HAGE Development Organisation

HAGE Development Organisation ururka horumarinta arrimaha bulshada ee hage . hage development organisation [HDO ]

Waxaa habeenimadii taariikhdu ahayd 19 / 06 / 2026 uu guddoomiyaha Ururka horumarinta ee HAGE iyo xubno ka tirsan ururku...
26/06/2026

Waxaa habeenimadii taariikhdu ahayd 19 / 06 / 2026 uu guddoomiyaha Ururka horumarinta ee HAGE iyo xubno ka tirsan ururku ay ka qayb galeen baal - furka buugga FARAANKINISHTAYN , kaas oo uu af - naqay Qoraa Abdillaahi rawje .

Ujeedka ayaa ahaa in uu ururku dhiirrigaliyo kor u qaadidda wacyiga bulshada iyo waxbarashada iyada oo lasoo turjumayo aqoonta iyo ogaalka ku qoran afafka qalaad si kor loogu qaado wacyiga iyo horumarka bulshada ee dhanka aqoonta .

Sidoo kale, guddoomiyaha ururka ayaa ku dhiirigaliyay qoraaga dedaalkiisa qofeed ee uu kaga qayb qaadanayo horumarinta bulshada .

Ugu dambayn munaasabaddu intii ay socotay, Ururka Horumarinta ee HAGE waxa uu qoraaga ka iibsaday tiro buugaag ah, si uu u dhiirrigeliyo hal-abuurka iyo qorista buugaagta, isla markaana uu uga qayb qaato faafinta aqoonta bulshada dhexdeeda.

- DHAMMAAD -

Waxa si rasmi ah u bilowday barnaamijkii tababarka electricity ga oo ahaa barmaamij uu ๐˜‚๐—ฟ๐˜‚๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ต๐—ผ๐—ฟ๐˜‚๐—บ๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—›๐—”๐—š๐—˜ ugu ta...
08/06/2026

Waxa si rasmi ah u bilowday barnaamijkii tababarka electricity ga oo ahaa barmaamij uu ๐˜‚๐—ฟ๐˜‚๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ต๐—ผ๐—ฟ๐˜‚๐—บ๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—›๐—”๐—š๐—˜ ugu talagalay in lagu kobciyo korna loogu qaado xirfadaha dhallinyarada deegaanka , sidoo kalena xal u noqda dhibaatada shaqo - la'aanta ah ee haysata dhallinyarada .

Tababarkan ayaa loo qorsheeyay in ay qaataan 50 dhallinyaro ah kuwaas oo baranaya xirfadaha kala ah :
โ€ข Electrical house wiring
โ€ข sollar system

Ujeedka iyo hadafka tababarkan ayaa ah inuu yareeyo shaqa - la'aanta ka jirta deegaanka , iyada oo uu ka mid yahay barnaamijyo badan oo uu ururku ugu talo galay xal u helidda dhibaatooyinka ka jira deegaanka .

- ๐——๐—›๐—”๐— ๐— ๐—”๐—”๐—— -

๐—›๐—”๐— ๐—•๐—”๐—Ÿ๐—ฌ๐—ข : ๐—–๐—œ๐—œ๐——๐—”๐—Ÿ ๐—”๐——๐—ซ๐—” ( 1447 ๐—› ) ุชู‚ุจู„ ุงู„ู„ู‡ ู…ู†ุง ูˆ ู…ู†ูƒู… ุตุงู„ุญ ุงู„ุฃุนู…ุงู„  Ururka HAGE DEVELOPMENT ORGANISATION [ HDO ] waxa u...
26/05/2026

๐—›๐—”๐— ๐—•๐—”๐—Ÿ๐—ฌ๐—ข : ๐—–๐—œ๐—œ๐——๐—”๐—Ÿ ๐—”๐——๐—ซ๐—” ( 1447 ๐—› )

ุชู‚ุจู„ ุงู„ู„ู‡ ู…ู†ุง ูˆ ู…ู†ูƒู… ุตุงู„ุญ ุงู„ุฃุนู…ุงู„

Ururka HAGE DEVELOPMENT ORGANISATION [ HDO ] waxa uu hambalyo iyo tahniyad u dirayaa dhammaan ummadda muslimiinta ah si gaar ah shacabka soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan , gaar ahaan xubnaha iyo taageerayaasha ururka , munaasabadda ciidul adxa awgeed .

