Golaha Sodesco

Golaha Sodesco SODESCO is a council that unites NESS scholars. Laascaanood, the Capital City of the Northern East State of Somalia

The council works to raise social awareness, promote education, and participate in all other developments that the community is pursuing.

Golaha Sodesco waxa uu u hambalyeynayaa ustaad Cali Maxamed Cilmi iyo marwadiisa Hani Maxamed Cali oo maanta meherkoodu ...
30/10/2025

Golaha Sodesco waxa uu u hambalyeynayaa ustaad Cali Maxamed Cilmi iyo marwadiisa Hani Maxamed Cali oo maanta meherkoodu kaqabsoomay magaalada Laascaanood.

بارك الله لكما وبارك عليكما وجمع بينكما في خير .

Hambalyo.Wuxuu goluhu u hambalyeynayaa Ustaad Cumar Axmed X Faarax iyo marwadiisa Shukri Siciid Axmed guurkiinna guur kh...
22/10/2025

Hambalyo.

Wuxuu goluhu u hambalyeynayaa Ustaad Cumar Axmed X Faarax iyo marwadiisa Shukri Siciid Axmed guurkiinna guur kheyr.

Alle ha barakeeyo qoyska.

HAMBALYO & DARDDAARAN KU SOCOTA GOLAHA WASIIRADA EE WAQOOYI BARI, SOOMAALIYA...............................................
20/10/2025

HAMBALYO & DARDDAARAN KU SOCOTA GOLAHA WASIIRADA EE WAQOOYI BARI, SOOMAALIYA..................................................................................

Golaha Aqoonyahanka Daraawiishta Soomaaliyeed (Somali Dervish Scholars Council-SODESCO), wuxuu u hambalyeynayaa dhammaan xubnaha ka mid noqday Golaha Wasiirada ee Dawladda Waqooyi Bari, Soomaaliya, kuwaas oo uu soo magacaabay Madaxweyne Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali.

Golaha sodesco wuxuu Alle u weydiinayaa dhamaan wasiiradan cusub inuu xilalka culus ee loo igmaday u fududeeyo.

Ugu danbayn Goluhu wuxuu kula dardaarmayaa Wasiirada cusub, inay xilkooda u gutaan si ay ku dheehan tahay Alle ka cabsi, sinaan, caddaalad, hawl-karnimo iyo masuuliyad buuxda.

Xoghaynta Warfaafinta iyo xidhiidhka guud ee
Golaha Aqoonyahanka Daraawiishta Soomaaliyeed.

TACSI.Golaha Sodesco wuxuu u tacsiyeynayaa Dr. Abdimajid Hussein Sugulle oo walaashiis Balqiis Hassan Sugulle ay caawa g...
18/10/2025

TACSI.

Golaha Sodesco wuxuu u tacsiyeynayaa Dr. Abdimajid Hussein Sugulle oo walaashiis Balqiis Hassan Sugulle ay caawa geeryootay, dhammaan qoyska iyo qaraabada waxaan alle u weydiinaynaa samir iyo iimaan, marxuumadda alle ha janneeyo

انا لله وإنا إليه راجعون

Dhammaad

𝐌𝐀𝐆𝐀𝐂𝐀𝐀𝐁𝐈𝐒𝐓𝐀 𝐗𝐔𝐍𝐁𝐀𝐇𝐀 𝐅𝐔𝐋𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐄𝐄 𝐆𝐎𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐒𝐎𝐃𝐄𝐒𝐂𝐎.Gudoomoyaha golaha SODESCO,Markuu arkay, dastuurka golaha SODESCO gaar ah...
13/10/2025

𝐌𝐀𝐆𝐀𝐂𝐀𝐀𝐁𝐈𝐒𝐓𝐀 𝐗𝐔𝐍𝐁𝐀𝐇𝐀 𝐅𝐔𝐋𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐄𝐄 𝐆𝐎𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐒𝐎𝐃𝐄𝐒𝐂𝐎.

Gudoomoyaha golaha SODESCO,
Markuu arkay, dastuurka golaha SODESCO gaar ahaan qoddobka 4aad, faqradda J iyo faqradda X.
Markuu arkay, baahida loo qabo in goluhu helo guddi fulin oo dhamaystiran, isla markaanna leh karti iyo aqoon.
Markuu la tashtay, Xoghayaha guud ee golaha.

