Madasha Aqoon-Kaab

Madasha Aqoon-Kaab “Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynnin.”

— Hadraawi, Sirta Nolosha (1986).

HAMBALYO. Dhammaan xubnaha madasha Aqoon-kaab waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Mudane Cabdulaahi Khaliif Axmed oo ...
28/09/2026

HAMBALYO.

Dhammaan xubnaha madasha Aqoon-kaab waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Mudane Cabdulaahi Khaliif Axmed oo loo doortay guddoomiyaha madasha,ka dib markii guddoomiyihii h**e ee madasha uu safar uu aaday magaalada Muqdisho.

Waxaan Eebbe uga baryeynaa in uu xilkaa u fududeeyo kuna asturo.

Akhristayaal, waxaan idinku hambalyeynaynaa Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Akhrisqoraalka Adduunka, oo ku beegan maanta ...
08/09/2026

Akhristayaal, waxaan idinku hambalyeynaynaa Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Akhrisqoraalka Adduunka, oo ku beegan maanta oo kale sannad kasta. 🌍

Akhris-qoraalku waa furaha aqoonta iyo horumarka bulshada.

______________
Afhayeenka Madasha: Bashiir Maxamed Ibraahim.

Jimco 14-ka August 2026,  Alle mahaddii shalay galab waxaa xubnaha madasha Akhrisqoraalka  ee Aqoon-kaab u  qabsoomay ta...
15/08/2026

Jimco 14-ka August 2026, Alle mahaddii shalay galab waxaa xubnaha madasha Akhrisqoraalka ee Aqoon-kaab u qabsoomay tababbar aqooneed kaaso lagu faaqiday "Habdhigaalka af Soomaliga " tababbarkan oo uu soo jeedinayay Abwaan Maxamed Aadan Maxamed "Jarmal"(Maxamed Jarmal),oo ah Macallin ku xeel dheer Habdhigaalka af Soomaliga, muddana ku soo dhex jiray , ayaa ay xubnaha ka faa'ideen qodobbo muhiim ah oo tiir dhexaad u ah af Soomaliga.

Aad baan uga mahadcelineynaa Abwaan Jarmal sida quruxda badan ee uu mawduucaa u qaabeeyay iyo sida diirran ee uu inoogu faa'ideeyay aqoontiisa ku saabsan mawduucaa muhiimka ah.

________________
Af-hayeenka M. Aqoon-kaab: Bashiir Maxamed Ibraahim.

Hambalyo.Dhammaan xubnaha Madasha Aqoon-Kaab,waxay hambalyo u dirayaan Mudane 𝗔𝘅𝗺𝗲𝗱 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗔𝘅𝗺𝗲𝗱 ( 𝗔𝗹-𝗯𝗮𝗱𝗿𝗶), oo loo do...
08/07/2026

Hambalyo.

Dhammaan xubnaha Madasha Aqoon-Kaab,waxay hambalyo u dirayaan Mudane 𝗔𝘅𝗺𝗲𝗱 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗔𝘅𝗺𝗲𝗱 ( 𝗔𝗹-𝗯𝗮𝗱𝗿𝗶), oo loo doortay guddoomiyaha madasha.

Alle hakuu barakeeyo xilka, hana kuu fududeeyo gudashadiisa.
Hambalyo Guddoomiye.

Gorfeyn iyo Doorasho.Galabta oo ay taariikhdu ku beegneyd 07/07/2026,waxaa si habsami iyo hufnaan leh noogu qabsoomay ku...
07/07/2026

Gorfeyn iyo Doorasho.

Galabta oo ay taariikhdu ku beegneyd 07/07/2026,waxaa si habsami iyo hufnaan leh noogu qabsoomay kullankii billaha ahaa ee Madasha Aqoon-Kaab, kaas oo la isugu yimid gorfeynta buugga "Qaali Baad Tahay, Garo Qiimahaaga" iyo doorashada guddoomiyaha cusub ee madasha.

Kullanka ayaa waxaa si xeeldheer loogu lafaguray dulucda iyo dhambaalka uu xambaarsanaa buugga.

Geba-gebadii kullanku waxaa dhacday doorashadii sanadlaha ahayd ee madasha,taaso cod aqlabiyad leh loogu doortay Mudane Axmed Maxamed Axmed (Al-Badri).

Wabillaahi Tawfiiq.

Kullan marti-qaad.Sawirro qaybta 1aad.Waxaa si nabdoon innoogu qabsoomay kullan mahadnaq ah,looga mahad-celinaye dadkii ...
29/05/2026

Kullan marti-qaad.

Sawirro qaybta 1aad.

Waxaa si nabdoon innoogu qabsoomay kullan mahadnaq ah,looga mahad-celinaye dadkii ka shaqaynaaye baal-furka buuggii Qaali baad tahaye,garo qiimahaaga.

