18/09/2026
π
September 16=17, 2026
π Serene Sarovar Premiere Hargeisa
Waxaa sharaf noo ah SMART Youth Leadership Council in aanu ka qaybgalnay Shirweynihii 2aad ee Ganacsatada Yaryar, Kuwa Dhexe iyo Iskaashatooyinka Somaliland.
Maamulka Smart Youth Leadership Council - SYLC (SYLC) ayaa si firfircoon uga qaybgalay Shirweynihii 2aad ee Ganacsatada Yaryar, Kuwa Dhexe iyo Iskaashatooyinka Somaliland, oo 16β17 September 2026 lagu qabtay Hargeysa.
Shirku waxa uu isu keenay Maamulka Dawladda, ganacsatada, hayβadaha maaliyadeed, hayβadaha horumarinta iyo daneeyayaasha kale, iyadoo diiradda lagu saaray helitaanka suuqyada, maalgelinta, digitalization-ka, kobcinta qganacsiyada iyo abuurista fursadaha shaqo ee dhalinyarada.
Maamulka ayaa ka qayb qaatay doodaha wada-hadallada ku saabsan sidii dhalinyarada iyo guud ahaanba Ganacsatada Yaryar, Kuwa Dhexe iyo Iskaashatooyinka loogu abuuri lahaa fursado dhaqaale, hal-abuur ganacsi iyo ka qaybgal firfircoon oo ay ku yeeshaan horumarinta dhaqaalaha Somaliland.
Shirweynuhu waxa uu soo saaray 11 qodob oo muhiim ah oo lagu xoojinayo jawiga ganacsiga iyo kobcinta iyo iskaashatooyinka.
waxa ay aaminsan tahay in dhalinyaro awood dhaqaale leh, ganacsi hal-abuur leh iyo suuqyo furan ay yihiin tiir muhiim u ah horumarka iyo mustaqbalka Somaliland.