Deegaan Cagaarshe

Deegaan Cagaarshe Deegaan Cagaarshe waa bah ka shaqaysa arimaha Deegaanka iyo wax-ka-qabashada isbaddelka cimilada.

Dhir-beeristu ma aha oo kaliya hawl maanta la qabto, balse waa maalgashi loo sameynayo jiilasha soo socda—si loo yareeyo...
15/04/2026

Dhir-beeristu ma aha oo kaliya hawl maanta la qabto, balse waa maalgashi loo sameynayo jiilasha soo socda—si loo yareeyo abaarta, loo ilaaliyo deegaanka, loona dhiso bulsho adkaysi leh.
Aan gacmaha is qabsanno, hal geedna maanta wada beerno .
Mustaqbalka cagaaran annagaa dhiseyna.

Deegaan Cagaarshe waxay maalmahan ka waddaan dadaal dhirayneed (tree planting campaign) oo laga hirgelinayo Garoonka Diy...
07/03/2026

Deegaan Cagaarshe waxay maalmahan ka waddaan dadaal dhirayneed (tree planting campaign) oo laga hirgelinayo Garoonka Diyaaradaha Laascaanood (Las Anod Airport) iyago kaashanaya dowladda iyo ururuda bulshada.
Garoonkan diyaaradaha h**e uma lahayn dhir ku filan, sidaa awgeed waxaan bilownay qorshe dhirayn oo laba waji ah:
Wajiga 1aad:
Waxaan ku beeraynaa dhir dabayl-celiye ah (windbreak trees) si ay u yareeyaan dabaylaha xooggan, u xakameeyaan ciidda duulaysa, isla markaana u ilaaliyaan deegaanka garoonka.
Wajiga 2aad:
Marxaladda xigta waxaan diiradda saari doonaa dhir qurux iyo bilic (ornamental trees) si loo hagaajiyo muuqaalka guud ee garoonka loogana dhigo meel cagaaran oo soo jiidasho leh.
Dhirbeeristani waxay qayb ka tahay dadaallada Deegaan Cagaarshe ee lagu horumarinayo deegaanka, lagu kordhinayo dhirta, laguna yareynayo saameynta isbeddelka cimilada ee magaalada Laascaanood.
Dhir beer, deegaan badbaadi.
Dhirta halaga wada qaybqaato, sidoo kale ilaalinta dhirta la beeraa masuuliyad adag bay u baahanatahay.

Waxaan mar kale ku beernay geedo cusub gudaha Lasanod General Hospital, anagoo ku kordhinay geedihii aan h**e halkaas ug...
20/02/2026

Waxaan mar kale ku beernay geedo cusub gudaha Lasanod General Hospital, anagoo ku kordhinay geedihii aan h**e halkaas ugu beerney.
Tallaabadan waxay qeyb ka tahay dadaallada joogtada ah ee Deegaan Cagaarshe ee lagu horumarinayo cagaarinta magaalada Lasanod, kor u qaadista nadaafadda, iyo abuurista jawi caafimaad leh oo ku habboon bukaanada, shaqaalaha caafimaadka iyo bulshada guud ahaan.
Geeduhu waa neef, waa hoos, waa qurux, waana mustaqbal. 🌳
Waxaan aaminsanahay in isbeddelka dhabta ah uu ka bilowdo ficil yar oo joogto ah.
Waxaan ugu baaqaynaa bulshada, dhalinyarada iyo hay’adaha kale inay nagu soo biiraan ilaalinta iyo kobcinta deegaanka.

Today, we planted additional trees at Lasanod General Hospital, expanding the trees we had previously planted there. 🌱
This initiative is part of the ongoing environmental efforts of Deegaan Cagaarshe to promote urban greening in Lasanod, improve environmental health, and create a healthier atmosphere for patients, healthcare workers, and the wider community.
Trees mean life, shade, beauty, and a sustainable future. 🌳
We believe real change begins with small, consistent actions.
We invite the community, youth, and institutions to join us in protecting and strengthening our environment.




Waxaanu dhir ku beernay mid kamida xarumaha agoonta ee Laascaanood. U jeedada dhirta ayaa ah cagaarinta iyo qurxinta goo...
17/02/2026

Waxaanu dhir ku beernay mid kamida xarumaha agoonta ee Laascaanood. U jeedada dhirta ayaa ah cagaarinta iyo qurxinta goobaha danta guud.
aynu wada jir u dhirayno magaalada si aan u helno deegaan cagaaran.

