Sahan Health Organization

Sahan Health Organization Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Sahan Health Organization, Non-Governmental Organization (NGO), Hargeisa.

(Sahan Health Organization) ✨
Hay’ad bulsho oo u heellan horumarinta caafimaadka, Sidaas darteed, waxaan si joogto ah u qabanaa:
✅ Tobabaro caafimaad
✅ Wacyigelin
✅ Barnaamijyo caafimaad
✅ Cilmi-baaris caafimaad
✅ Dadaallo iskaa wax u qabso ah

𝐂𝐈𝐈𝐃 𝐌𝐔𝐁𝐀𝐑𝐀𝐊 𝐒𝐚𝐡𝐚𝐧 𝐡𝐞𝐚𝐥𝐭𝐡 𝐎𝐫𝐠𝐚𝐧𝐢𝐳𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧 waxay munaasibadda barakaysan ee Ciidul Adxa awgeed hambalyo iyo bogaadin u diray...
26/05/2026

𝐂𝐈𝐈𝐃 𝐌𝐔𝐁𝐀𝐑𝐀𝐊

𝐒𝐚𝐡𝐚𝐧 𝐡𝐞𝐚𝐥𝐭𝐡 𝐎𝐫𝐠𝐚𝐧𝐢𝐳𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧 waxay munaasibadda barakaysan ee Ciidul Adxa awgeed hambalyo iyo bogaadin u dirayaan dhammaan ummadda Muslimiinta ah gaar ahaan shacabka Somaliland.

𝐖𝐚𝐱𝐚𝐲𝐧𝐮 𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐤𝐚 𝐛𝐚𝐫𝐲𝐚𝐲𝐧𝐚𝐚 inuu sanadkan sanadkiisa innagu gaadhsiiyo 𝑪𝒂𝒂𝒇𝒊𝒎𝒂𝒂𝒅, 𝑵𝒂𝒃𝒂𝒅, 𝑩𝒂𝒓𝒘𝒂𝒂𝒒𝒐 iyo 𝑪𝒊𝒎𝒓𝒊 𝒅𝒉𝒆𝒓𝒆𝒓.

Ciidani ha inoo noqoto mid farxad, is jacayl, walaaltinimo iyo isu naxariisasho ku dheehan tahay.

“𝑪𝒂𝒂𝒇𝒊𝒎𝒂𝒂𝒅 𝒊𝒚𝒐 𝑭𝒂𝒓𝒙𝒂𝒅 𝒌𝒖 𝒄𝒊𝒊𝒅𝒂.”

Sahan Health Organization ✍️

𝐐𝐚𝐲𝐛𝐭𝐚 3𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐒𝐚𝐰𝐢𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐏𝐅𝐀 𝐓𝐫𝐚𝐢𝐧𝐢𝐧𝐠.
23/05/2026

𝐐𝐚𝐲𝐛𝐭𝐚 3𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐒𝐚𝐰𝐢𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐏𝐅𝐀 𝐓𝐫𝐚𝐢𝐧𝐢𝐧𝐠.

𝐐𝐚𝐲𝐛𝐭𝐚 2𝐚𝐚𝐝 𝐄𝐞 𝐬𝐚𝐰𝐢𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐏𝐅𝐀 𝐓𝐫𝐚𝐢𝐧𝐢𝐧𝐠.
23/05/2026

𝐐𝐚𝐲𝐛𝐭𝐚 2𝐚𝐚𝐝 𝐄𝐞 𝐬𝐚𝐰𝐢𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐏𝐅𝐀 𝐓𝐫𝐚𝐢𝐧𝐢𝐧𝐠.

𝐏𝐘𝐒𝐂𝐇𝐎𝐋𝐎𝐆𝐈𝐂𝐀𝐋 𝐅𝐈𝐑𝐒𝐓 𝐀𝐈𝐃 (𝐏𝐅𝐀 𝐏𝐑𝐎𝐆𝐑𝐀𝐌)Maanta oo ay tariikhdu tahay 22 𝐦𝐚𝐲 2026, waxa ururka 𝐒𝐚𝐡𝐚𝐧 𝐇𝐞𝐚𝐥𝐭𝐡 𝐎𝐫𝐠𝐚𝐧𝐢𝐳𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧 uu ...
22/05/2026

𝐏𝐘𝐒𝐂𝐇𝐎𝐋𝐎𝐆𝐈𝐂𝐀𝐋 𝐅𝐈𝐑𝐒𝐓 𝐀𝐈𝐃 (𝐏𝐅𝐀 𝐏𝐑𝐎𝐆𝐑𝐀𝐌)

Maanta oo ay tariikhdu tahay 22 𝐦𝐚𝐲 2026, waxa ururka 𝐒𝐚𝐡𝐚𝐧 𝐇𝐞𝐚𝐥𝐭𝐡 𝐎𝐫𝐠𝐚𝐧𝐢𝐳𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧 uu qabtay tababar muhiim ah oo ku saabsan 𝐏𝐲𝐬𝐜𝐡𝐨𝐥𝐨𝐠𝐢𝐜𝐚𝐥 𝐅𝐢𝐫𝐬𝐭 𝐀𝐢𝐝 (𝐏𝐅𝐀) ama gargaarka nafsiyadeed.

