Xarunta Sheybaarka Biyaha Gobolka Banaadir ee Watersom

  • Home
  • Xarunta Sheybaarka Biyaha Gobolka Banaadir ee Watersom
Website

Xarunta Sheybaarka Biyaha Gobolka Banaadir ee Watersom Xarunta Shaybaarka Biyaha Gobolka Banaadir ee Watersom

Guddoomiyaha Sheybaarka biyaha Gobolka Banaadir Mudane Axmed xasan suudi oo uu wehliyo professor Xusen Bashir iyo Agaasi...
28/09/2026

Guddoomiyaha Sheybaarka biyaha Gobolka Banaadir Mudane Axmed xasan suudi oo uu wehliyo professor Xusen Bashir iyo Agaasimaha waaxda kheyraadka biyaha Gobolka Banaadir ayaa munaasabad kooban oo ka dhacay Xarunta Sheybaarka Biyaha Gobolka Banaadir ku Gudoonsiiyay shahaadada diiwaangelinta qaar ka mid ah ceelasha iyo Warshada Biyaha ka howlgala Gobolka Banaadir .

Diiwaangelinta xarumaha soo saara biyaha waxey u horseedi doontaa in Xarumahaas ey helaan adeegyada Sheybaarka Biyaha oo Lacag La'an ah.

Howlwadeennada Shaybaarka Biyaha Gobolka Banaadir oo wada hawlo lagu hubinayo badqabka iyo tayada biyaha laga isticmaalo...
13/09/2026

Howlwadeennada Shaybaarka Biyaha Gobolka Banaadir oo wada hawlo lagu hubinayo badqabka iyo tayada biyaha laga isticmaalo Caasimadda Muqdisho, ayaa maanta kormeer ku tagay qaar ka mid ah ceelasha biyaha ee ku yaalla Degmada Kaxda.

Intii uu socday kormeerka, howl-wadeennadu waxay muunado ka qaadeen ceelasha biyaha, kuwaas oo lagu sameeyay baaritaanno lagu qiimeynayo tayada iyo badqabka biyaha si loo xaqiijiyo inay ku habboon yihiin isticmaalka bulshada.

Kadib baaritaannada iyo hubinta xogta ceelasha, waxaa sidoo kale la diiwaangeliyay ceelashii la kormeeray, taas oo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo la socodka, tayada iyo badqabka biyaha ee Gobolka Banaadir.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ilaalinayo caafimaadka bulshada iyo hubinta in shacabka Caasimaddu helaan biyo tayo iyo badqab leh.

Iyadoo  dar dar ay Ku socdaan  howlaha uu Wado Sheybaarka Biyaha Gobolka Banaadir  ee la xiriira xaqiijinta Tayada Biyah...
12/09/2026

Iyadoo dar dar ay Ku socdaan howlaha uu Wado Sheybaarka Biyaha Gobolka Banaadir ee la xiriira xaqiijinta Tayada Biyaha Caasimada Muqdisho, ayaa Maanta Howl Wadeenada Xarunta Sheybaarka Biyaha Gobolka Banaadir ee Watersom iyo Iyo Howl wadeenada Waaxda kheyraadka Biyaha Maamulka Gobolka Banaadir waxay kormeereen Qaar ka mid ah Ceelasha degmooyinka Kaxda Iyo kaaraan iyadoo Baaritaano Ku sameeynayay badqabka Biyaha Ceelashaasi iyo Diiwaan Galinba.

Dr saciid oo ka mid ah Dhaqaatiirta Sheybaarka Biyaha Gobolka Banaadir ayaa ceelka Maaxweyn Gudoonsiiyay shahaadada diiw...
12/09/2026

Dr saciid oo ka mid ah Dhaqaatiirta Sheybaarka Biyaha Gobolka Banaadir ayaa ceelka Maaxweyn Gudoonsiiyay shahaadada diiwaangelinta ceelasha biyaha ceelkaas oo uu wakiil ka yahay Xaaji cabduqadir xuseen cabdi .

Qaar Ka mid ah sawirada:- Howlwadeenada Xarunta Sheybaarka Biyaha Gobolka Banaadir ee Watersom iyo Agaasinka Biyaha Maam...
05/09/2026

Qaar Ka mid ah sawirada:- Howlwadeenada Xarunta Sheybaarka Biyaha Gobolka Banaadir ee Watersom iyo Agaasinka Biyaha Maamulka Gobolka Banaadir oo maanta kormeer Ku sameeyay Qaar Ka mid ah Ceelasha Magaalada Caasimada ah, iyadoo Diiwaan Galin loo sameeyay ceelashaasi lagana qaaday tijaabada badqabka iyo Tayada Biyaha.

Maamulka Gobolka Banaadir waxa Ka Go'an Dadka Reer Muqdisho in ay Helaan Biya Nadiif.