Waxaan Eebbe ka baryaynaa inuu naga aqbalo acmaashii khayrka badnaa ee aynu soo samaynay tobankii casho ee aynu soo dhaafnay , naguna gaarsiiyo bishan bisheeda annagoo caafimaad iyo iimaan ku sugan.

ูƒู„ ุนุงู… ูˆุฃู†ุชู… ุจุฎูŠุฑ
HAGE DEVELOPMENT ORGANISATION ( HDO ) .

๐˜€๐—ต๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ด๐—ผ๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ด๐˜‚๐˜‚๐—ฑ ๐—ฒ๐—ฒ ๐˜‚๐—ฟ๐˜‚๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ต๐—ผ๐—ฟ๐˜‚๐—บ๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ต๐—ฎ๐—ด๐—ฒ waxaa xalay oo taariikhdu ahayd 24/ may / 2026 ka qabsoomey xafiiska ur...
25/05/2026

๐˜€๐—ต๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ด๐—ผ๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ด๐˜‚๐˜‚๐—ฑ ๐—ฒ๐—ฒ ๐˜‚๐—ฟ๐˜‚๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ต๐—ผ๐—ฟ๐˜‚๐—บ๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ต๐—ฎ๐—ด๐—ฒ

waxaa xalay oo taariikhdu ahayd 24/ may / 2026 ka qabsoomey xafiiska ururka shirka golaha guud ee ururka , shirka oo uu guddoominayay gudoomiyaha ururka mudane Abdifatah Abdirasak ayaa ujeedkiisu ahaa :

- soo bandhigidda waxqabadyada ururka .
- qorshaynta hawlaha hortabinta leh .
- dhegeysiga warbixinta golaha fulinta ee ururka .
- soo gaba gabeynta wax qabadyada soo dhammaaday .

xubnaha ururka ayaa soo bandhigay talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan sidii loo hormarin lahaa shaqooyinka ururku u hayo bulshada , loona gaari lahaa natiijooyin muuqda .

ugu dambayntii kulanka ayaa kusoo dhammaaday jawi wanaagsan iyadoo guddoonka iyo dhammaan xubnaha uruku ay isla qaateen in la dedejiyo fulinta qorshayaasha degsen .

๐——๐—›๐—”๐— ๐— ๐—”๐—”๐—— .

๐Ÿ“š๐—ง๐—ฟ๐—ฎ๐—ถ๐—ป๐—ถ๐—ป๐—ด : ๐—ฆ๐˜๐—ฟ๐—ฎ๐˜๐—ฒ๐—ด๐—ถ๐—ฐ ๐—˜๐˜…๐—ฎ๐—บ ๐—ง๐—ฒ๐—ฐ๐—ต๐—ป๐—ถ๐—พ๐˜‚๐—ฒ๐˜€ ๐—ฎ๐—ป๐—ฑ ๐—ง๐—ฎ๐—ฐ๐˜๐—ถ๐—ฐ๐˜€ ( ๐—ฆ๐—˜๐—ง๐—ง ) .Waxaa farxad iyo sharaf weyn noo ah in maanta aan si rasmi a...
03/05/2026

๐Ÿ“š๐—ง๐—ฟ๐—ฎ๐—ถ๐—ป๐—ถ๐—ป๐—ด : ๐—ฆ๐˜๐—ฟ๐—ฎ๐˜๐—ฒ๐—ด๐—ถ๐—ฐ ๐—˜๐˜…๐—ฎ๐—บ ๐—ง๐—ฒ๐—ฐ๐—ต๐—ป๐—ถ๐—พ๐˜‚๐—ฒ๐˜€ ๐—ฎ๐—ป๐—ฑ ๐—ง๐—ฎ๐—ฐ๐˜๐—ถ๐—ฐ๐˜€ ( ๐—ฆ๐—˜๐—ง๐—ง ) .

