17/06/2026
π
Aqoonsiga iyo Shahaado-siinta 30-ka Xiriiriye ee Wadahadaladda Joohtada ah β Kismaayo π
Gunaanadkii munaasabad lagu soo xirayey wadahadalada joogta ah ee lagu qabtay Kismaayo shalay (16 Juun 2026), waxaa shahaadooyin lagu guddoonsiiyay 30 xiriiriye (15 dumar ah iyo 15 rag ah) kuwaas oo si guul leh u hoggaamiyay una fududeeyay geeddi-socodka Wadahadaladda Joogtada ah.
Muddo toddobo bilood ah, xiriiriyayaasha ayaa hagay 15 kooxood oo wada-hadal ah, kuwaas oo midkiiba ka koobnaa 12 ka-qaybgale. Waxay si guul leh u maamuleen 210 kulan oo wada-hadal ah, iyadoo koox walba ay qabatay 14 kulan.
Guushan weyn waxay ka tarjumaysaa dadaalka, hoggaaminta, iyo xirfadaha dhexdhexaadinta ee ay muujiyeen, kuwaas oo door muhiim ah ka qaatay abuurista jawi ammaan ah oo wada-hadal, isfaham, iyo wada-noolaansho lagu xoojiyo.
Shahaadooyinkani waxay aqoonsi u yihiin doorka muuqda ee ay ka qaateen kobcinta nabadda, ka-qaybgalka dhallinyarada, iyo horumarinta wadajirka bulshada. Sidoo kale, waxay astaan u yihiin dhismaha jiil cusub oo dhallinyaro ah oo leh aqoon iyo karti ay ku hoggaamiyaan wada-hadallo wax ku ool ah kana qayb qaataan xal u helidda caqabadaha bulshada.
Waxaan hambalyo u diraynaa dhammaan 30-ka xiriiriye guushan muhiimka ah, waxaana uga mahadcelinaynaa kaalintooda qiimaha leh ee ku aaddan u beddelidda wada-hadalka ficil iyo xoojinta nabadda waarta.