Wuxuu magacaabay xubnaha hoos ku xusan:

1. Mubaarak Maxamed Faarax, Xoghayaha maaliyadda
2. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Maxamed (Gaxmaal), Xoghayaha Warfaafinta iyo xidhiidhka guud
3. Aasiya Aar Axmed, Xoghayaha Arimaha bulshada iyo barmaamijyada
4. Cabdulaahi Cali Xasan (Caanogeel), Xoghayaha Dhaqanka, akaadiimiyada iyo cilmi-baadhista
5. Jaabir Ismaaciil Maxamed, Xoghayaha qurbajoogta iyo xidhiidhka dibadda.

Sidaasna waxaa ku dhamaystiran xubnihii golaha fulinta ee Golaha Sodesco

Alle ayaa mahadleh.

𝗖𝗮𝗹𝗶 𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶𝗱𝗮𝗮𝗵𝗶𝗿 𝗝𝗮𝗮𝗺𝗮𝗰
𝗚𝘂𝗱𝗼𝗼𝗺𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗴𝗼𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗦𝗼𝗱𝗲𝘀𝗰𝗼.
[email protected]

Gudoomiyaga Golaha SODESCO Ali A. Jama (Cali Miig) ayaa maanta ka qayb galay xafladda qalin-jebinta dufcadii 1aad ee Jaa...
12/10/2025

Gudoomiyaga Golaha SODESCO Ali A. Jama (Cali Miig) ayaa maanta ka qayb galay xafladda qalin-jebinta dufcadii 1aad ee Jaamacadda Alpha, Laascaanood.

Gudoomiyaha oo kelmad kooban ka jeediyey xafladda ayaa ugu h**eyn u hambalyeeyey ardayda ka qalin-jebisay Jaamacadda isagoo sidoo kale kula dardaarmay ardayda inay dedaalka waxbarasho sii wadaan, qalin-jebintuna aysan ahayn dhammaad ee ay tahay bilow cusub.

Ugu danbayn, gudoomiyaha u hambaleyeeyey xubno ka tirsan Golaha Sodesco oo dhameeyey Master degree.

Golaha Sodesco wuxuu u hambalyeynayaa guud ahaan ardayda maanta ka qalin-jebisey Jaamacadda Alpha. Goluhu Wuxuu si gaar ...
12/10/2025

Golaha Sodesco wuxuu u hambalyeynayaa guud ahaan ardayda maanta ka qalin-jebisey Jaamacadda Alpha.
Goluhu Wuxuu si gaar ah ugu hambalyeynayaa Eng. Abdirizak Ahmed Jama (Eng. Abdirisak Qoje ), Gudoomiyaha Golaha wada-tashiga ee golaha kana mid ah godoomiyayaashii h**e ee Golaha iyo Eng. Abdulahi Said Jama (Eng. Siidhi) , xubin firdircoon oo golaha ka mid ah. Labadaas xubnood oo ka qalin-jebiyey derejada Master-ka.
Goluhu wuxuu u rajaynayaa mustaqbal iyo horumar waara.

Waaxda warfaafinta iyo xidhiidhka guud,
Sodesco

Gudoomiyaha golaha SODESCO Ali A. Jama (Cali Miig) ayaa ka qayb galay kulan cilmiyeed lagaga hadlayay muhiimada sharcigu...
11/10/2025

Gudoomiyaha golaha SODESCO Ali A. Jama (Cali Miig) ayaa ka qayb galay kulan cilmiyeed lagaga hadlayay muhiimada sharcigu u lee yahay horumarka bulshada iyo dawlad dhiska kaas oo ay soo qabanqaabisay Jaamacadda Alpha gaar ahaan kuliyada qaanuunka.

Kulankan oo ay isugu yimaadeen qareenno, garsoorayaal, culimo, ardayda dhigata kuliyada qaanuunka iyo bulshada qaybaheeda kala gedisan ayaa ahaa mid lagu falanqaynayay dawrka iyo muhiimadda qaanuunku u leeyahay nolosha bulshada iyo dowladnimada.