Waxaa farxad iyo sharaf weyn noo ah in maanta aan si rasmi ah u soo xidhno barnaamijkii tababarka ee โ€œStrategic Exam Techniques and Tacticsโ€ oo si gaar ah loogu talagalay ardayda Form 4 - ka , si ay ugu diyaar garoobaan imtixaanka k**a dambaysta ah .

Mudadii uu socday tababarkan waxaa ka faa'iideystay 700 oo arday iyaga oo bartay xirfado muhiim ah oo ay ka mid yihiin :

1 : Sida loo fahmo loona falanqeeyo suโ€™aalaha imtixaanka .
2 : Qorshaynta waqtiga inta lagu jiro imtixaanka .
3 : Isticmaalka xeeladaha xusuusta iyo fahamka .
4 : sida loo maareeyo walbahaarka imtixaanka .

Barnaamikan ayaa diiradda lagu saarayay diyaarinta imtixaanadda , qaabka loo galo , kobcinta xirfadaha muhiimka u ah imtxaanka iyo si guud waxbarashada iyo ugu dambayn in laga hortago falalka horseedi kara burburka mustaqbalka ardayda .

Ugu dambayn waxaan u mahad celinaynaa hawl-wadeenada ๐—›๐—ฎ๐—ด๐—ฒ ๐——๐—ฒ๐˜ƒ๐—ฒ๐—น๐—ผ๐—ฝ๐—บ๐—ฒ๐—ป๐˜ ๐—ข๐—ฟ๐—ด๐—ฎ๐—ป๐—ถ๐˜€๐—ฎ๐˜๐—ถ๐—ผ๐—ป iyo ๐— ๐—ถ๐—น๐—ด๐—ผ ๐—ก๐—ฒ๐˜๐˜„๐—ผ๐—ฟ๐—ธ oo soo qabanqaabiyay barnaamika iyo dhamaan barayaashii kala duwanaa ee soo jeedinayay tababarka .

๐——๐—›๐—”๐— ๐— ๐—”๐—”๐—— .

๐‘ถ๐‘ฎ๐‘จ๐’€๐‘บ๐‘ฐ๐‘ฐ๐‘บ ๐‘ป๐‘จ๐‘ฉ๐‘จ๐‘ฉ๐‘จ๐‘น ๐‘ด๐‘ผ๐‘ฏ๐‘ฐ๐‘ฐ๐‘ด ๐‘จ๐‘ฏHAGE NGO iyo MILGO NETWORK  iyaga oo ka duulaya yoolkooda ah kor u qaadista tayada waxbarashad...
01/05/2026

๐‘ถ๐‘ฎ๐‘จ๐’€๐‘บ๐‘ฐ๐‘ฐ๐‘บ ๐‘ป๐‘จ๐‘ฉ๐‘จ๐‘ฉ๐‘จ๐‘น ๐‘ด๐‘ผ๐‘ฏ๐‘ฐ๐‘ฐ๐‘ด ๐‘จ๐‘ฏ

HAGE NGO iyo MILGO NETWORK iyaga oo ka duulaya yoolkooda ah kor u qaadista tayada waxbarashada, kobcinta ardayda, iyo kor u qaadidda wacyiga ardayda waxay qabanayaan tababar muhiim ah oo loogu talagalay ardayda Fasalka 4-aad dugsiyada sare ee magaalada Laasacaanood ee Caasimadda Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari.

Tababarkani oo ah *Dhammaadka* tababaro taxane ah oo ururradu si joogto ah ugu qorshayeen in ardayda dugsiyada sare gaar ahaan fasalka Form 4 loo qabto si loo xoojiyo wacyiga iyo aqoonta ardayda.

