Han iyo Horumar

Han iyo Horumar “Dhalinyaro Han leh, Dal horumarsan �
Nabad • Midnimo • Horumar
Ku soo biir si aan u dhisno mustaq

1XBET
22/06/2026

1XBET

19/03/2026

Mararka qaar dhibaatadu ma aha kaliya shilka ama rabshad la arko… waxaa dhici karta in dano gaar ah iyo xiisado qarsoon ay ka dambeeyaan. Bulshada waa inay ka feejignaataa cid kasta oo isku dayaysa inay sumcadda iyo nabadda magaalada wiiqdo, oo halkii laga shaqeyn lahaa xal iyo wadajir, qalalaase iyo cabsi ku faafiso

19/03/2026

“Qaylo badan oo kaliya ma beddesho waxba. Haddii aad rabto in codkaaga la maqlo, u isticmaal si dhisaysa, ha ku ekaanin niyad xumo iyo dhaleeceyn aan xal wadin. Shacabka waxay u baahan yihiin fikrad dhab ah, ma aha sawaxan kaliya.”

19/03/2026

Mucaarad been ah waa cadaw ku dhex dhuumanaya magaca shacabka.
Ha isqarinin—dadku way arkaan xaqiiqda.
Qayladaada badan ma dabooli karto madhnaantaada.
Maalin walba waxaad ku mashquulsan tahay dhaliil,
laakiin hal xal oo aad keentay lama hayo.
Runta adag waa tan:
Adigu ma tihid mucaarad—
waxaad tahay qof kursi doon ah oo shacabka u isticmaalaya dariiq.
Waxaad dadka kicisaa adigoon jihayn,
waxaad beenta ku qurxisaa hadal macaan,
laakiin marka ficil la gaaro—waad ka baxdaa.
Taasi waa fashilkaaga.
Dal looma burburiyo oo keliya hoggaan xun,
ee waxaa burburiya mucaarad been ku nool—
kuwaas oo rajada shacabka ka dhigta ganacsi.
Haddii aad run sheegto—keen xal.
Haddii aad xal keeni weydo—iska aamus.
Sababtoo ah shacabka mar dambe ma rabaan riwaayad.

17/03/2026

Ku soo dhawaada page-ka
“Dhalinyarooy 🇸🇴
Waqtiga waa la gaaray in aan ka shaqeyno horumarka dalkeenna.
Han iyo Horumar waa dhaqdhaqaaq dhalinyaro oo mideynaya fikirka wanaagsan.
Nagu soo biir, share garee, oo qayb ka noqo isbedelka!”

Address

Banaadi
Mogadishu
SOMAALIA

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Han iyo Horumar posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share