2024 waxaa furmay Shirweynaha Isbeddalka Cimilada ee Qaramada Midoobay ee COP29, wuxuuna ka dhacayaa magaal...
11/11/2024

Maanta 11/11/2024 waxaa furmay Shirweynaha Isbeddalka Cimilada ee Qaramada Midoobay ee COP29, wuxuuna ka dhacayaa magaalada Baku ee Azerbaijan, shirkan waxaa sanadkan martigalinaya dowlada Azerbaijan 🇦🇿.

Shirkan wuxuu dhacaa sanad kasta laga soo bilaabo 1995 tii marka laga reebo sanadkii 2020 oo ay suura gali waysay inuu qabsoomo caabuqii saf marka ahaay awgii ee Covid-19.

COP (Conference of Parties) waa isu imaatin sanadle ah waana kii 29aad, kaas ay dowladuhu si wada jir ugu wada hadlaan dhibaatada Isbeddalka Cimilada isla markaan ugu wada arin sadaan sidii talaabooyin wada jir oo wax ku ool ah loo wada qaadi lahaa.

Shirkan maanta furmay waxa ka qeyb galaayo tiro badan oo hogaamiyaasha Caalamka, Seynis-yahano, hey`addaha caalamiga, Cilmi baarayaal, Bahda saxaafada guud ahaan iyo dadka u dhaq-dhaqaaqa arimaha Deegaanka iyo Isbeddalka Cimilada waxaana rajo iyo ififaalo wanaagsan laga qabaaa inuu shirkan guul ku dhamaado.

Shirkan COP29 ee manta furmay wuxuu socon doonaa 2 todobaad, Waxaana lagu qiyaasay ka qeyb galayaasha shirkan inuu gaari doono ku dhawaad konton kun oo qof (50,000 Qof).
Shirkan waxaa la filayaa inuu diiradda saaro arrimaha ay ka mid yihiin dhaqaalaha loogu talagalay wax ka qabashada saameynta isbeddelka cimilada, gaar ahaan maalgelinta loogu talagalay waddamada saboolka ah ee si daran uga sii kordhinaysa saameynta isbedelka cimilada.

In kasta oo la filayo ka-qaybgal ballaaran, qaar ka mid ah madaxda waaweyn sida madaxweynaha Maraykanka Joe Biden iyo madaxweynaha Brazil Lula da Silva ayaa shaaca ka qaaday inaanay ka qeybgaleyn, taasoo laga yaabo inay saameyn ku yeelato wadahadalka ku saabsan yoolalka dhaqaale ee cusub (New Collective Quantified Goal)​​​​​​.

Ujeedooyinka COP29
1.Heshiiska Isbeddelka Cimilada (UNFCCC):
UNFCCC waa heshiis caalami ah oo loogu talagalay in lagu xakameeyo isbeddelka cimilada. Shirarka COP waxaa la qabtaa sanad kasta si loo qiimeeyo horumarka la sameeyay iyo sidii loo kobcin lahaa tallaabooyinka lagu yareynayo saameynta isbeddelka cimilada.

2.Heshiiska Paris (COP21, 2015):
Heshiiska Paris ee la gaaray COP21 (2015) wuxuu ka mid yahay guulaha ugu muhiimsan ee shirka COP. Heshiiskani waxa uu dhigaya in dunidu isku daydo in la xaddido heer kulka dunida ugu badnaan 2°C, iyadoo lagu dadaali doono in la gaadho 1.5°C marka loo eego heerka cimilada pre-industrial (kaddib kacaankii warshadaha).

Himilada COP29:
Yareynta Gaaska Gasaaska: Tallaabooyin lagu yareynayo gaaska waxyeelada leh ee sababa isbeddelka cimilada, sida CO₂, methane, iyo gaasaska kale ee khatar ku ah deegaanka.
Maalgelinta Isbeddelka Cimilada: Waddamada dhaqaalaha hooseeya ee aan awoodin inay si madax-bannaan u maalgashadaan, waxay ka codsanayaan in waddamada horumaray ay bixiyaan taageero dhaqaale.
Dib-u-habaynta iyo Xasilinta: Waxaa sidoo kale laga wada hadli doonaa sida loo xakameeyo saameynta isbeddelka cimilada ee ka muuqata dalalka dhibaatooyinka ugu badan ka soo gaadhay, sida duufaannada, abaaraha, iyo daadadka.