We planted trees at one of the orphan education centers in Lasanod. The purpose of planting these trees is to promote environmental greening and enhance the beauty of public spaces.

Abdalle
Communication

Join us in making Lasanod greener! At Deegaan Cagaarshe, we’re committed to a cleaner, greener future through citywide a...
13/02/2026

Join us in making Lasanod greener!
At Deegaan Cagaarshe, we’re committed to a cleaner, greener future through citywide actions like the “Hay’ad & Geed” Program, greening government offices, planting trees along roadsides, and transforming public spaces such as parks, schools, and hospitals. Our long-term maintenance teams ensure that these trees thrive, creating a sustainable, eco-friendly environment for generations to come. Let's work together for a greener Lasanod!

Abdalle Abdi Mohamed, Communication Office, Deegaan Cagaarshe

Dhirtu waa laf-dhabarta quruxda iyo badbaadada deegaanka; waxay nadiifisaa hawada, yareysaa kulaylka, kana qayb qaadataa...
11/02/2026

Dhirtu waa laf-dhabarta quruxda iyo badbaadada deegaanka; waxay nadiifisaa hawada, yareysaa kulaylka, kana qayb qaadataa soo celinta dhulkeenna. Aan si wadajir ah u cagaarinno Laascaanood iyo dhammaan gobollada Waqooyi Bari, annagoo ka bilaabayna guryaheena iyo xaafadeenna—hal geed maanta waa talaabo mustaqbalka loo qaadayo. Cagaarintu ma aha doorasho ee waa masuuliyad wadajir ah oo lagu dhisayo magaalooyin nadiif ah, qabow, oo qurux badan.

Trees are the foundation of environmental beauty and protection; they purify the air, reduce heat, and play a vital role in restoring our land. Let us work together to green Lasanod and all of Waqooyi Bari, starting from our homes and neighborhoods—one tree planted today is a step toward a better future. Greening our communities is not just a choice; it is a shared responsibility to build cleaner, cooler, and more beautiful cities

Si'aad u beerato fadlan lasoo xidhiidh:
Deegaan Cagaarshe contacts:
Phone: +252634603250
Whatsapp: 63 4603250
Deegaan Cagaarshe
Email: [email protected]
Website: www.deegaancagarshe.org
Las'Anod City, Waqoyi Bari State, Somalia

Accounska tabaruca dhirta ee lagaga qaybqaadan karo waa:
Amal Accoun: 350104958834
Dahabshiil Accoun: LASD1893
Telesom Zaad active accoun: +252634603250

Let's cultivate a greener, healthier planet together! 🌍🌳



Maanta waxaan fulinay hawl dhir-beeris ah oo ka dhacday Dugsiga Sare ee Muse Yusuf, iyadoo qayb ka ah dadaallada aan ku ...
07/01/2026

Maanta waxaan fulinay hawl dhir-beeris ah oo ka dhacday Dugsiga Sare ee Muse Yusuf, iyadoo qayb ka ah dadaallada aan ku doonayno cagaarinta magaalada iyo kor u qaadista wacyiga ilaalinta deegaanka.
Geed kasta oo la beero waa nolol cusub, waxaana rumeysanahay in wadajir iyo masuuliyad deegaan lagu dhisi karo magaalo dhir leh, qurux badan, iyo mustaqbal cagaaran oo waara.

Today, we carried out a tree planting activity at Muse Yusuf High School as part of our efforts to green the city and raise awareness about environmental conservation. Every tree planted represents new life, and we believe that through unity and environmental responsibility, we can build a city that is green, beautiful, and has a sustainable, greener future.

Abdalle Abdi Mohamed, Communication Office, Deegaan Cagaarshe

Waxaan dhirayn ka wadnaa goobo kala duwan oo dan guud ah, annagoo kaashanayna aqoonyahanka, bulshada deegaanka, iyo qayb...
04/01/2026

Waxaan dhirayn ka wadnaa goobo kala duwan oo dan guud ah, annagoo kaashanayna aqoonyahanka, bulshada deegaanka, iyo qayb ka mid ah qurbajoogta. Ujeeddadeennu waa ilaalinta deegaanka, cagaarinta magaalada, abuurista magaalo dhir leh oo qurxoon, iyo dhisidda mustaqbal cagaaran oo waara. Dadaalladan dib u dhirayntu waxay xoojinayaan wadajirka bulshada iyo masuuliyadda ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah. Qof kasta oo raba inuu ka qaybqaato dadaalkan qiimaha leh—ha ahaato talo, tabaruc, ama ka-qaybgal toos ah—waa ku soo dhawaynaynaa. Wadajir ayaan u gaadhi karnaa horumar deegaan oo waara.

