30/12/2025
Agaasimaha Dayah Organization, Mohamed Abdi, ayaa ka mid ah madaxda ururada aan dowliga ahayn ee ka qaybgalaya daahfurka Madasha Aragti-Wadaagga ee Heritage Institute for Policy Studies (HIPS), oo sanadkan lagu qabanayo magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug.
Madashan waxaa si qoto dheer looga wada hadli doonaa “Hannaanka ay Soomaaliya ku Gaari Karto Aragti Siyaasadeed oo Midaysan”, iyadoo diiradda lagu saarayo sidii loo mideyn lahaa himilooyinka siyaasadeed ee dalka loona waafajin lahaa mudnaanta qaran ee 2026–2030.