20/05/2025
Dhallinyarada Soomaaliyeed waa laf-dhabarta dalka haddii ay shaqo la'aan dareeman, waxa ay keeneeysaa rajo la'aan ku riixeyso tahriib khatar ah haddaba dowladda dhexe iyo maammul goboleedyada dalka waxa ay shaqo abuur ugu sameyn karaan Dhallinyarada Soomaaliyeed dhowr siyaaabood:-
1: Horumarinta waxbarashada farsamada iyo xirfadah: in lasameeyo xarumo tababbar farsamo dhallinyarada waxaa la siin karaa xarfado ay shaqo ku heli karaan ama ganacsi yar ku billaabi karaan.
2: Taageeridda ganacsiga yar yar iyo hal abuurka:
In la abuuro sanduuq ama barnaamij qarameed oo maalgaliya ganacsiyada yar yar dhallinyarada, la siiyo tababbar ganacsi loona billaabo ganacsiyo yar yar.
3: ka faa'iideysiga Tiknoolijiydda iyo shaqooyinka fog (online jobs) Dowladda dhexe iyo maammul goboleedyada dalka iyo Hay'aadaha gaarka waxa ay dhiirrigalin karaan barnaamijyo tababaraya dhallinyarada si ay u qabtaan shaqooyin online ah (freelancing, programming,design, translation, IWM).waxaa la sameyn karaa xurumaha shaqo fog intarnet oo leh dag dag ah iyo agab.
4: Maalgashiga beeraha iyo kheyraadka dalka
Dhallinyarada waxaa la gali karaa mashaariic beero, xoolo- dhaqasho, kalluumeysi iyo warashado yar yar oo qeyb ka naqon karo wax-soo-saarka gudaha, Dowladda dhexe iyo maammul goboleedyada dalka waxa ay fududeyn karaan helitaanka dhul beereed, qalab iyo suuq-geyn.
5: Dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha: marka dalka laga dhiso waddooyin, dekado, garoomo iyo shirkadaha korontada shaqooyin toos ah kuwa dadban ayaa abuurmaaya, marshruuc walba oo dhisme ah waa fursad shaqo u ah kumannaan dhallinyaro ah. Ka faa’iideysanayaan.
6: La dagaalanka musuqmaasuqa iyo eexda shaqo : in shaqooyinka dowladda dhexe iyo maammul goboleedyada dalka iyo kuwa loo maro Hay'aadaha gaarka ah lagu saleeyo karti iyo hufnaan, taas waxa ay dhiirrigalineysaa dhallinyarada in ay rajo ka qabaan waddankooda halkii ay tahriibi lahaayeen.
Haddii Dowladda dhexe iyo maammul goboleedyada dalka ay si xeel dheer u wajahaan arrintaan waxa ay si dhab ah u joojin kartaa tahriibta oo ay dhallinyarada ugu beddali kartaa rajo, fursado iyo mustaqbal ay dalkooda ku dhistaan.
Dal Mid Ah, Dad Mid Ah!
Astaanteennu waa:
"Xeer dhowrsan, xoolo dhaqan, iyo xoog xakameysan.