Qodobbada Muhiimka ah ee COP29:
1.Maalgelinta Isbeddelka Cimilada:
Qodobbada muhiimka ah ee lagu soo hadalqaadi doono waxay ka mid noqon doonaan sidii maalgelin loogu heli lahaa waddamada horumarinta si ay uga hortagaan saameynta cimilada. Tusaale ahaan, wadamada horumaray waxay ballanqaadeen inay bixiyaan $100 bilyan sanadkii si ay uga caawiyaan waddamada soo koraya.
2.Hadafka 1.5°C:
Hadafka 1.5°C ee ku xusan Heshiiska Paris, ah in la xaddido heerkulka dunida si aan loo dhaafin 1.5°C marka loo eego heerka pre-industrial, ayaa noqon doona arrin muhiim ah oo loo dhigi doono qorshayaasha mustaqbalka.

3. Xalalka Dabiiciga ah (Nature-Based Solutions):

Waxaa sidoo kale xoogga la saari doonaa xalalka dabiiciga ah ee ka faa'iideysanaya nidaamyada dabiiciga ah, sida dib-u-reebista geedaha ama ilaalinta nidaamyada dabiiciga ah ee ka caawinaya xak**aynta isbeddelka cimilada.
Maxaa Ka Dhigan COP29?
COP29 waa fursad muhiim ah oo loo wada hadli doono arrimaha saameynta cimilada ee ku saabsan dhammaan qaybaha bulshada iyo horumarka caalamiga ah. Waxaa lagu soo gabagabeyn doonaa heshiisyo lagu dhisi doono siyaasad caalami ah oo saameyn ku leh dhammaan dalalka. Kulanku wuxuu muhiim u noqon doonaa:

A. Dhexdhexaadinta iyo Iskaashiga: Si loo gaaro heshiisyo waara oo wax ku ool ah, waxaa loo baahan yahay iskaashi dhexmara dhinacyada kala duwan, sida dowladda, ganacsiga, iyo bulshada rayidka ah.
B. Dib-u-eegista Horumarka: COP29 waxay fursad u siin doontaa waddamada inay muujinayaan sida ay uga jawaabeen ballanqaadyadii h**e ee lagu gaari lahaa yareynta gaaska waxyeelada leh.
C. Dhibaatada Isbeddelka Cimilada ee Waddamada Soo Koraaya: Waddamada aan haysan awood dhaqaale oo ay ku xalliyaan dhibaatooyinka isbeddelka cimilada waxay u baahan doonaan taageero dheeri ah, si loo yareeyo khataraha laga dhaxlayo.

Dhibaatooyinka iyo Caqabadaha:

A. Xiriirka Siyaasadeed ee Waddamada: Siyaasadda caalamiga ah ee ka dhexeysa dalalka ayaa weli noqon karta caqabadda ugu weyn ee ka hor iman karta guusha COP29. Waddamada qaar waxay ka cawdaan maalgelinta iyo mas'uuliyadda yareynta qiiqa.

B. Dheellitirka Hadafyada iyo Fududeynta Farsamooyinka: In la gaadho hadafyada adag ee lagu heshiiyey sida 1.5°C waxay u baahan doontaa isbeddello ballaaran oo ka dhaca dhaqaalaha, tamarta, iyo farsamooyinka cusub ee cimilada.


