19/10/2026
Hayโadda ayaa sannadkan maalgelin dhan $15,000 u samaysay 50 haween ah, oo leh ganacsiyo soo koraya, si kor loogu qaado awooddooda ganacsi, loona taageero horumarinta ganacsiyadooda.
Riyo Minorities Development Organization R-MIDO, iyadoo ka duulaysa natiijooyinkii xog-ururin ay h**e ugu samaysay 100 haween ah oo ganacsiyo yaryar ku leh suuqyada Hargeysa, ayaa 10 ka mid ah haweenkaas u gudbisay fursadaha taageero iyo horumarineed ee ay bixisay Hayโadda SOS. Tallaabadani waxay qayb ka tahay dadaallada R-MIDO ee ku salaysan xogta cilmi-baadhista.
Intaa waxaa dheer, dhamaan 50ka haweenka ah, ayaa la siiyaay tababar afar maalmood ah oo lagu baranayey xirfadaha ganacsiga iyo horumarinta awooddooda ganacsi, iyadoo furitaanka tababarka uu afka ururka R-MIDO ku matalayey Liban Mohamed Dhagaweyne .
Tababarka kaddib, shalay ayaa dhamaantood la guddoonsiiyey maalgelintii oo bilaa dulsaar ah, taas oo loogu talagalay inay ku kobciyaan ganacsiyadooda. Waxa kale oo loo ballanqaaday in si joogto ah loola socon doono xaaladda iyo horumarka ganacsiyadooda, isla markaana il gaar ah lagu hayn doono si loo xaqiijiyo in taageeradu kaalin muuqata ka qaadato kobocooda ganacsi.
R-MIDO waxa ka goโan kobcinta iyo kor u qaadista ganacsi-abuurka haweenka minorities ah iyo dhallinyarada leh hal-abuur ganacsi, iyada oo xoogga saaray sa taageeridda ganacsiyada soo koraya iyo dhiirrigelinta isku-filnaanshaha dhaqaale.