Tababarka waxa lagu qabtay 𝐀𝐫𝐚𝐛𝐬𝐢𝐨 𝐋𝐢𝐛𝐫𝐚𝐫𝐲, waxaana jeediyay laba khabiir oo aqoon iyo waayo-aragnimo leh, kuwaas oo kala ah Ustaad Abdirahman Sameeco iyo Dr. Dr. Mascuud Dadaal oo nooga yimi 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐓𝐨𝐠𝐝𝐡𝐞𝐞𝐫 si uu noogala qayb qaato barnaamijkan oo uu waayo-aragnimadisa noola wadaago.

Tababarkan waxa uu diiradda saaray sidii bulshada loo fahamsiin lahaa habka loo taageero dadka la kulma xaaladaha adag, dhibaatooyinka nafsiga ah iyo xaaladaha degdega ah ee u baahan garab istaag nafsiyeed.

Alxamdulilaah, barnaamijku waxa uu noogu soo dhammaaday si wanaagsan, tolmoon iyo aqoon korodhsi leh.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinaynaa 𝑴𝒂𝒓𝒕𝒊𝒅𝒊𝒊, 𝑷𝒂𝒏𝒂𝒍𝒔-𝒌𝒊𝒊, 𝒊𝒚𝒐 Danside Youth Organization oo nala qabtay tababarka isla markaana nagala qayb qaatay qabsoomida tababarka, ururka 𝑫𝒂𝒏𝒔𝒊𝒅𝒆 𝑰𝒚𝒐 𝑺𝒂𝒉𝒂𝒏 waa laba urur oo saaxiibtinimo iyo wadashaqayn wanaagsan leh oo ka dhex muuqda ururada arimaha bulshada.

waxay ka midaysan yihiin mabda'a ah "𝐆𝐚𝐜𝐦𝐨 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐣𝐢𝐫𝐛𝐚𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐥 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐚"

_______𝐀𝐋𝐋𝐄 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇______

20 May 2026 waxaa si rasmi ah uga qabsoomay hoolka Jaamacadda Frants Fanon barnaamij muhiim ah oo ku saabsanaa Women Men...
20/05/2026

20 May 2026 waxaa si rasmi ah uga qabsoomay hoolka Jaamacadda Frants Fanon barnaamij muhiim ah oo ku saabsanaa Women Mental Wellness, kaasi oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Ururka SAHAN Health Organization iyo Jaamacadda Frants Fanon.

Barnaamijkan wuxuu diiradda saaray kor u qaadidda caafimaadka dhimirka haweenka, wacyigelinta bulshada, iyo muhiimadda taageerada nafsiyeed ee gabdhaha iyo haweenka bulshada ku dhex nool. Waxaa kasoo qaybgalay arday, aqoonyahanno, dhalinyaro, iyo marti sharaf kala duwan oo xiisaynayay arrimaha caafimaadka dhimirka.

Kulanka waxaa lagu soo bandhigay doodo, talooyin, iyo wacyigelin la xidhiidha daryeelka caafimaadka maskaxda, xallinta culaysyada nolosha, iyo sida bulshada looga abuuri karo deegaan taageero u noqda haweenka. Sidoo kale waxaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in caafimaadka dhimirka loo arko arrin mudnaan leh oo u baahan faham, taageero, iyo wada shaqayn bulsho.

Ururka SAHAN Health Organization iyo Jaamacadda Frants Fanon waxay uga mahadceliyeen dhammaan kasoo qaybgalayaashii, martidii, iyo cid kasta oo gacan ka geysatay hirgelinta barnaamijkan qiimaha badan.

“Caafimaadka dhimirku waa aasaaska nolol caafimaad qabta iyo bulsho xooggan.”