๐Œ๐š๐ฐ๐๐ฎ๐ฎ๐œ๐š ๐“๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ๐ค๐š: Farsamooyinka iyo xeeladaha Imtixaanka (Stretigic Exam Techniques & Tactics ).
๐†๐จ๐จ๐›๐ญ๐š: Nugaal ๐”๐ง๐ข๐ฏ๐ž๐ซ๐ฌ๐ข๐ญ๐ฒ ๐‡๐š๐ฅ๐ฅ
๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ฆ๐š๐ก๐š ๐“๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ๐ค๐š: Jimce,.
๐–๐š๐ช๐ญ๐ข๐ ๐š: 3:30 galabnimo โ€“ 08:00 habeennimo.
๐“๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ๐ค๐ฎ ๐ฐ๐š๐š ๐…๐ซ๐ž๐ž.
๐–๐š๐ฃ๐ข๐ ๐š : 3aad - Gabagabo
๐Œ๐ฎ๐๐š๐๐š ๐“๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ๐ค๐š: 1 Maalin , 01 May 2026.
๐“๐ข๐ซ๐š๐๐š ๐Š๐š ๐…๐š๐šโ€™๐ข๐ข๐๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐ง๐š๐ฒ๐ฌ๐š: 200 Arday.

โ€”โ€”OGEYSIIS,OGEYSIISโ€”โ€”โ€”Ururka HAGE DEVELOPMENT ORGANIZATION (HDO) wuxuu si rasmi ah u shaacinayaa furitaanka koorsada Ele...
25/04/2026

โ€”โ€”OGEYSIIS,OGEYSIISโ€”โ€”โ€”

Ururka HAGE DEVELOPMENT ORGANIZATION (HDO) wuxuu si rasmi ah u shaacinayaa furitaanka koorsada Electrical Engineering lacag laโ€™aan ah , taas oo loogu talagalay dhalinyarada doonaysa inay helaan xirfad qiimo leh oo u horseedi karta shaqo iyo horumar nololeed, isla markaana ay dhigayaan barayaal aqoon u leh bixinayana casharo tayo leh oo la fahmayo.

Koorsadan Waxa aad ku baran doontaa:
๐Ÿ”น Aasaaska korontada
๐Ÿ”น Rakibidda iyo dayactirka qalabka korontada
๐Ÿ”น Badbaadada goobta shaqada
๐Ÿ”น Xirfado kuu sahla shaqo helid
๐Ÿ”นshahaado

๐Ÿ“Œ Shuruudaha Ka Qaybgalka:
โœ” qof Dhameeyay dugsi dhexe ama sare
โœ” Daโ€™da 18 ilaa 30 sano
โœ” Leh akhlaaq iyo dadaal
โœ” Attendance joogto ah

๐ŸŽ“ ardayga buuxiya shuruudaha koorsadana si joogto ah u qaata wuxuu helayaa SHAHAADO.

Fadlan iska diiwaan gali https://docs.google.com/forms/d/e/1FAIpQLSeP2M-4ddf-Fl2Dgrla_OsPyRYfqmX3_i1vDTVkhvdVWj5CrA/viewform?usp=publish-editor

๐Ÿ“ž nagala soo xidhiidh 0904 608 358 ama 0639282434

๐Ÿ“ง Email: [email protected]

Waxaa si rasmi ah u soo idlaaday wajigii labaad ee barnaamijka tababarka SETT, kaas oo loo qabtay ardayda fasalka afraad...
18/04/2026

Waxaa si rasmi ah u soo idlaaday wajigii labaad ee barnaamijka tababarka SETT, kaas oo loo qabtay ardayda fasalka afraad (Form Four). Barnaamijkan ayaa ahaa mid lagu horumarinayo aqoonta, xirfadaha, iyo wacyiga ardayda, si ay ugu diyaar garoobaan mustaqbalkooda waxbarasho iyo sidii ay ku wajihi lahaayeen imtixaanka .

Barnaamijka SETT waxa iska kaashadeen ururka
Hage Development Organization (HDO) iyo
Milgo Network
Intii uu socday wajiga labaad ee tababarka, ardayda waxaa la siiyay casharro iyo aqoon la xiriirta dhinacyo kala duwan sida:
Sidii ay imtixaanka ugu diyaar garoobi lahaayeen Maareenta waqtiga Taxliilinta su'aalaha imtixaanka Farsamooyinkii ay dhibco sarre ku kasban lahaayeen.

Sidoo kale, tababarku wuxuu ahaa mid isugu jiray casharro bixin iyo aragti wadaag .
taas oo ka caawisay ardayda inay si fiican u fahmaan loona dhaqan geliyo wixii ay barteen.