Somalia muhiim ma u yahay shirkan ?
Soomaaliya waxay ka mid tahay dowladaha ugu yar oo hawada kusii daaya Gaasas-ka hawada wasakheya isla markaana sabab u ah Isbeddalka Cimilada, waxayna hawada kusii daysaa 53.70 MtCO2eq taas oo u dhiganta 0.03% hawooyinka wasakheysan uu dunida sii dayso.
Madaama dalkeenu uu ka mid yahay dowladaha ugu yar ee hawooyinka wasakheysan uu dunida ku sii daysa, waxaa xusid mudan in aan ka mid nahay dowladaha dhibaatooyinka ugu badan ka soo gaareen Isbeddalka Cimilada ee dunida saameyay markad ka fiirisid Xaaladaha sida abaarta daba-dheeraaday iyo fatahaadaha soo noqnoqda ayaa sababay in dad badan ay ku khasbanaadaan inay ka barakacaan guryahooda, kuwaas oo la daalaa dhacaya nolosha xerooyinka barakacayaasha. Waxaa sidoo kale laga dareemayaa Soomaaliya kororka tirada dadka ku nool deegaanada harooyinka iyo webiyada oo ay dhibaato ka soo gaartay cimilada isbedeshay.
Soomaaliya, sida dalal kale oo Afrikaan ah oo uu dhibaateeyay isbeddelka cimilada, waxay rajeyneysaa inay ka hesho taageero dhaqaale oo ku wajahan la qabsiga iyo wax ka qabashada khasaaraha gaadhay. Shirkan wuxuu xoogga saarayaa sidii loo dhaqangelin lahaa sanduuqa ka jawaabida khasaaraha iyo waxyeellada ("Loss and Damage Fund"), kaas oo lacag ka soo ururineysa wadamada dhaqaalaha badan leh si loo caawiyo dalalka nugul, sida Soomaaliya​​​​.
Haddaba, Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka sida aadka ah ugu baahan taageerada la qorsheynayo in laga bixiyo COP29, iyada oo qorshuhu yahay in laga caawiyo dalalka soo koraya sidii ay ugu diyaargaroobi lahaayeen saameynta cimilada.
SOOMAALIYA maxaa la Gudboon.
Soomaaliya wafuudeeda iyo khubaradeeda waa ku xaadir shirkan, waliba ayagoo aqoon iyo xirfad ka sareya shirarkii h**e wallow aan loo barbar dhigi Karin aqoonta, waaya aragnimada iyo xirfada wada xaajoodka dowladaha deriska nala ah taas oo Sabab u ah in dowladanimooda iyo hey'adihii howlahan shaqada ku lahaa ay dhisnaayeen intii aan burburka ku jirnay.
Soomaaliya Sanadkan shirka waxay tagaysaa ayadoo diyaarisay siyaasad iyo istiraatiijiyado muujinaayo in ay diyaar u tahay la qabsiga iyo la noolaashaha Isbeddalka Cimilada.
Ugu dambeyn
Madaama ay bulshadeenu ku tiirsan tahay Beeraha, Xoolaha iyo Kaluumeysiga oo intaba ku xeran Cimilada. Waxaana hubaal ah in Isbeddalada Cimilada in uu sii socon doono waxaana laga maarmaan ah in ay bulshada u diyaar garowdo la qabsiga iyo la noolaashaha Isbeddalka Cimilada.
Isbeddalka Cimilada dhamaan dunida wuu wada saameeyaa laakiin waxa keenay in aan u nuglaano ayaa ah heerka la qabsiga iyo u dulqaadashada oo aan jirin, bulshada aan aaminsaneyn Isbeddalka Cimilada uu dhab yahay, Faqriga iyo Aqoonta oo kooban.

JIMCO-1-NOFEEMBER-2024Xaalufinta Dhirta (Deforestation).Jaarista dhirta (deforestation) waa baab’inta dhul ballaaran oo ...
01/11/2024

JIMCO-1-NOFEEMBER-2024

Xaalufinta Dhirta (Deforestation).

Jaarista dhirta (deforestation) waa baab’inta dhul ballaaran oo keymo ah, taasoo keenta hoos u dhac ku yimaada noocyada noolaha, nidaamyada deegaanka, iyo caafimaadka guud ee meeraha. Waa dhibaato weyn oo halis ku ah xasilloonida cimilada, kala duwanaanta nooleedka, iyo nolosha aadanaha.

1. Waa Maxay xaalufinta dhirta (Deforestation)?

Deforestation-ka waxaa loola jeedaa baa’binta dhirta ama ka saarista dhulka kaymaha ah si loogu beddelo dhul beereedyo, fidinta magaalooyinka, soo saarista macdanta, iyo isticmaalka dhulka ee kaymaha ah. kaymaha waxay markii h**e daboolayeen qiyaastii 31% ee dhulka, balse si xawli ah ayay u dabar-go’ayaan sababo la xiriira faragalinta aadanaha.

2. Sababaha xaalufinta dhirta ( Causes of Deforestation).

Sababaha ugu waaweyn ee xaalufinta dhirta waxaa ka mid ah:

B) Beeraha ( Agriculture): Beeraha waaweyn, gaar ahaan dalagga soybeans-ka, saliidda saafi ah laga dhaliyo (palm oil), iyo lo’da, ayaa keena qiyaastii 80% deforestation-ka dunida. Tusaale ahaan, kaynta Amazon, xoolo-dhaqashada ayaa qiyaastii 70% gaartay.