𝐖𝐎𝐌𝐄𝐍'𝐒 𝐌𝐄𝐍𝐓𝐀𝐋 𝐖𝐄𝐋𝐍𝐄𝐒𝐒 𝐏𝐑𝐎𝐆𝐑𝐀𝐌👇𝗦𝗮𝗵𝗮𝗻 𝗛𝗲𝗮𝗹𝘁𝗵 𝗢𝗿𝗴𝗮𝗻𝗶𝘇𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻 oo kaashanaysa 𝗙𝗿𝗮𝗻𝘁𝘇 𝗙𝗮𝗻𝗼𝗻 𝗨𝗻𝗶𝘃𝗲𝗿𝘀𝗶𝘁𝘆 waxay qabanaysaa barnaam...
18/05/2026

𝐖𝐎𝐌𝐄𝐍'𝐒 𝐌𝐄𝐍𝐓𝐀𝐋 𝐖𝐄𝐋𝐍𝐄𝐒𝐒 𝐏𝐑𝐎𝐆𝐑𝐀𝐌👇
𝗦𝗮𝗵𝗮𝗻 𝗛𝗲𝗮𝗹𝘁𝗵 𝗢𝗿𝗴𝗮𝗻𝗶𝘇𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻 oo kaashanaysa 𝗙𝗿𝗮𝗻𝘁𝘇 𝗙𝗮𝗻𝗼𝗻 𝗨𝗻𝗶𝘃𝗲𝗿𝘀𝗶𝘁𝘆 waxay qabanaysaa barnaamij muhiim ah oo ku saabsan caafimaadka maskaxda haweenka (Women's mental wellness).

Barnaamijkan waxa diiradda lagu saaraya:
1. Fahamka caafimaadka maskaxda haweenka
2. Ka hortagga walbahaarka iyo niyad jabka
3. Daryeelka nafta iyo xoojinta kalsoonida dumarka

Waa wacyigelin caafimaad oo ay bixinayaan khubaro ku takhasustay mental health.

𝑺𝒐𝒐 𝒋𝒆𝒆𝒅𝒊𝒚𝒂𝒚𝒂𝒂𝒔𝒉𝒂 𝒃𝒂𝒓𝒏𝒂𝒂𝒎𝒊𝒋𝒌𝒂

1. Juweria Abdirahman Hussein - (𝘾𝙡𝙞𝙣𝙞𝙘𝙖𝙡 𝙥𝙨𝙮𝙘𝙝𝙤𝙡𝙞𝙜𝙞𝙨𝙩)
2. Suhaib Abdihakem Hussein - (𝙈𝙚𝙣𝙩𝙖𝙡 𝙝𝙚𝙖𝙡𝙩𝙝 𝙖𝙙𝙫𝙤𝙘𝙖𝙘𝙮)
𝙂𝙤𝙤𝙧𝙩𝙖: Arbaca 20 May 2026
𝙒𝙖𝙦𝙩𝙞𝙜𝙖: 4:00 PM
𝙂𝙤𝙤𝙗𝙩𝙖: Hoolka Frantz Fanon University.

𝐇𝐀𝐌𝐁𝐀𝐋𝐘𝐎 𝐒𝐇𝐀𝐂𝐀𝐁𝐊𝐀 𝐉𝐀𝐌𝐇𝐔𝐔𝐑𝐈𝐘𝐀𝐃𝐀 𝐒𝐎𝐌𝐀𝐋𝐈𝐋𝐀𝐍𝐃🤝18-𝒌𝒂 𝒎𝒂𝒚 waa maalinta dib ula soo noqoshada madaxbannaanidii aynu luminay san...
17/05/2026

𝐇𝐀𝐌𝐁𝐀𝐋𝐘𝐎 𝐒𝐇𝐀𝐂𝐀𝐁𝐊𝐀 𝐉𝐀𝐌𝐇𝐔𝐔𝐑𝐈𝐘𝐀𝐃𝐀 𝐒𝐎𝐌𝐀𝐋𝐈𝐋𝐀𝐍𝐃🤝

18-𝒌𝒂 𝒎𝒂𝒚 waa maalinta dib ula soo noqoshada madaxbannaanidii aynu luminay sannadkii 1960-kii markii aynu si shuruud la’aan ah ula midownay Soomaaliya.

Maalintani waa astaan qaran iyo go’aan shacab oo muujiyay awoodda ummadda Somaliland ee ay dib ugu hanatay jiritaankeeda iyo masiirkeeda.

18-ka May waxay sidoo kale ina xasuusinaysaa maalintii aynu dawladnimadeenna ku yagleelnay magaalada Burco ee Gobolka Togdheer, halkaas oo taariikh cusub oo qaranimo ahi ka bilaabatay Kuna Soo gaadhnay halkan inagoo ah qaran la aqoonsanyay.

