09/11/2025
Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Gobolka Sool
waxa uu qabtay Bandhigga buugga “Ilays” oo uu qoray qoraa Shucayb Cali Caabi — buug si qoto dheer uga hadlaya qiimaha iyo muhiimadda waxbarashada.
Bandhiggan oo ka dhacay magaalada Laascaanood ayaa ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay, iyadoo ay ka soo qayb galeen qorayaal, aqoonyahanno, arday iyo dadweyne jecel akhriska iyo horumarinta aqoonta.
Naadigu wuxuu sii wadi doonaa dadaallada lagu dhiirrigelinayo akhriska, qorista iyo kobcinta fikirka bulshada gobolka.
Xafiiska warbaahin iyo xidhiidhka bulshada Naadiga A&Q Gobolka Sool
📖
🌟
✍️