Masโ€™uuliyiinta labada urur ee fuliyay barnaamijka ayaa muujiyay sida ay uga goโ€™an tahay horumarinta dhalinyarada, iyagoo carrabka ku adkeeyay in barnaamijkan uu qayb ka yahay dadaallada lagu taageerayo ardayda si ay u noqdaan kuwo wax badan ku Soo kordhiya bulshadooda iyo naftooda.

Dhanka kale, ardaydii ka qayb gashay tababarka ayaa muujiyay farxad iyo qanacsanaan, iyagoo sheegay in ay heleen aqoon iyo khibrad wax weyn ka beddeli karta noloshooda waxbarasho,

Ugu dambayn, barnaamijka SETT ayaa la filayaa in uu sii socdo, iyadoo wajiyo kale oo dheeraad ah la qorsheynayo si loo gaarsiiyo arday badan oo kale.


โ€” DHAMMAAD โ€”

๐‘ถ๐‘ฎ๐‘จ๐’€๐‘บ๐‘ฐ๐‘ฐ๐‘บ ๐‘ป๐‘จ๐‘ฉ๐‘จ๐‘ฉ๐‘จ๐‘น ๐‘ด๐‘ผ๐‘ฏ๐‘ฐ๐‘ฐ๐‘ด ๐‘จ๐‘ฏHAGE Development Organisation iyo MILGO Network  iyaga oo ka duulaya yoolkooda ah kor u qaadis...
16/04/2026

๐‘ถ๐‘ฎ๐‘จ๐’€๐‘บ๐‘ฐ๐‘ฐ๐‘บ ๐‘ป๐‘จ๐‘ฉ๐‘จ๐‘ฉ๐‘จ๐‘น ๐‘ด๐‘ผ๐‘ฏ๐‘ฐ๐‘ฐ๐‘ด ๐‘จ๐‘ฏ

HAGE Development Organisation iyo MILGO Network iyaga oo ka duulaya yoolkooda ah kor u qaadista tayada waxbarashada, kobcinta ardayda, iyo kor u qaadidda wacyiga bulshada waxay qabanayaan wajigii 2aad ee tababarka xeeladaha talagalay ardayda Fasalka iyo farsamooyinka Imtixaanka oo loogu tala galay ardayda fasalka 4-aad dugsiyada sare ee magaalada Laasacaanood ee Caasimadda Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari.

Tababarkan oo ah wajigii 2aad ayaa hormuud u ah tababaro taxane ah oo ururradu si joogto ah ugu qorshayeen in ardayda dugsiyada sare gaar ahaan fasalka Form 4 loo qabto si loo xoojiyo wacyiga, aqoonta ardayda.

๐Œ๐š๐ฐ๐๐ฎ๐ฎ๐œ๐š ๐“๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ๐ค๐š: Farsamooyinka iyo xeeladaha Imtixaanka (Stretigic Exam Techniques & Tactics ).
๐†๐จ๐จ๐›๐ญ๐š: Nugaal University Hall
๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ฆ๐š๐ก๐š ๐“๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ๐ค๐š: Jimce, labada galin.
๐–๐š๐ช๐ญ๐ข๐ ๐š: Galinka h**e 7:30 Subaxnimo โ€“ 10ka Subaxnimo.
Galinka Danbe: 3:30pm ilaa 8:00pm.
๐’๐ก๐š๐ก๐š๐š๐๐จ: Certificate of Participation.
๐“๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ๐ค๐ฎ ๐ฐ๐š๐š ๐…๐ซ๐ž๐ž.
๐–๐š๐ฃ๐ข๐ ๐š : 2-aad
๐Œ๐ฎ๐๐š๐๐š ๐“๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ๐ค๐š: 1 maalin , 17โ€“April 2026.
๐“๐ข๐ซ๐š๐๐š ๐Š๐š ๐…๐š๐šโ€™๐ข๐ข๐๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐ง๐š๐ฒ๐ฌ๐š: 120 Arday.

Address

Central Office Of Hage
Laascaanood
WADADATOOCIL

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when HAGE Development Organisation posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share