Golaha Sodesco

Call Website Contact the organization

Golaha Sodesco SODESCO is a council that unites NESS scholars. Laascaanood, the Capital City of the Northern East State of Somalia

The council works to raise social awareness, promote education, and participate in all other developments that the community is pursuing.

 Sodesco wuxuu halkan dhambaal hanbalyo meher ah uga dirayaa Eng.Maxamed Axmed Jaamac iyo Marwo Faaduma Cabdillaahi Jama...
01/08/2026

Sodesco wuxuu halkan dhambaal hanbalyo meher ah uga dirayaa Eng.Maxamed Axmed Jaamac iyo Marwo Faaduma Cabdillaahi Jama oo nolasha ku midoobay.
Sidoo kale, Goluhu wuxuu hanbalyo meher iyagana u dirayaa Garyaqaan Cabdillaahi Cali Caanageel iyo marwadiisa Marwo Maymuun Cabdiraxmaan oo iyaguna nolosha ku midoobay.

بارك الله لكما وبارك عليكما وجمع بينكما في خير

HANBALYOGuddoomiyaha Golaha iyo dhammaan aqoonyahanka Reer SODESCO waxay bulshada Reer Waqooyi Bari ugu hanbalyaynayaan ...
30/07/2026

HANBALYO

Guddoomiyaha Golaha iyo dhammaan aqoonyahanka Reer SODESCO waxay bulshada Reer Waqooyi Bari ugu hanbalyaynayaan munaasibadda Sanad guurada koowaad ee aas,aaska maamulka Waqooyi Bari ee 30ka July.

Waxaa Fiidnimadii Xalay 25 May magaalada Laascanood si guul ah uga qabsoomay kulan soodhawayn iyo iswaraysi Qaybo kamid ...
26/05/2026

Waxaa Fiidnimadii Xalay 25 May magaalada Laascanood si guul ah uga qabsoomay kulan soodhawayn iyo iswaraysi Qaybo kamid ah Xubnaha Golaha Sodesco la yeesheen AG ee wasaaradda Qorshaynta DFS Mudane Abdifatah Abdulqadir Farah.

Agendaha kulanka ayaa ahaa soo dhawayn iyo Xogwaraysi, waxaana Goluhu Agaasimaha uga mahadceliyeen booqashadiisa taariikhiga ah ee maamul goboleedka Waqooyi Bari.

Kulan Xil-wareejin ah - SODESCO..........Guddoomiyaha golaha SODESCO, Cali Cabdidaahir Jaamac, ayaa si rasmi ah xilkii g...
24/04/2026

Kulan Xil-wareejin ah - SODESCO..........
Guddoomiyaha golaha SODESCO, Cali Cabdidaahir Jaamac, ayaa si rasmi ah xilkii guddoomiyenimo ugu wareejiyey Xoghayihii golaha, Cumar Axmed X. Faarax, kadib arrimo gaar ah oo ku yimid guddoomiyihii xilka wareejiyey.

Guddoomiye Cali ayaa dardaaran u jeediyey dhammaan xubnaha golaha, isagoo ku booriyey inay sii xoojiyaan dadaallada wacyigelinta ee ay ka wadaan deegaanka, isla markaana ay si dhow ula shaqeeyaan guddoomiyaha cusub.

Dhankiisa, Guddoomiyaha cusub ee golaha, Cumar Axmed X. Faarax, ayaa uga mahadceliyey guddoomiyihii h**e wada-shaqeyntii iyo hawlihii wax-ku-oolka ahaa ee ay si wadajir ah u qabteen muddadii koobnayd ee uu xilka hayey. Waxa uu sidoo kale ballan qaaday in ay sii xoojin doonaan dadaallada iyo waxqabadyada golaha.

Kulanka xil-wareejinta ayaa ka dhacay xafiiska Golaha waxaana ka soo qayb galay xubno ka tirsan golayaasha shuurada iyo guud ee SODESCO.

Ciid wanaagsan dhammaan ummada musliminta ah. عبد مبارك كل سنة وأنتم الف الخير والبركة
19/03/2026

Ciid wanaagsan dhammaan ummada musliminta ah.
عبد مبارك كل سنة وأنتم الف الخير والبركة

17/03/2026

Madaxweyne ku xigeenki h**e ee dawlad goboleedka WB oo kelmed ka jeediyay AFUR WADAREEDKA SODESCO kaas oo looga hadlay xal u helidda abaaraha soo laalaabtay ee deegaanka.

17/03/2026

Wasiirka Caafimaadka dr.Aadam iyo kelmadii uu ka jeediyay kulankii AFUR-WADAREEDKA SODESCO ee looga hadlayay xal u helista abaaraha soo noqnoqday.

17/03/2026

Wasiirka deegaanka iyo isbedelka cimilada siciid maxamed oo kelmed ka jeediyay AFUR-WADAREEDKII SODESCO kaas oo looga hadlayay xal u helista soo noqnoqday ee somalia.

17/03/2026

xildhibaan Samira oo kelmed ka jeedisay AFUR-WADAREEDKII SODESCO kaas oo looga hadlayay xal u helista soo noqnoqday ee somalia.

17/03/2026

xildhibaan Budeeye oo kelmed ka jeediyay AFUR-WADAREEDKII SODESCO kaas oo looga hadlayay xal u helista soo noqnoqday ee somalia.

Address

Manhal Street
Laascaanood

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Golaha Sodesco posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Golaha Sodesco:

Shortcuts

Share