T) Jaarista Dhirta (Logging): Warshadaha soo saara qoryaha ayaa si weyn uga qayb qaata, iyadoo loo adeegsanayo dhirta dhismayaasha, warqadaha, iyo shidaalka. Jaarista sharci-darrada ah, gaar ahaan kaymaha kuleylaha, waa dhibaato sii kordheysa.

J) Ballaadhinta Kaabayaasha dhaqaalaha ( Infrastructure Expansion): Waddooyinka, jidadka iyo horumarinta magaalooyinka ayaa sidoo kale keenaya xaalufinta dhirta .

X) Macdanta ( Mining): Qodista khayraadka sida dahabka, dheemanka, iyo shidaalka ayaa sidoo kale qayb ka qaadata baa'bi inta kaymaha, iyadoo waxyeello u geysanaysa deegaanka.

3. Saamaynta Xaalufinta dhirta ( Effects of Deforestation).

Saamaynta xaalufinta dhirta waa mid ballaaran oo la taaban karo, iyadoo saameyn ku leh deegaanka iyo bulshada:

B) Isbeddelka Cimilada ( Climate Change): Kaymahu waa meelaha lagu keydiyo gaaska kaarboonka, waxayna nuugaan CO₂ hawada ka jira. Marka la gooyo ama la gubo dhirta, waxay sii daayaan kaarboonka la keydiyay, taasoo kordhisa heerka kuleylka caalamka. Deforestation-ku wuxuu leeyahay 10% qiiqa kaarboonka dunida.

T) Kala Duwanaanta Noolaha (Biodiversity): Kaymahu waa hoyga in ka badan 80% nooleha dhulka. Deforestation-ku wuxuu baabi'iyaa deegaanno badan oo keena in kumanaan noole halis u galaan dabar-go’.
Ururka caalamiga ah ee ilaalinta noolaha (IUCN) waxay sheegtay in in ka badan 85% nooleyaasha u baahanyihiin daryeel degdeg ah ayna halis ugu jiraan dabargo’ sababtuna tahay ka saarista deegannadooda dabiiciga ah.

J) carqaladaynta wareegga biyaha ( Water cycle Disruption): Dhirta ayaa door muhiim ah ku leh wareegga biyaha iyadoo soo nuugta siina deysa biyaha. Deforestation-ku wuxuu carqaladaynayaa habkan, taasoo yaraysa roobka, sababi karta nabaad-guurka, iyo isbeddel ku yimaada socodka webiyada oo saamayn ku leh beeraha iyo biyaha la cabo.

X) Nabaad-guurka Dhulka (Soil Erosion): Dhirta ayaa dhulka ku xajisa xididdada. Markay kaymahu baaba'aan, dhulku wuxuu noqdaa mid u nugul nabaad-guurka, taasoo keeni karta daadad iyo hoos u dhac ku yimaada tayada carrada.

KH) Saamaynta Bulshooyinka Degaanka ( Impact on Local Communities): Dadka asaliga ah ee deggan kaymaha waxay ku tiirsan yihiin dhirta si ay u helaan hoy, cunto Deforestation-ku wuxuu barakiciyaa bulshadaas wuxuuna halis ku yahay hab-nololeedkooda.

4. Xaqiiqooyinka Dhabta Ah ee Hada Taagan ( Current Facts).

B) Khasaaraha Kaymaha ( Forest Loss) : Sida laga soo xigtay Machadka Khayraadka Adduunka (WRI), dunidu waxay lumisay ku dhowaad 4.1 milyan oo hektar oo ah kaymaha aasaasiga ah ee keymaha kuleylaha sannadka 2022. Wadamada ugu sarreeya waxaa ka mid ah Brazil, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, iyo Indonesia.

T) Kaymaha Amazon ( Amazon Rainforest): Keymaha Amazon ayaa si xawli ah u sii baaba’aya sabab la xiriirta jaarista dhirta. Intii u dhaxaysay Ogoosto 2020 iyo Luulyo 2021, in ka badan 13,000 kiilomitir oo laba jibbaaran oo keymaha Amazon ah ayaa la baabi’iyay, taasoo le’eg laba jibbaar cabbirka gobolka Delaware.

