30/06/2026
Hambalyo Munaasabadda 1-da Luulyo ๐ธ๐ด
Maamulka iyo dhammaan xubnaha SEN Somali Youth waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, meel kasta oo ay dunida ka joogaan, munaasabadda qiimaha badan ee 1-da Luulyo, oo ah Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada Soomaaliyeed.
Maalintani waa maalin ku weyn taariikhda qarankeenna. Waa maalin lagu xusuusto halgankii, geesinimadii, iyo naf-hurnimadii ay sameeyeen halyeeyadii Soomaaliyeed ee u istaagay sidii dalkeenna u heli lahaa xorriyad iyo midnimo. Waa dhaxal qaran oo ina xusuusinaya qiimaha ay leedahay wadajirka, waddaniyadda, iyo ilaalinta karaamada ummadda Soomaaliyeed.
Iyadoo aynu xusayno munaasabaddan qaran, waxaa muhiim ah in aynu dib u milicsanno masโuuliyadda naga saaran dhismaha Soomaaliya. Horumarka dal kasta wuxuu ku yimaadaa marka bulshada, gaar ahaan dhalinyaradu, ay doorkooda ka qaataan nabadda, waxbarashada, wadajirka, iyo horumarinta bulshada.
Shabkaddu waxay rumaysan tahay in dhalinyaradu yihiin laf-dhabarta bulshada iyo awoodda ugu weyn ee lagu gaari karo mustaqbal ifaya. Sidaas awgeed, waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed inay xoojiyaan midnimada, is-ixtiraamka, iyo ka shaqaynta danaha guud ee qarankeenna.
Ugu dambayn, waxaan Alle SWT ka baryaynaa inuu Soomaaliya ku mannaysto nabad waarta, midnimo, caddaalad, iyo horumar, kana dhigo dal ay shacabka Soomaaliyeed ku wada noolaadaan amni, walaaltinimo, iyo barwaaqo.