10/01/2026
Soomaalida cadaawad ayaa lagu dhex beeray, waxaana looga faa'idaystay qabiilladii yar-yaraa ee aweltoolaba lahayb-sooci jirey. Waxaa jira qabiillo ballaadhan, oo dhul ballaadhan haysta, qabiillo ballaadhan laakiin dalka kubaahsan, oon dhul gooniya haysan, qabiillo yar-yar oo dalka kubaahsan, dhul gooniyana aan haysan. Dawladdii Maxamed Siyaad waxay kor usoo qaadday qabiilladii latakooray, kuwii dhulka ballaadhan haystayna dhulka ayaa lagaliyey. Taasi cuqdad ayey abuurtay. Waxaa ladhacday in beelihii dhulka ballaadhan haystay qaarkood ay soojeediyeen nidaamka federaalka, si aanu dalku ukala tagin, qabiillada dhulka ballaadhna haystaana ay xornimo arrimahooda hoose ay helaan. Balse qabiilladii dalka kubaahsanaa, kuwii yaryaraa, iyo kuwii faa'iidada goonidaa kuhaystay dawlad dhexe oo xoog badan, sida Muqdisho, ayaa kahoryimid nidaamkii federaalka, oo burbur horleh ugaystay nidaamkii federaalka. Taas ayaa soocelisay dagaalkii sokeeye, nacaybkii beelaha dhexdooda, iyo in lakala tago, ama laga fikiro kalatagga. Waxyaabaha yaabka leh waxaa kamid ahaa, in ciidamadii Gorgor oo Turkigu tabobaray ay weerar cad kusoo qaadaan Raas kiyambooni oo dawlad goboleedka Jubbalayn ay xukunto, iyadoo AS ay haystaan gobalka shabeellada hoose oo Xamar kudheggan. Taasi waxay beddeshay fikirkii nidaamka federaalka, waxaana la arkay in dawladdii dhexe ay kashaqaynayso dano dawlado kaleeto, sida Turkiga oo doonayey inuu xoog kusoo galo jubbada hoose. Markaa xog ogaalnimo ayaa loobaahan yahay, inta qofku aanu jacaylkiisa kasheekayn. Somalia waa dal ballaadhan, nimcooyin farabadan ay kabuuxaan, beero iyo xoole leh. Badda intaas le'eg leh. Xaq umalahan iney gaajaysnaadaan. Dhibaato siyaasadeed ayaa inagu hareeraysan, markastana madaxweyne tuug ah ayaa dadka lagu cabburinayaa. Federaal haddii lawaayo, kalatag ayaa kuxiga. Waxaad ogaataa in Somalilayn ay heshiisyo qarsoodiya kula jirtay HSM iyo Ismaaciil cumar geelle, balse Cirro ayaa uga baxay heshiiskii.