13/08/2025
"SONYO: 22 Sano oo Magac iyo Munaasabad, Laakiin Aan Wax Ka Bedelin Xaaladda Dhalinyarada Somaliland"
SONYO (Somaliland National Youth Organization) waxaa loo sameeyay inay noqoto codka iyo matalaadda dhalinyarada Somaliland, balse 22 sano kadib, waxqabad muuqda oo nolosha dhalinyarada beddelay lama hayo. Waxaa la helay fursado badan, miisaaniyado, iyo taageero caalami ah oo ka timid hay’ado iyo NGO-yo heer caalami ah, hase yeeshee natiijo lagu faani karo ma muuqato.
Intii ay jireen, SONYO waxay badanaa ku ekaatay "shirarka, sawir-qaadista, iyo munaasabadaha hadalka qurxoon", halkii ay ka samayn lahayd mashaariic taabanaysa shaqo abuurka, xirfadaha, ama hal-abuurnimada dhalinyarada. Waxaa ka maqan qorshe istiraatiiji ah oo waara oo dhalinyarada ka saaraya shaqo la’aanta iyo ka qeybgal la’aanta go’aan qaadashada siyaasadeed.
In kasta oo ay ka mid ahaayeen shabakadaha dhalinyarada ugu weyn Geeska Afrika, SONYO ma aysan ka faa’iideysan xiriirkii iyo taageeradii joogtada ahayd ee ay la lahaayeen hay’adaha qaranka, kuwa caalamiga ah, iyo kuwa gaar loo leeyahay. Waxaa weli la is weydiinayaa halka uu ku dambeeyo saameyntii la filayey.
Maanta, dhalinyarada Somaliland waxay la tacaalayaan caqabado isku mid ah sidii 20 sano ka hor, taasoo caddeyn u ah in SONYO ay ku guuldareysatay inay noqoto matalaad dhab ah oo wax ka beddesha noloshooda. Urur aan laheyn waxqabad muuqda oo la taaban karo muddo rubuc qarni ku dhow, waa urur u baahan dib u habeyn qoto dheer, haddii aan la kala dirin.