Kaalmo Community Welfare

Kaalmo Community Welfare The Kaalmo Community Welfare (KAALMO) is a non-profit, non-governmental organization dedicated to uplifting the quality of life for communities in Somalia.

Guddoomiyaha Hay’adda Kaalmo Community Welfare Mudane Iidle Aadan Mahamed ayaa hambalyada Ciidul Fidriga u diray dhammaa...
19/03/2026

Guddoomiyaha Hay’adda Kaalmo Community Welfare Mudane Iidle Aadan Mahamed ayaa hambalyada Ciidul Fidriga u diray dhammaan ummadda Muslimiinta meel walboo ay joogaan gaar ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

EID MUBARAK

Hay‘adda Kaalmo oo Deeq Raashin Gaarsiisay 120 Qoys oo danyar oo Nolol adag ku wajahaayay deegaanka Bilicsan ee duleedka...
01/03/2026

Hay‘adda Kaalmo oo Deeq Raashin Gaarsiisay 120 Qoys oo danyar oo Nolol adag ku wajahaayay deegaanka Bilicsan ee duleedka magaalada Kismaayo.

Hay‘adda daryeelka bulshada ee Kaalmo oo waddo dadaalkeeda naf badbaadinta ee Raashin qeybinta bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa deeq raashin ah gaarsiisay 120 qoys oo ay si daran u saameysay abaarta ka jirta dalka, kuwaas oo kunool deegaanka Bilicsan ee duleedka magaalada Kismaayo.

Deeqdan ayaa timid xilli ay qoysas badan oo dalka ah la daalaa dhacayaan nolol adag oo ka dhalatay roob la’aan soo noq noqatay, taas oo sababtay biyo yari iyo hoos u dhac ku yimid wax soo saarkii beeraha iyo xoolaha ee deegaanka.

Gudoomiyaha Hay’adda daryeelka bulshada ee Kaalmo Samafale Iidle Aadan Mahamed ayaa sheegay in hay’addu ay sii wadi doonto gurmadka iyo taageerada ay u fidinayso bulshada tabaaleysan iyadoo qorshaheedu yahay iney raashin gaarsiiso ilaa iyo 2000 oo Qoys, Wuxuu sidoo kale ugu baaqay bulshada iyo ganacsatada inay ka qeyb qaataan taageerada walaalahooda abaartu saameysay.

Hay‘adda Kaalmo oo Deeq Raashin Gaarsiisay danyarta duleedka magaalada Baydhabo. Hay‘adda daryeelka bulshada ee Kaalmo a...
23/02/2026

Hay‘adda Kaalmo oo Deeq Raashin Gaarsiisay danyarta duleedka magaalada Baydhabo.

Hay‘adda daryeelka bulshada ee Kaalmo ayaa 100-kii Qoys ee labaad gaarsiisay deeq raashin dadka danyarta ee abaarta saameysay ee kunool duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Bay.

Deeqda oo isugu jirto raashinka noocyadiisa kala duwan ayaa loogu talagalay iney afur ka dhigtaan dadka ay xoolaha ka dhamaadeen ee kunool duleedka Baydhabo.

Hay‘adda daryeelka bulshada ee Kaalmo oo kaashaneyso walaalaha Muxsiniinta ee ku xiran iyo Samafale Mahamed Abdisalaan (Kaariye) ayaa deeqdaasi gaarsiisay danyarta abaarta saameysay ee kunool duleedka magaalada Baydhabo.

Hay‘adda Kaalmo oo Deeq Raashin ah Gaarsiisay Isbitaalka Dhimirka Xabeeb ee Magaalada Kismaayo.Iyadoo lagu guda jiro 10-...
23/02/2026

Hay‘adda Kaalmo oo Deeq Raashin ah Gaarsiisay Isbitaalka Dhimirka Xabeeb ee Magaalada Kismaayo.

Iyadoo lagu guda jiro 10-ka h**e ee bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa Hay’adda Daryeelka bulshada ee Kaalmo waxay deeq raashin oo afurin ah gaarsiisay Isbitaalka Dhimirka Xabeeb ee magaalada Kismaayo, halkaas oo ay ku jiraan bukaano qaba xanuunka dhimirka ama maskaxda ah.
Deeqdan ayaa loogu talagalay taageeridda bukaannada iyo shaqaalaha xarunta inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, waxayna ka koobnayd raashinka noocyadiisa iyo qudaartii ay ku karsan lahaayeen.

Ugu dambeyn, deeqdan afurin ayaa noqotay mid farxad gelisay bukaannada iyo shaqaalaha xarunta, waxayna tusaale u tahay doorka ay Hay’adda Daryeelka bulshada ee Kaalmo ka qaadan karto daryeelka dadka u baahan taageerada gaarka ah.

06/02/2026

Alxamdu-lillaah waxaa Maanta inoo suurta galay Xarigjarka Ceelkii-Biyoodkii 8aad ee aan u qodnay Wallaalaha ay abaaraha Saamaysay.

Address

Mohamed Yussuf House, Allanley Street
Kismayo

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Kaalmo Community Welfare posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share