Hawl-wadaag youth organization

Hawl-wadaag youth organization Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Hawl-wadaag youth organization, Non-Governmental Organization (NGO), Hargeisa.

Ururka hawl-wadaag waa Urur utaagan ku barbaarinta Ubaxa wadankeenna dareen
waddaniyadeed iyo waddan jacayl, si ay ugu xasilaan dalkeena hooyo, una fahmaan
ka shaqaynta arimaha nabada tirtirida Qabyaaladda, taakuleynta danyarta bulshada.

02/08/2026

Tababarka Team Work.

TEAM WORK  TRAININGHabeenimadii  jimcii oo ay taariikhdu ahayd , 30/07/2026, waxaa si guul leh Rugta Akhriska Hargeysa u...
01/08/2026

TEAM WORK TRAINING

Habeenimadii jimcii oo ay taariikhdu ahayd , 30/07/2026, waxaa si guul leh Rugta Akhriska Hargeysa uga qabsoomay tababarka Team Work. Tababarkan oo uu soo jeediyay Ustaad Ahmed Mohamoud Ibrahim(Obsiiye). ayaa ahaa mid ugaara xubnaha ururka si ay uwanaajiyaan wada shaqeyntooda iyo wadajirkooda gudeed.

Ururka Dhalinyarada Hawl-Wadaag waxa uu u mahadcelinayaa Ustaad Ahmed mohamoud Ibrahim oo ahaa ustaad kii bixinayey tababarkan.

Ururka Dhalinyarada Hawl-wadaag

Soo Gabagabeynta Barnaamijka Waxbarista HooyooyinkaMaanta oo taariikhdu tahay 29-07-2026 Waxaa si rasmi ah u soo Afmeerm...
29/07/2026

Soo Gabagabeynta Barnaamijka Waxbarista Hooyooyinka

Maanta oo taariikhdu tahay 29-07-2026 Waxaa si rasmi ah u soo Afmeermey Kalkii Labaad ee Barnaamijka Waxbarashada Hooyooyinka oo uu si sanadle ah u hirgaliyo Ururka Dhalinyarada Hawl-wadaag. Barnaamijkan oo muddo afar toddobaad ah ka socday magaalada Hargeisa, gaar ahaan goobta Saylada Weyn, ayaa u jeedadiisu ahayd kor u qaadista aqoonta iyo horumarinta bulshada, gaar ahaan hooyooyinka aan helin fursadaha waxbarasho.

Mudadii uu barnaamijku socday, hooyooyinka ka faa'iidaystay waxaa la baray casharro muhiim u ah noloshooda maalinlaha ah kuwaas oo ay ka mid ahaayeen sixidda salaadda, barashada ducooyinka iyo mawduucyo kale oo waxtar u leh nolol-maalmeedkooda.

Ururka Dhalinyarada Hawl-wadaag waxa uu u mahadcelinayaa dhammaan hooyooyinkii ka qaybgalay, macallimiintii bixiyey casharrada iyo cid kasta oo gacan ka geysatay hirgelinta barnaamijkan. Ururku waxa uu sii wadi doonaa dadaallada uu ugu jiro kor u qaadista aqoonta iyo wacyigelinta bulshada.

Ururka Dhalinyarada Hawl-wadaag.

HAMBALYO & SHAACIN XUBNO CUSUB ​Ururka Dhalinyarada Hawl-Wadaag wuxuu maanta si rasmi ah Ushaacinaya natiijada  guuleyta...
20/07/2026

HAMBALYO & SHAACIN XUBNO CUSUB

​Ururka Dhalinyarada Hawl-Wadaag wuxuu maanta si rasmi ah Ushaacinaya natiijada guuleytayaasha usoo tartamey xubinnimada ururka hawl-wadaag Xubnihii ku guuleystey wareysi (interview) Tooska xubinnimada ururka ee magaalada Hargeysa.

​Waxaa Dhammaan xubnaha Ururku hambalyo mug leh u dirayaan 4-ta xubnood ee ku guleystey xubbinimada Ururka Dhalinyarada Hawl-wadaag oo kala ah:

1) Iqra Ibrahim cawil
2) Amiira axmed maxamed
3) Nimco Ali mahamed
4) Xamse Ismaaciil Muuse

​Sidoo kale, waxaan mahadnaq balaadhan u udireynaa dhammaan dhalinyaradii tirada badnayd ee fursaddan soo codsatay.

