24/12/2025
Xubno ka tirsan Ururka Ardayda Jaamacadaha Somaliland (SUSA), oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha SUSA, Mudane Maxfuud Axmed, kana mid yihiin Agaasimaha Ibrahim Khadar Adan ,Xoghayaha SUSA Abdikariim mustafa hassan iyo Guddoomiyeyaasha jaamacadaha kala duwan ee xubnaha ka ah SUSA, ayaa helay martiqaad rasmi ah oo kaga yimid Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha iyo Arrimaha Qoyska.
Kulankaasi waxa uu ahaa mid muhiim ah, nuxurkiisuna ahaa sidii Wasaaraddu uga faa’iidaysan lahayd talooyinka iyo aragtiyada ardayda jaamacadaha, gaar ahaan kuwa la xidhiidha horumarinta dhalinyarada. Waxa si gaar ah diiradda loo saaray Mashruuca KAABE, oo ah mashruuc qaran oo lagu abuurayo shaqooyin gaadhaya 3,000 oo dhalinyaro ah.
Ururka SUSA waxa uu kulanka ka jeediyay warbixin dhammeystiran iyo talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan hababka ugu habboon ee dhalinyarada loo maalgelin karo, si ay uga qayb qaataan shaqo-abuur waara, kobcinta xirfadaha, iyo horumarinta dhaqaalaha. Sidoo kale, SUSA waxay muujisay diyaarinteeda ah in ay si dhow ula shaqeyso Wasaaradda, si loo xaqiijiyo in Mashruuca KAABE si hufan, caddaalad ah, isla markaana loo wada siman yahay uga faa’iideeyo dhalinyarada jaamacadaha Somaliland.