Gudoomiye Cali oo halkaas kelmad ka jeediyay ayaa sheegay in labada gole ee sharci-dejinta iyo sharci-fulinta looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan ka shaqaynta iyo ku shaqaynta qaanuunka si loo heli horumar bulsho iyo dowladnimo waarta.
Waxa uu gudoomiyuhu hadalkiisa sii raaciyay in qaanuunku yahay tiirka ugu weyn ee horumarka iyo kala dambeynta, bulsho aan qaanuun lahayna ay tahay bulsho aan xasilloonayn. Horumarka dhaqaale iyo siyaasadeedna ay ku xidhanyihiin jiritaanka sharciga.
Ugu danbayn wuxuu kusoo gabagabeeyey in Golaha SODESCO diyaar u yahay garab istaaga sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga bulshada ee dhanka qaanuunka.

Waaxda warfaafinta iyo xidhiidhka bulshadda ee golaha sodesco.

𝐃𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨, 𝐗𝐢𝐥-𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐬𝐢𝐝.Golaha SODESCO ayaa caawa qabtay xaflad weyn taas oo ku saabsan doorasho, xil-wareej...
03/10/2025

𝐃𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨, 𝐗𝐢𝐥-𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐬𝐢𝐝.

Golaha SODESCO ayaa caawa qabtay xaflad weyn taas oo ku saabsan doorasho, xil-wareejin iyo maamusid, xafladan ayaa ka dhacday magaaladda Laascaanood.

Waxaa la doortay gudoomiya cusub ee golaha kaas oo loo doortay 𝐀𝐥𝐢 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐝𝐚𝐡𝐢𝐫 𝐉𝐚𝐦𝐚 (𝐀𝐥𝐢 𝐌𝐢𝐢𝐠) Ali A. Jama iyo Xogyaha guud ee golaha 𝐔𝐬𝐭𝐚𝐚𝐝 𝐎𝐦𝐚𝐫 𝐀𝐡𝐦𝐞𝐝 𝐇. 𝐅𝐚𝐫𝐚𝐡, sidoo kale waxaa la doortay xubnaha golaha wadatashiga (Shuurada) oo ka kooban 5 xubnood iyadoo gudoomiyaha shuuradanna loo doortay 𝐄𝐧𝐠 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐫𝐢𝐳𝐚𝐤 𝐀𝐡𝐦𝐞𝐝 𝐉𝐚𝐦𝐚 (𝐐𝐨𝐣𝐞). Waxaa xilka goobta ku wareejiyey gudoomiyihii h**e ee golaha 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐈𝐧𝐝𝐡𝐨, isaggoo ku wareejiyey madaxda la doortay.

Ka dib intaas, waxaa maamuusid iyo shahaado sharaf la gudoonsiiyey madaxweyne ku xigeenkii h**e ee maamulka SSC-khaatumo 𝐃𝐫. 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐛𝐝𝐢 𝐈𝐬𝐦𝐚𝐢𝐥 (𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐞) taas oo ku mutaystay intii uu bulshadda u adeegayey, isaggoo ka mid ah xubnaha golaha SODESCO.

Waxaan u mahadcelinaynaa dhammaan akhyaarta sharafta leh ee kulanka soo xaadiray, ballanteennu waa isbeddel iyo dib u labo kaclayn.

Mahadsanidiin.

DOORASHADA GUDDOONKA GOLAHA SODESCO.Dhammaan xubnaha golaha waxaan ku codsanaynaa in ay ka soo qaybgalaan doorashada gud...
02/10/2025

DOORASHADA GUDDOONKA GOLAHA SODESCO.

Dhammaan xubnaha golaha waxaan ku codsanaynaa in ay ka soo qaybgalaan doorashada guddoonka golaha SODESCO, taas oo muhiim u ah jiritaanka golaheenna.

Wixii faahfaahin ah hoos ka eeg:

GOOBTA: HOTEL WAAFI (Hall-ka dhexe)
TAARIIKHDA: 03- Oct- 2025 (Jimce)
GOORTA: 6:30 pm (Bacdal maqrib).

Innaa lilaahi waa inaa illeyhi raajicuun.Alle ha u naxariisto marxuun Maxamed Nuur Maxamed ( Cadood caamir)  samir iyo i...
07/09/2025

Innaa lilaahi waa inaa illeyhi raajicuun.

Alle ha u naxariisto marxuun Maxamed Nuur Maxamed ( Cadood caamir) samir iyo imaan buuxa alle haka siiyo dhamaaan qoyskii iyo qaraabadii si gaar ah Eng Abdikatir Aamir oo ka mid ah akhyaarta golaha.

Address

Manhal Street
Laascaanood

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Golaha Sodesco posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Golaha Sodesco:

Share