Gedo Peace Network - GPN

Gedo Peace Network - GPN Gedo Peace Network (GPN) is a non-profit, non-governmental peacebuilding organization dedicated to reconciling Somali communities

29/11/2025
28/11/2025
28/11/2025

Happy đź’™.

Today and every day, across South Africa🇿🇦 and the world🌍,

We listenđź‘‚
We act‼️
We stand ✊.

17/09/2025
“Qof kastaa oo reer Gedo ah wuxuu ka shaqeynayaa dagaal iyo balaayo. Hadaba waxaan idin leeyahay, waxa aad balaayada u w...
07/09/2025

“Qof kastaa oo reer Gedo ah wuxuu ka shaqeynayaa dagaal iyo balaayo. Hadaba waxaan idin leeyahay, waxa aad balaayada u wadaan waa guryihiina, aradiina iyo waalidiinta; barakacayaasha waa kuwiina. Bal ii sheeg faa’iidada ku jirto? Soomaaliyey nabadda ha laga shaqeeyo.”

Waxaad si cad ugu baaqeysaa in la joojiyo colaadda iyo burburinta, maadaama dhibaatadu ugu dambeyn ku soo noqoneyso dadka iyo deegaanka laftiisa.

BAAQ NABADEEDKu: Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka JubalandKa: Gedo Peace Network (GPN)Anaga oo ah Ge...
26/08/2025

BAAQ NABADEED

Ku: Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Jubaland
Ka: Gedo Peace Network (GPN)

Anaga oo ah Gedo Peace Network (GPN), oo ah urur bulshada rayidka ah oo ka shaqeeya nabadda, dib u heshiisiinta iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed, waxaan si walaac iyo murugo leh ula soconnaa dagaalka iyo xiisadda ka dhex taagan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jubaland.

Waxaan aaminsannahay in dagaal iyo isqabqabsi aan marna lagu xallin karin khilaafaadka siyaasadeed iyo maamulka, balse wada hadal, is-afgarad iyo tanaasul ay yihiin furaha nabadda iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed.

Haddaba, GPN waxa uu soo jeedinayaa:

In si degdeg ah loo joojiyo dagaalka iyo colaadda dhiigga badan ku daatay.

In labada dhinac miiska wada hadalka lagu soo celiyo, iyadoo la adeegsanayo hab dhexdhexaadin ah oo caddaalad iyo kalsooni ku dhisan.

In la ilaaliyo xuquuqda iyo badbaadada shacabka rayidka ah, gaar ahaan haweenka, carruurta iyo dadka barakacay.

In bulshada rayidka iyo ururada nabadeed, sida GPN, lagu daro dadaallada xal raadin si loo helo heshiis waara.

In la xusuusto in midnimada, wadajirka iyo nabaddu ay yihiin awoodda ugu weyn ee ummadda Soomaaliyeed.

Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada in ay ka hormariyaan danta guud, kana fogaadaan hadal ama ficil sii hurin kara colaadda. Nabadda waa tiirka horumarka, waxaana ku celinaynaa in walaalnimada iyo wadahadalka lagu beddelo colaadda iyo dagaalka.

Gedo Peace Network (GPN) wuxuu diyaar u yahay inuu fududeeyo wada hadal iyo is-afgarad dhab ah oo u horseeda Soomaali oo midaysan, nabdoon, kana siman sinaanta iyo cadaaladda.

Wabilaahi Towfiiq

Gedo Peace Network (GPN)
Luuq – Gedo, Soomaaliya

23/08/2025
21/08/2025
21/08/2025

“The more we sweat in peace, the less we bleed in war.”

21/08/2025

“There is no way to peace, peace is the way.”

21/08/2025

Address

Luuq Gedo
Luuq
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Gedo Peace Network - GPN posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share