Howlawadeenada Xarunta Sheybaarka Biyaha Gobolka Banaadir iyo Agaasinka Waaxda Biyaha Maamulka Gobolka Banaadir oo fulin...
02/09/2026

Howlawadeenada Xarunta Sheybaarka Biyaha Gobolka Banaadir iyo Agaasinka Waaxda Biyaha Maamulka Gobolka Banaadir oo fulinaya amarka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Gen Xasan Maxamed Xuseen Muungaab in Dadka Reer Muqdisho ay helaan Biyo Nadiif ah, Ayaa Maanta booqday Qaar Ka mid ah Xaruumaha Ceelasha Biyaha Degmooyinka Daaru Salaam iyo Gubta iyagoo U kuur galayay Tayada Biyaha iyo Badqabkooda, Waxaana Biyaha ay Ka qaadeen Tijaabooyin Dhinaca Tayada ah kaddibna ceelashaasi U sameeyay Diiwaan Galin.

Waxaa si dar leh Ku socda Howlaha la xiriira Hubinta iyo bad qabka Biyaha Caasimada,tani oo qeyb Ka ah dadaalada Maamulka Gobolka Banaadir uu Ku doonayo in Dadka Reer Muqdisho ay helaan Biya Nadiif ah.

Howlwadeenada Xarunta Sheybaarka Biyaha Gobolka Banaadir ee Watersom iyo Waaxda Kheyraadka Biyaha Gobolka Banaadir  oo K...
01/09/2026

Howlwadeenada Xarunta Sheybaarka Biyaha Gobolka Banaadir ee Watersom iyo Waaxda Kheyraadka Biyaha Gobolka Banaadir oo Ku guda Jira howlaha la socodka iyo Hubinta Tayada biyaha Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho ayaa maanta qaar Ka mid ah Ceelasha Degmooyinka warta nabada iyo yaaqshiid korneeray iyadoo Diiwaan galin iyo Tijaabo Dhinaca Biyaha Ka sameeya ceelashaasi.

Waxaa dar dar Ku socda Howlaha la xiriira Xaqiijinta tayada biyaha iyadoo la adeegsanayo baaritaan sax ah, Waxaana Maamulka Gobolka Banaadir Ka goan in Dadka Reer Muqdisho ay helaan Biya Nadiif ah.

Howlwadeenada  Sheybaarka Biyaha Gobolka Banaadir iyo Waaxda kheyraadka Biyaha Maamulka  Gobolka Banaadir oo Ku guda Jir...
29/08/2026

Howlwadeenada Sheybaarka Biyaha Gobolka Banaadir iyo Waaxda kheyraadka Biyaha Maamulka Gobolka Banaadir oo Ku guda Jira howlaha la socodka iyo Hubinta Tayada biyaha Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho ayaa maanta booqday qaar Ka mid ah shirkadaha Biyaha sifeeya ee ka howlgala Gobolka Banaadir iyadoo Diiwaan galin iyo muunad Qaadis Ka sameeyay,

Waxaa dar dar Ku socda Howlaha la xiriira Xaqiijinta tayada biyaha iyadoo la adeegsanayo baaritaan sax ah, Waxaana Maamulka Gobolka Banaadir Ka goan in Dadka Reer Muqdisho ay helaan Biya Nadiif ah.

Howlwadeennada Sheybaarka Biyaha ee Gobolka Banaadir ayaa diwaan galin iyo MUUNAD-QAADIST ku sameeyay Qaar ka mid ah Cee...
27/08/2026

Howlwadeennada Sheybaarka Biyaha ee Gobolka Banaadir ayaa diwaan galin iyo MUUNAD-QAADIST ku sameeyay Qaar ka mid ah Ceelasha Biyaha ee Magaalada iyo qaar ka mid ah shirkadaha Biyaha sifeeya.

Howlwadeenada Xarunta Sheybaarka Biyaha Gobolka Banaadir ee Watersom iyo Waaxda kheyraadka Biyaha Maamulka  Gobolka Bana...
26/08/2026

Howlwadeenada Xarunta Sheybaarka Biyaha Gobolka Banaadir ee Watersom iyo Waaxda kheyraadka Biyaha Maamulka Gobolka Banaadir oo Ku guda Jira howlaha la socodka iyo Hubinta Tayada biyaha Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho ayaa maanta qaar Ka mid ah Ceelasha Degmada Hilwaa korneeray iyadoo Diiwaan galin iyo muunad Qaadis Ka sameeyay, Waxaana kormeerka qeyb Ka ahaa xubno Ka tirsan Maamulka Degmada Hiliwaa.

Waxaa dar dar Ku socda Howlaha la xiriira Xaqiijinta tayada biyaha iyadoo la adeegsanayo baaritaan sax ah, Waxaana Maamulka Gobolka Banaadir Ka goan in Dadka Reer Muqdisho ay helaan Biya Nadiif ah.

Address

Xamarweyne

252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xarunta Sheybaarka Biyaha Gobolka Banaadir ee Watersom posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

  • Want your organization to be the top-listed non profit organization?

Share