Casuumaddaan balaaran waxay ka timaaday qoraa Faadumo Bashiir Cabdulle,si ay ugu mahadceliso dadkii lafdhabarta u ahaa bandhiggii buuggeeda.

________________
Afahayeenka madasha: Mahado Daahir Cali.
Iimeyl: [email protected]
Taleefon: +613940017

Hambalyo.Guuleystaha buuggii  "Qaali baad tahaye,garo qiimahaaga" waxaa noqday Mohamed Hassan Abdullahi.Tartaankaan waxa...
27/05/2026

Hambalyo.

Guuleystaha buuggii "Qaali baad tahaye,garo qiimahaaga" waxaa noqday Mohamed Hassan Abdullahi.

Tartaankaan waxaa taabageliyay qoraaga buugga "Qaali baad tahaye,garo qiimaahaaga" Fadumo Bashiir Abdulle.

Hambalyo,Hambalyo saaxiib Maxamed,waxaa dhawaan ku soo gaari doona buugga iyo saxiixa qoraayaddaba.

Aad bay u mahadsan yihiin dhammaan bahweynta innagu xiran ee mar walba u tartama buuggaagta aynu soo dhigno mareegtaan.

Madasha Aqoon-Kaab
"Akhris baa aqoon lagu hantaa."

________________
Afahayeenka madasha: Mahado Daahir Cali.
Iimeyl: [email protected]
Taleefon: +613940017

TARTAN IYO BUUG.Munaasabadda ciidda  awgeed waxay madasha Aqoon-kaab idin qabaneysaa barnaamijkii Tartan iyo buug,kalkii...
26/05/2026

TARTAN IYO BUUG.

Munaasabadda ciidda awgeed waxay madasha Aqoon-kaab idin qabaneysaa barnaamijkii Tartan iyo buug,kalkii 7aad.

Kalkaan waxaa lagu tartami doona buugga "Qaali baad tahaye,garo qiimahaaga" ee ay qortay Fadumo Bashiir Abdulle ,oo dhawaan lagu soo bandhigay magaalada kismaayo taarikhdu markay ahayd 16/06/2026.

Shuruudaha Tartanka:-

1. Bogga madasha Waa In aad Follow dhahdaa haddii uuna h**e kugu ahayn.

2. Waa in aad Like Saarto,share-na dheh postiga.

3. Faalladaadu( Comment-gaagu) Waa In Ay oogu Reaction ( Falcelin) Badataa.

4. Hab-qoraalkaaga waa Inuu wanaagsan yahay.

F.G: Tartanku wuxuu socon doonaa 24 saac.

Madasha Aqoon-kaab.
Akhris baa aqoon lagu hantaa.

𝑁𝘈𝑆𝘐𝐼𝘉 𝘞𝐴𝘊𝐴𝘕.

Ciidul-adxaa Mubaarak.🐏Madasha Aqoon-Kaab  waxay hambalyo  u diraysaa dhammaan ummaddaha Muslimiinta, gaar ahaan shacabk...
26/05/2026

Ciidul-adxaa Mubaarak.🐏

Madasha Aqoon-Kaab waxay hambalyo u diraysaa dhammaan ummaddaha Muslimiinta, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed, munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxaa awgeed.

Alle ha naga aqbalo acmaashii wanaagsanayd, ducadii iyo cibaadadii aan soo gudannay malmihii 10ka ahaa ee kheyrka badnaa.

Ciiddaan iyo ciiddeeda Alle ha inagu gaarsiiyo nabad iyo caafimaad.

Farxad ku ciida, Ciid wanaagsan! 🐏

𝐃𝐮𝐜𝐚𝐝𝐚 𝐔𝐠𝐮 𝐤𝐡𝐚𝐲𝐫𝐤𝐚 𝐛𝐚𝐝𝐚𝐧 Maanta.Rasuulka ﷺ wuxuu dhahay:Ducada ugu kheyr badan waa ducada Maalinta Carafo, waxaana ugu k...
26/05/2026

𝐃𝐮𝐜𝐚𝐝𝐚 𝐔𝐠𝐮 𝐤𝐡𝐚𝐲𝐫𝐤𝐚 𝐛𝐚𝐝𝐚𝐧 Maanta.
Rasuulka ﷺ wuxuu dhahay:
Ducada ugu kheyr badan waa ducada Maalinta Carafo, waxaana ugu kheyrka badan oo aan dhahnay aniga iyo nabiyadii iga horreeyay waa:

لَا إِلَٰهَ إِلَّا اللَّهُ وَحْدَهُ لَا شَرِيكَ لَهُ، لَهُ الْمُلْكُ وَلَهُ الْحَمْدُ وَهُوَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ.

Address

Guulwade
Kismayo

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Madasha Aqoon-Kaab posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Madasha Aqoon-Kaab:

Shortcuts

Share