J) Qiiqa Kaarboonka ( Carbon Emissions): Deforestation-ku wuxuu keenaa ku dhowaad 3 bilyan oo tan oo CO₂ ah sannad kasta, taasoo ka badan qiiqa sannadlaha ah ee sii daayaan Midowga Yurub oo dhan.

X) Luminta kala duwananta Noolaha (Biodiversity Loss): Ururka caalamiga ah ee ilaalinta noolaha (IUCN) waxay ku warantay in qiyaastii 13,000 noole ay wajahayaan dabar-go’ sababo la xiriira dhibaatooyin ka jiro deegaanka ay ku nool yihiin.

KH) Saamaynta Dhaqaalaha ( Economic Loss): Qiimaha dhaqaalaha ee khasaaraha deegaanka ayaa lagu qiyaasay $4.5 tirilyan sanadkii. Tan waxaa ka mid ah luminta adeegyada deegaanka sida sifaynta biyaha, bacriminta carrada, iyo shinnida oo ah fure wax soo saarka.

5. Xalka xaalufinta dhirta ( Solutions to Deforestation ).

B) Dib-u-beeridda (Reforestation) iyo dhireynta (Afforestation): Beerista geedo cusub iyo kaymo cusub waxay ka caawiyaan soo celinta deegaanka iyo kaydinta kaarboonka.

T) Beeraha Iyo Dhirta (Agroforestry): Isku-darka dhirta iyo beeraha waxay gacan ka geysataa soo celinta kala duwanaanta noolaha, wanaajinta tayada carrada, iyo kordhinta adkaysiga dalagga, taasoo yareysa baahida dhul cusub loo qabo.

J) Beerashada Waarta ( Sustainable Farming): U guuritaanka beerashada organic iyo dhimista cunista hilibka waxay caawin kartaa baahida dhul loo xaalufin lahaa .

X) Xeerarka iyo Maamulka ( Regulation and Governance): Dowladaha iyo ururrada caalamiga ah waxay door muhiim ah ku leeyihiin ka hortagga jaarista sharci-darrada ah, ilaalinta kaymaha, iyo horumarinta adeeggyada dhulka oo waara.

KH) Wacyigelinta dad weynaha ( Public Awareness): Baridda dadka inay doortaan waxyaabaha waara, sida alaabaha qoryaha ee shahaadaysan ama doorashada alaab aan gacan ka geysan jaarista dhirta, waxay yeelan kartaa saameyn weyn.

6. Doorka Heshiisyada iyo Hindisayaasha Caalamiga Ah ( Role of International Agreements).

Heshiisyada caalami ah ayaa ujeedkoodu yahay yareynta jaarista iyo ilaalinta kaymaha:

B) Heshiiska Paris ( Paris Agreement): Waxay ku baaqaysaa in la yareeyo qiiqa gaaska, waxaana muhiimad gaar ah la siinayaa ilaalinta kaymaha iyadoo ay tahay ballanqaadka dalal badan ee ku aaddan cimilada.

T) Bayaanka Caalami ah oo ku Saabsan Kaymaha ( New York Declaration on Forests): waxaa la bilaabay 2014, wuxuu ujeedadiisu ahayd in la yareeyo khasaaraha kaymaha kala bar sanadka 2020, lana joojiyo sanadka 2030.

J) REDD+ (Yaraynta Qiiqa ka dhasha xaalufinta dhirta iyo burburka keymaha): Waa hindise ka tirsan Qaramada Midoobay oo lacag siinaya dalalka si ay uga hortagaan jaarista dhirta.

7. Baaq Caalami ah oo ku Aaddan wax ka qabashada xaalufinta dhirta ( Call to Action).

Saamaynta xaalufinta dhirta waxay gaadhaysaa dhammaan dunida, laga bilaabo isbeddelka cimilada ilaa halis galinta noolaha iyo beddelidda nidaamka roobka. Joojinta ama yaraynta jaarista dhirta waxay u baahan tahay iskaashi caalami ah, iyo tallaabooyin gudaha ah iyo qof walba oo qeeb ka noqdo. Ilaalinta kaymaha, soo celinta, iyo horumarinta waarta ayaa muhiim u ah haddii aan dooneyno inaan uga tagno meero caafimaad qaba jiilalka soo socda.

