03/06/2026
Waan nimid!
Waxaan nahay machad cilmi-baaris oo madax-bannaan, kana howlgali doonna daraasadda waxyeellada dijitaalka ah ee ka dhaca goobaha internetka ay kaga wada xiriiraan dadka ku hadla afka Soomaaliga. Waxaan toosh afar qaad ah la daba-galeynaa afar qoddob oo isa-suran, kuwaasoo ah; guuldarrooyinka ay shirkadaha baraha bulshada leh kala kulmaan hababka xakamaynta xogta afka Soomaaliga lagu wadaagayo, (content moderation), marin-habaabinta iyo fayoobidda macluumaadka, tacaddiyada ku saleysan jinsiga ee internetka ka dhaca, takoorka uu qofka Soomaaliga ku hadla kala kulmo maareynta AI-ga, iyo gaabiska maamulladu ku wajahayaan la xisaabtanka shirkadaha tiknoolajiyadda.
Afka Soomaaligu waa mid ka mid ah afafka ugu baahsan ee looga hadlo qaaradda Afrika. Nasiib darro se, wuxuu si weyn uga maqan yahay faagaarayaasha aqooneed ee lagu faaqido badbaadinta bedqabka dijitaalka umadeed.
Afka waxaa loo abuuray inay qabato waajibka halkaas ku dayacmay.
- - - - - -
We’re here.
We are an independent research institute dedicated to studying digital harm in online spaces where Somali speakers live, communicate, and organise. Our work tracks four interconnected failures: the inability of social media platforms to moderate Somali-language content effectively; the spread of misinformation and the erosion of information integrity; gender-based violence online; discrimination against Somali speakers in AI systems and governance; and the accountability gap between regulators and the technology companies operating in these spaces.
Somali is among the most widely spoken languages on the African continent. It is also one of the most absent from the research ecosystems, policy frameworks, and institutional safeguards that exist to protect communities in the digital age.
Afka was built to fill that gap.