We are planting trees in various public spaces, working in collaboration with experts, local communities, and a part of the diaspora. Our goal is environmental conservation, greening the city, creating a beautiful, tree-filled city, and building a sustainable, greener future. These reforestation efforts strengthen community unity and the responsibility of conserving natural resources. Anyone who wishes to participate in this valuable initiative—whether through advice, donations, or direct involvement—is warmly welcome. Together, we can achieve sustainable environmental development.

Abdalle Abdi Mohamed, Communication Office, Deegaan Cagaarshe

Deegaan Cagaarshe waxaa sharaf weyn noo ah inaan helnay Community Impact Award, taas oo lagu aqoonsaday dadaalladeenna k...
29/12/2025

Deegaan Cagaarshe waxaa sharaf weyn noo ah inaan helnay Community Impact Award, taas oo lagu aqoonsaday dadaalladeenna ku aaddan beerista dhirta, daryeelka dhulka, iyo wacyigelinta deegaanka.
Abaalmarintani waa dhiirrigelin iyo masuuliyad naga saaran inaan sii xoojino ilaalinta deegaanka iyo horumarinta mustaqbal cagaaran.
Mahadsanid dhammaan bulshada iyo bahwadaagta nagu garab istaagtay.

It is a great honor for Deegaan Cagaarshe to receive the Community Impact Award, which recognizes our efforts in tree planting, land care, and environmental awareness. This award is both an encouragement and a responsibility for us to continue strengthening environmental protection and advancing a greener future. Thank you to the entire community and our partners who have supported us.

Abdalle Abdi Mohamed, Communication Office, Deegaan Cagaarshe

14/12/2025

Mohamed Suleiman Ali, oo ah aqoonyahan cimilada iyo Deegaanka ah ahna xubin ka tirsan Deegaan Cagaarshe, ayaa ka hadlay Carwada Ganacsiyeedka Waqooyi Bari isagoo faahfaahinaya aragtida “From Dust to Green” iyo muhiimadda cagaarinta Laascaanood si loo abuuro magaalo nadiif ah, qabow ah, oo diyaar u ah jiilasha soo socda. Hadalkiisa waxaa uu iftiimiyay baahida loo qabo in si wadajir ah loo dhiso magaalo waarta oo ka tarjumaysa mas'uuliyad deegaanka.

Mohamed Suleiman Ali, a climate expert and member of Deegaan Cagaarshe, spoke at the Waqooyi Bari Business Expo about the vision of “From Dust to Green” and the importance of greening Lasanod to create a clean, cool city ready for future generations. His insightful words emphasized the need for collective action to build a sustainable and environmentally conscious city.

Abdalle Abdi Mohamed, Communication Office, Deegaan Cagaarshe

Ururka Deegaan Cagaarshe wuxuu uga mahadcelinayaa Jaamacadda Ileys National University abaalmarinta ay na guddoonsiisay,...
28/11/2025

Ururka Deegaan Cagaarshe wuxuu uga mahadcelinayaa Jaamacadda Ileys National University abaalmarinta ay na guddoonsiisay, taas oo lagu maamuusay doorkeenna muhiimka ah ee ilaalinta deegaanka iyo wacyigelinta bulshada. Waxaan ku bogaadinaynaa jaamacadda sida ay u garteen dadaalkayaga, anagoo rajaynayna in jaamacadaha iyo ururradu si wadajir ah uga wada shaqeeyaan ilaalinta deegaanka iyo dhisidda mustaqbal cagaaran oo waara.

As Deegaan Cagaarshe, we would like to express our sincere gratitude to Ileys National University for awarding us an appreciation certificate, recognizing our significant role in environmental conservation and community awareness. We commend the university for acknowledging our efforts, and we hope that universities and organizations will continue to collaborate in environmental protection and building a sustainable, greener future.

Mohamed Suleiman Ali

Address

Main Street
Laascaanood
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Deegaan Cagaarshe posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Deegaan Cagaarshe:

Share