Environmental Safety Organization E S O

JIMCO-25-OCTOOBER-2024MAAREYNTA QASHINKA.Maareynta qashinka waxay ku lug leedahay habraacyada iyo ficilada loo baahan ya...
25/10/2024

JIMCO-25-OCTOOBER-2024

MAAREYNTA QASHINKA.

Maareynta qashinka waxay ku lug leedahay habraacyada iyo ficilada loo baahan yahay si loo maareeyo qashinka, laga bilaabo ururintiisa ilaa tuuristiisa, iyadoo ujeedadu tahay in la yareeyo saameynta ay ku leedahay deegaanka iyo caafimaadka dadka. Halkan waxaynu ku soo koobi doonnaa qodobbo muhiimka ah iyo caqabadaha ku saabsan maareynta qashinka.

1. Noocyada Qashinka

B) Qashinka magaalada: Shayada si maalinlaha ah looga soo saaro guryaha, oo ay ku jiraan qashinka cuntada, baakadaha, iyo alaabada guryaha.

T) Qashinka Warshadaha: Waxyaabaha ka dhasha soo saarista iyo hababka wax-soo-saarka, badanaa oo ay ku jiraan walxo khatar ah.

J) Qashinka Elektroonigga: Qalabka elektrooniga ee la tuuro sida telefoonada, kombiyuutarada, iyo qalab kasto oo ka sameysan maadooyinka sunta ah

X) Qashinka Khataraha Leh: Qashinka khatar ku ah caafimaadka bini'aadamka ama deegaanka, sida kiimikooyinka, batteriyada, iyo qashinka kasoo baxo goobaha caafimaadka.

2. Heerarka Qashinka loo maareeyo:

Heerka qashinka waa istiraatiijiyad mudnaanta siinaysa hababka ugu saxsan ee loo maareeyo qashinka.

Heerarka ugu muhiimsan waa:

B) Yareyn (Reduce): Yareey dhalinta ama soo saaridda qashinka adoo dooranaya alaabada dib loo isticmaali karo iyo yareynta isticmaalka.

T) Dib-u-isticmaal (Reuse): Helitaanka habab cusub oo loo isticmaalo walxaha iyo alaabada halkii la tuuri lahaa.

J) Dib-u-warshadayn (Recycle): Hawlgelinta walxaha si loo sameeyo alaab cusub, taasoo kaydineysa khayraadka sidoo kalena yareynayso goobaha qashin qubka.

X) Tuurida (Disposal): Tuurida qashinka si ammaan ah oo ah xal k**a dambays ah, ayadoo la sameynaayo landfill.

3. Caqabadaha ku Jira Maareynta Qashinka

B) Wasakheynta Caagga (Plastic pollution)

Caagagga waa kuwo waara, fudud, oo isticmaal koodu badanyihiin, laakiin waxay ku ururaan deegaanka, taasoo keenta wasakheynta badda.

T) Qashinka Elektroonigga (Electronic waste)

Maareynta qashinka elektroonigga waa mid adag sababo la xiriira walxaha sunta ah sida mercury. Dib-u-warshadaynta qashinka elektroonigga waa lagama maarmaan.

4) Maareynta Qashinka ee mustaqbalka

B) Dhaqaalaha Wareegga (Circular Economy)

Dhaqaalaha wareegga waxay yareeyaan qashinka ayadoo la naqshadeeynaayo alaabada loogu talagalay nolosha dheer iyo dib-u-isticmaalidda, iyadoo la hormarinaayo dib uwarshadaynta iyo dib u soo saaridda.

T) Baakadaha Waara Si tartiib tartiib ah (Sustainable packaging)

Warshaduhu waxay si tartiib tartiib ah u qaadanayaan xalalka baakadaha waara si loo yareeyo qashinka balaastikada ah iyo kor loogu qaado dib u warshadaynta.

Maareynta qashinka waa arrin muhiim ah oo ku saabsan joogteynta deegaanka, iyadoo loo baahan yahay iskaashi u dhexeeya shakhsiyaadka, warshadaha, iyo dowladaha si loo abuuro meel nadiif ah oo caafimaad leh.

Environmental Safety Organization E S O

Address

Mogadishu

Telephone

+252614083284

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Eco Action Platform posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Somali Eco Action Platform:

Share