Allah Mahadleh

Ururka Dhallinyarada Hawl-wadaag

05/07/2026

furitanka barnaamijka waxbarista hoyooyinka

Kalmadaha furitanka kalkii labaad ee Barnamijka Waxbarista hoyooyinka oo kalkan ka qabsoomaya saylada weyn ee Hargeisa

Hawl-wadaag youth organization

Barnamijka Waxbarista HoyooyinkaMaanta oo ay taariikhdu tahay 04-07-2026, waxaa si rasmi ah Ururka hawl-wadaag Udaah-fur...
04/07/2026

Barnamijka Waxbarista Hoyooyinka

Maanta oo ay taariikhdu tahay 04-07-2026, waxaa si rasmi ah Ururka hawl-wadaag Udaah-furay Kalkii Labaad ee Barnamijka Waxbarista hoyooyinka. barnaamijkan oo uu si sanadle ah U hirgeliyo Ururka Dhalinyarada Hawl-wadaag, ayaa kamid ah dadaalka uu Ururku ugu jiro horumarinta aqoonta bulshada, gaar ahaan hooyooyinka aan helin fursad waxbarasho. Mudada uu barnaamijku soconayo, hooyooyinka waxaa si toos ah loogu bari doonaa maadooyin muhiim u ah noloshooda maalinlaha ah, sida sixidda Salaada, barida ducoyin, iyo mawduucyo khuseeya shaqooyinkoda maalinlaha ah.

Barnaamijkan waxa uu noqon doonaa mid joogto ah muddo cayiman, waxaana lagu qaban doonaa Kalkan goobta Saylada weyn Ee Hargeisa.

Ururka Dhalinyarada Hawl-wadaag

UJEEDO: Munasabad Xil-wareejinMasuuliyiintii dhawaan loo magacaabay xilalka Agaasimaha Waaxda Waxbarashada iyo Agaasimah...
21/06/2026

UJEEDO: Munasabad Xil-wareejin

Masuuliyiintii dhawaan loo magacaabay xilalka Agaasimaha Waaxda Waxbarashada iyo Agaasimaha Waaxda Taakulada ee Ururka Dhalinyarada Hawl-wadaag ayaa maanta si rasmi ah ula kala wareegay xilalkii loo igmaday.

Munaasabadda xil wareejinta ayaa ka qabsoontay Hall-ka rugta akhriska hargeisa, iyadoo masuuliyiinta cusub lagu wareejiyey xilalkoodi iyo guud ahaan masuliyadii xilalkaas si waafaqsan nidaamka iyo habraacyada Ururka.


UJEEDO: MAGACAABIS XILGudomiyaha Ururka dhalinyarada Hawl-wadaag ayaa maanta oo tariikhdu tahay 19-06-2026 Masuliyiin cu...
19/06/2026

UJEEDO: MAGACAABIS XIL

Gudomiyaha Ururka dhalinyarada Hawl-wadaag ayaa maanta oo tariikhdu tahay 19-06-2026 Masuliyiin cusub u Magacabay Xilalka Agaasimaha Waaxda waxbarshada iyo agaasimaha waaxda taakulada ee Ururka.

Ururka Dhalinyarada Hawl-wadaag

CIID MUBARAKUrurka Dhalinyarada Hawl-wadaag wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan shacabka Somaliland iyo guud ...
26/05/2026

CIID MUBARAK

Ururka Dhalinyarada Hawl-wadaag wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan shacabka Somaliland iyo guud ahaan Muslimiinta caalamka munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Adxa awgeed.

Alle ha inaga aqbalo acmaasha suuban ee tobankii casho ee u dambeeyey, ciidan ciideeda Alle ha inagu gaadhsiiyo caafimaad qab, bashbash iyo barwaaqo.
Hawl-wadaag youth organization

OGAYSIIS - OGAYSIISUrurka Dhalinyarada Hawl-Wadaag waxa uu qaadanayaa xubno cusub oo kooban. Haddaba mudane ama marwo, h...
21/05/2026

OGAYSIIS - OGAYSIIS

Ururka Dhalinyarada Hawl-Wadaag waxa uu qaadanayaa xubno cusub oo kooban. Haddaba mudane ama marwo, haddii aad xiisaynayso inaad ka mid noqoto dadka ka shaqeeya arrimaha bulshada, taakulaynta dadka tabaalaysan iyo kor u qaadista wacyiga bulshada gaar ahaan dhalinyarada, tani waa fursaddaadii. Haddii aad joogto magaalada Hargeysa isla markaana aad buuxin karto shuruudaha xubinnimada ururka, fadlan buuxi link-ga form-ka hoose

https://forms.gle/7RoysxxM7Ru6B5yDA

Address

Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hawl-wadaag youth organization posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share