18-ka May waa maalin aynu ku xusno halgan qadhaadh oo dheer, halgan ay geesiyaal badan naftooda iyo maalkooda u hureen si Somaliland u hesho xoriyad, dawladnimo iyo mustaqbal ay iyadu hoggaamiso.

"𝐀𝐐𝐎𝐎𝐍𝐒𝐈 𝐈𝐘𝐎 𝐀𝐃𝐊𝐀𝐘𝐒𝐈"

Alle ha inoo siyaadiyo nabada, qaranimada iyo wada jirka dalkeena iyo dadkeena.

Ururka Sahan Health Organization waxa uu shalay oo taariikhdu ahayd 13ka may 2026 wacyigelin caafimaad u qabtay ardayda ...
14/05/2026

Ururka Sahan Health Organization waxa uu shalay oo taariikhdu ahayd 13ka may 2026 wacyigelin caafimaad u qabtay ardayda Dugsiga Hoose Dhexe ee Al-Huda Primary School.

Wacyigalinta waxa diiradda lagu saaray:
1. Nadaafadda deegaanka
2. Nadaafadda guud ee qofka
3. Habka saxda ah ee gacmo dhaqidda
4. Cuntooyinka muhiimka u ah caafimaadka ardayga.

Ujeeddadu waxay ahayd kor u qaadista fahamka ardayda ee caafimaadka, nadaafadda, iyo ka hortagga cudurrada faafa.

Arbaca 13 May 2026
Alle ayaa mahad leh.

Ururka Sahan Health Organization waxa ay dugsiga Al-huda primary school ka samayn doonaan wacyigalin Caafimaad oo ku saa...
12/05/2026

Ururka Sahan Health Organization waxa ay dugsiga Al-huda primary school ka samayn doonaan wacyigalin Caafimaad oo ku saabsan Nadaafada deegaanka iyo Nadaafada guud, habka gacmo dhaqida iyo Cuntooyinka muhiimka u ah ee ardayga ku haboon ee uu ka helayo nafaqo dheeli tiran.

Happy Nurses DayMaanta waa maalin qiimo weyn u leh dhammaan kalkaaliyeyaasha caafimaadka ee dunida, gaar ahaan nurses-ka...
12/05/2026

Happy Nurses Day

Maanta waa maalin qiimo weyn u leh dhammaan kalkaaliyeyaasha caafimaadka ee dunida, gaar ahaan nurses-ka Somaliland.

Anaga oo ah SAHAN Health Organization, waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dhammaan nurses-ka, kuwaas oo ah laf-dhabarta nidaamka caafimaadka, dadka u taagan naxariis, samir, dadaal, iyo adeeg dhab ah.

Nurse-ku ma aha shaqaale keliya, waa qof naf badbaadiya, qalbi dejinaya, bukaan rajo siinaya, iyo bulshada u noqda tiir lagu tiirsanaado.

Waxaan idiinka mahadcelinaynaa, Dadaalkiina joogtada ah, Hawsha adag ee aad maalin iyo habeen u taagan tihiin, Nafta aad u hurtaan badbaadinta dadka
Iyo adeegga aad u fidisaan bulshada

Ilaahay ha idiin barakeeyo cilmigiina, caafimaadkiina, iyo shaqadiina.

Happy Nurses Day
Guul iyo sharaf nurses-ka oo dhan.

SAHAN Health Organization
Somaliland Advocacy for Health & Awareness Network

Shalay oo Khamiis ahayd waxaa qabsoomay kulan aqoon-is-weydaarsi ah oo dhex maray Guddoomiye Ku-xigeenka Jaamacadda Adna...
08/05/2026

Shalay oo Khamiis ahayd waxaa qabsoomay kulan aqoon-is-weydaarsi ah oo dhex maray Guddoomiye Ku-xigeenka Jaamacadda Adna Aadan, Mudane Mustafe, iyo Ururka SAHAN Health Organization.

Kulanka wuxuu ahaa tababar ku saabsan “Teamwork” oo uu Mudane Mustafe siiyay xubnaha Ururka SAHAN.

Tababarku wuxuu diiradda saaray

1. Fahamka shaqada kooxeed iyo muhiimaddeeda
2. Sida loo dhiso isfahan iyo wada-shaqayn gudaha ururka
3. Xirfadaha hoggaaminta iyo kala-qaybsiga masuuliyadda
4. Xallinta khilaafaadka iyo ilaalinta midnimada kooxda Isla markaana loo gaadho yoolal wadajir ah

Kulanka wuxuu ku soo dhammaaday talooyin muhiim ah iyo dhiirrigelin ku saabsan in la xoojiyo wada-shaqaynta iyo isku-duubnida ururka.

Address

Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Sahan Health Organization posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share