Gudidda Hubinta iyo Ansixinta DG Waqooyi Bari

Gudidda Hubinta iyo Ansixinta  DG Waqooyi Bari Gudidda Hubinta iyo Ansixinta Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari Somalia

17/08/2025

Gudoomiyaha Gudida Hubinta iyo Ansixinta Golaha Waliilada Waqooyi Bari Somalia Abdinasir Ahmed Qaybdiid Shide
Ayaa Khudbad Taariikhi ah ka Jeediyay Madasha lagu Dhaarinayay Xildhibaanada Waqooyi Bari Somalia.

17/08/2025

OGAYSIIS RASMI AH

Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan Xildhibaanada Cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya in ay bari subaxnimo, 17-ka Agoosto 2025, saacadda 10:00 ay isugu yimaadaan Hotel Jidbaale.

Hall shirka

Fadlan waqtiga ha la ilaaliyo.

Liiska rasmiga ee golaha wakiiladda waqooyi Bari Alla mahadleh.
17/08/2025

Liiska rasmiga ee golaha wakiiladda waqooyi Bari

Alla mahadleh.

17/08/2025

Faafin rasmiya Iyo Kudhawaaqista golaha wakiiladda waqooyi Bari somaliya.

Alla mahadleh.

BEENIN.WAR-SAXAAFADEEDTaariikh: 14 Agoosto 2025Goob: LaascaanoodGuddiga Hubinta iyo Ansixinta Baarlamaanka Waqooyi Bari ...
14/08/2025

BEENIN.

WAR-SAXAAFADEED
Taariikh: 14 Agoosto 2025
Goob: Laascaanood

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Baarlamaanka Waqooyi Bari Soomaaliya oo Beeniyey Warar aan Sal iyo Raad Toona Lahayn

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Baarlamaanka Waqooyi Bari Soomaaliya waxay si cad u beeninaysaa jiritaanka warqad ama qoraal sidan oo kale ah oo soo gaadhay xafiiska guddiga.

Wararkan been abuurka ah ayaa lagu faafinayey baraha bulshada iyo meelo kale, kuwaas oo ay suuragal tahay in bulshada ku abuuraan jahawareer iyo xog khaldan.

Guddiga waxa uu si adag uga digayaa faafinta warar noocan oo kale ah, isaga oo ku boorinaya dhammaan shacabka iyo warbaahinta in ay hubiyaan xaqiiqda xog kasta oo ay helaan ka hor inta aysan faafin.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta
Guddiga Hubinta iyo Ansixinta
Baarlamaanka Waqooyi Bari Soomaaliya

13/08/2025

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa sii wada hawlaha shaqo ee maalinlaha ah, iyagoo ku howlan hubinta iyo ansixinta galalka musharraxiinta.”

Alla mahadleh.

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya oo ku jira marxaladda ugu damb...
12/08/2025

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya oo ku jira marxaladda ugu dambeysay ee hubinta musharraxiinta

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu guda jira dhamaystirka marxaladdii ugu dambeysay ee hawsha hubinta iyo ansixinta musharraxiinta u taagan xubinnimada Golaha Wakiillada.

Guddigu ayaa uu muddo ka shaqeynaysay diiwaangelinta, hubinta shuruudaha musharraxiinta, iyo xaqiijinta inay buuxiyeen dhammaan qodobada sharciga ah ee looga baahan yahay musharraxiinta Golaha Wakiillada. Marxaladdan ugu dambeysa ayaa ah mid muhiim ah oo lagu xaqiijinayo in musharraxiinta la ansixiyay ay yihiin kuwo sharciyad iyo aqoonsi rasmi ah leh,

Guddoomiyaha Guddiga ayaa ku baaqay in dhammaan bulshada Waqooyi Bari ay taageeraan geedi socodka doorashada, iyadoo la raacayo hannaanka iyo xeerarka u degsan doorashada si loo hubiyo oo garab is taagan hawsha muhiimka ah ee guddigu wado, isaga oo bogaadiyey dadaalka iyo iskaashiga ay muujiyeen guddiga, musharraxiinta, iyo bulshada rayidka ah.

Waxaa sidoo kale la qorsheynayaa in guddigu uu soo bandhigo liiska musharraxiinta la ansixiyay maalmaha soosocda

Mahadsanid

Guddiga hubinta iyo ansixinta golaha wakiiladda cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa ku guda jira shaqadoodii maalinlah...
12/08/2025

Guddiga hubinta iyo ansixinta golaha wakiiladda cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa ku guda jira shaqadoodii maalinlaha ahayd ee ay dalka iyo dadka reer waqooyi bari u hayeen.

Alla mahadleh.

12/08/2025

Shaqada Guddiga Hubinta iyo Ansixinta ayaa si habsami leh u socota, iyadoo xubnaha guddigu ay si wadajir ah uga shaqeynayaan dhamaystirka hawlaha ku jira qorshaha iyo jadwalka loo dejiyey.”

11/08/2025

Laascaanood:- waxaa ay guddida hubinta iyo ansixinta golaha wakiiladda waqooyi Bari ay si habsami socodleh u wadaan shaqadda hubinta iyo ansixinta golaha wakiiladda waqooyi Bari.

Guddida ayaa h**e usoo gaba gabeeyey shaqada wajigeedi koobaad kaaso musharaxiintu ay guddida codsiyadooda ugu soo gudbinayeen.

Alla mahadleh.

Address

Laascaanood

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Gudidda Hubinta iyo Ansixinta DG Waqooyi Bari posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share