Horn Unity Development

Horn Unity Development Horn Unity Development is an organization that serves social issues especially for the youth.

Jimce wanaagsan
16/01/2025

Jimce wanaagsan

"Hammiga dhalinyaradu waa guusba nolasha" waa taswiirta halkan taal. Muhiimadu waa in dhalinyarada la garab istaago si a...
11/01/2025

"Hammiga dhalinyaradu waa guusba nolasha" waa taswiirta halkan taal. Muhiimadu waa in dhalinyarada la garab istaago si aan guusha nolasha mida waddan iyo waliba aan dhahee quruxda qoysas-keena. (HORN UNITY DEVELOPMENT) Waa garab siiyaha dhalinyarada iyo wehel u muujiyaha Dadka nugul.

1-xirfadaha
2-dhisida waxbarashada haweenka
3-taageerida shaqo abuurka
4- kor u qaadida aqoonta iyo bilacada waddnka (Caasimada)

Xafiiska warbaahinta ee Ururka

Dharaar uu walwal ku fuulay, waayahaaga laabta haku haysanne walaalka la qaybso! "HORN UNITY DEVELOPMENT ", Waa wehelkaa...
11/01/2025

Dharaar uu walwal ku fuulay, waayahaaga laabta haku haysanne walaalka la qaybso! "HORN UNITY DEVELOPMENT ", Waa wehelkaaga dhalinyar-nimo.
1- xirfado
2-aqoonta haweenka
3-taageerida dhaqaalaha
4-kor uqaadista wadaniyada (Caasimada)

Xafiiska warbaahineed ee Ururka

10/01/2025

Matahay xirfad doon?
Ma tahay shaqo raadis?

Kaaley iska dhex arrag liiska cusub ee 2025

10/01/2025

"Maxay kula tahay muhiimadda xirfadaha isgaarsiinta ee dhalinyarada maanta? Sidee ayaad u horumarisaa xirfadahaaga isgaarsiinta?

Xirfadda isgaarsiintu waa furaha guusha qof iyo bulsho. Horn Unity Development wuxuu ku dhiirrigeliyaa dhalinyarada inay horumariyaan xirfadahooda si ay u noqdaan hoggaamiyeyaal bulshadooda wax ku ool ah. Tababarada iyo fursadaha aan siino, waxaan ku aaminsanahay in isgaarsiin wanaagsan ay tahay wadada horumarka.

"

10/01/2025

"Horn Unity Development waxay hiigsanaysaa kor u qaadista dhalinyarada iyo horumarinta bulshada, iyagoo isku xidhaya kartida iyo hal-abuurka jiilasha si loo abuuro mustaqbal ifaya."

Xafiiska warbaahinta

Ma arragtey heerka class ka aqooneed oo hooseeya?Ma ogaatey inaad tallo u baahan tahay?Ma isku daydey inaad tallo raadis...
07/01/2025

Ma arragtey heerka class ka aqooneed oo hooseeya?
Ma ogaatey inaad tallo u baahan tahay?
Ma isku daydey inaad tallo raadis sameyso?

Halkan waa Horn Unity Development, oo aad u garrab taagan dhallinyarada. Kala soco tallooyin ku saabsan xirfaha(skills)

7 Caadooyinka waxbarasho si ay ugu horumaraan ardeydu 99%

1- Deji himilooyin gaar ah
Qeex haddaf cad oo la gaari karo fadhi kasta oo waxbarasho,ogaan shaha waxaad rabto inaad fuliso waxay kor u qaadaysaa dhiirigelinta waxayna kuu ilaalineysaa inaad diirada saarto. U kala jabi yoolalka waaweyn hawlo yar yar oo kala fulin karo.

2- Abuur jadwal joogto ah
Samee jadwal waxbarasho oo maalinle ah, joogteyntu waxay ku tababartaa maskaxdaada inay noqoto mid wax soo saar leh wakhtiyo gaar ah waxayna yareysaa dub u dhigista. Ku daji jadwalkaaga, xitaa haddii ay tahay wakhtiyo gaaban.

3- Xasuusinta ficilka sarre
Intii aad dib u arkhrin laheyd qoraalada tijaabi naftaada. Xasuusta firfir cooni waxay xoojisaa iyada oo maskaxda ku qasbeysa inay soo saarto macluumaad.

4- Mudnaanta maamulka wakhtiga
Isticmaal farsamooyinka maareynta wakhtiga sida, Eisenhower matrix si aad diirada u saarto waxa muhiimka ah.

5- Raadi caddeynta fikirka
Kaliya ha xasuusan faham fikradaha. Markaad si dhab ah u fahamto mawduuc waxaad si fudud u sameyn kartaa inaad xasuusato ood cod sato imtixaanada.

6- isku habeysan
Hayso qalabkaaga waxbarasho, qoraalad iyo qalabkaaga haveysan goobta waxbarasho ama shaqo markaa waxay kuu sahleysaa inaad diirada saarto ama aad si niyad sami ah u dajiso qorshahaaga.

7- Adigu ku dar markaad soo wada akhriday lixdaa.

Xafiiska warbaahineed ee Ururka.

Yurub, gaar ahaan Midowga Yurub, waxaa loo arkaa mid ka mid ah gobollada ugu barwaaqada badan adduunka. Si kastaba ha ah...
04/01/2025

Yurub, gaar ahaan Midowga Yurub, waxaa loo arkaa mid ka mid ah gobollada ugu barwaaqada badan adduunka. Si kastaba ha ahaatee, in kasta oo barwaaqadani jirto, dhalinyaro badan oo ku sugan xuduudaheeda ayaa wajahaya hoos u dhac sii kordhaya ee fayoobida, iyadoo ay sii kordhayaan welwelka laga qabo caafimaadka maskaxda.

Hay’ad samafal oo fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska oo lagu magacaabo The Children Society ayaa sanadkan soo saartay warbixin ay ku eegayso xaaladda dhalinyarada UK iyo sida ay u barbar dhigaan kuwa Yurub.

Xir xayaysiis
Warbixinta Dhallinyqrada Wanaagsan ee 2024 waxay ogaatay in, celcelis ahaan, 16.6 boqolkiiba dhalinyarada Yurub aysan ku qanacsanayn noloshooda, taas oo u dhiganta qiyaastii mid ka mid ah lixdiiba qaarada.

Ururka Horn Unity Development mar walba waa garab siiyaha dhallinyarada kaas oo jecel hurumarkooda isla sidaas oo kalena jecel inaan loo amaanin dhallinyaro wadamo kale ayuu rabbaa inuu halkan idinku soo gudbiyo takhasuska dhallinyarnimo.

Xafiiska warbaahinta Ururka.

Ururkan oo hawlihiisa shaqo ay ka mid yihiin wax ka bedelka, kor u qaadida iyo bilicda caasimada Somaliland iyo waliba c...
04/01/2025

Ururkan oo hawlihiisa shaqo ay ka mid yihiin wax ka bedelka, kor u qaadida iyo bilicda caasimada Somaliland iyo waliba caasimada gobolada Somaliland ayaa ku amaanaya dawlada hoose ee Hargeysa waxqabad muuqda oo la taaban karo oo ay ka fulisay deegaankan.

Address

Hargeysa

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Horn Unity Development posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share