Kulan Awliyo

Kulan Awliyo Koox dhallinyaro ah oo soo gudbiya waxa ay u arkaan inay faa'ido dadka u leeyihiin.

Daba-huwan , falsafada qofka soomaaliga ah. Si ka duwan sida caadiga ah ee maansooyinka soomaalida ee ku dhisan tookha,w...
06/04/2025

Daba-huwan , falsafada qofka soomaaliga ah.

Si ka duwan sida caadiga ah ee maansooyinka soomaalida ee ku dhisan tookha,waanada,wax sheegashada iyo ka warramida dhacdooyinka h**e u dhacay ,maansada daba-huwan waxa uu hadraawi kusoo bandhigayaa halgan soo socday in ku dhow 30 sanadood iyo mid kamid ah nuqulada tirada yar ee fasiraya jiritaanka qofka soomaaliga iyo sheegitaanka dhaqamada dhabta ah ee uu lahaa.

Maansada daba huwan oo uu hadraawi tiriyay 1995 waxa weeye tacbiirin uu ku tamar-darro sheeganayo abwaanku isagoo ka xaal warramaya waagu fogaaday ee uu xaqiiqo raadiska ahaa jidkuu maray ,siduu u maray iyo waxa uu ka helayba. Ustaad maxamed AHN waxa uu isku dayayaa inuu falsafad u bedelo dhaqan soo dhisnaa in ku dhow kumanaan sanno oo hiddo ay u lahaayeen ummada soomaaliyeed oo ahaa in dunidan laga hawl yaraysto ,wixii waayo cusub soo kordhana lagu qiimeeyo diin iyo dhaqan hadba kii xal looga helo isagoo ku sheegaya maansada hadraawi ,in qofka soomaaliga ah uu lahaa dhaqan u taliya haday intaas dhaaftana rabbi uu u ducaysto si uu u culayskaa uga dul qaado. Labadan falsafadood ee suufinimada “sufism” iyo u aragtida adduunkan inuu ku dhisanyahay iyo dhib iyo dhaawac dhexdood “nihilism and pessimism”. Isagoo sidoo kale seeska falsafada qofka soomaaliga uga dhigaya daacadnimada iyo ka xaadhnaantaa wixii shuqul ku leh dhaqamada aan kuwiisa ahayn ha ugu h**eeyaan kuwa reer galbeed. Waxa uu abwaanku ku sii soconayaa sida dhabta ah ee qofka soomaaliga ah ku guulaysan lahaa inay ahayd in uu ku socdo xawaare isaga u gaar ah isago dhaleecaynaya ilbaxnimo ku sheegii reer galbeed iyo bilawgii dugsiyaynta ee geyiga soomaalida ka bilaabmatay lixdanadii. Abwaanku waxa uu hoostaa ka xariiqaya habka aan reer galbeedka iyo “dajaalkan” cusub waa sida hadalka uu dhigaye ay waxbama uga soo qaadeen wixii cilmi iyo cudud uu qofka soomaaliga isku tuhmayay ,habka loogu sameeyay qofka soomaaliga ah baahi aanu u baahnayn asalkeedi h**ena aan waxba laga waydiin. Hadraawi wuxuu naqdinayaa asalka aragtiyaha bidhaaminaya xadaarada reer galbeed ee ay ka kow ka tahay aragtida darwin isagoo ka istaagaya dhinac maan-galnimo oo doodiisa sal uga dhigaya in daanyeerku hadiiba laga yimi qofka soomaaliga ah ee muslimka ah aanu ka iman ,dhinacna aanu ka soo galayn.

Hadraawi waxa uu kusii soconaya naqdinta doodahaas is daba yaala isagoo dhanka uu ka jiidhayaa ay tahay dhankii baraad la’aanta qofka soomaaliga ee ku dhisnayd aragtida “innocence” ka ama qofka sharlaawaha ah ,aragtidan oo bahalo galinaysa wax kasta oo qofka soomaaliga wax ka fahmi waayo iyo wax kasta oo dhaqankiisa ka soo horjeeda,hadraawi taa caksigeed kuma doodayo in wada xumaan ay tahay guulaha reer galbeed se wuxuu tooshka saarayaa in xawaare aan keeni ahayn la inagu dhaqaajiyay waxaynaan wax baddan ka fahmina la inagu kalifay iyadoo garaadkeedunana aanu dhugan durtaba aynu aragnay inagoo keenii dhignay una hanqal taagnay ku aynaan ogaalba u lahayn.

Hadraawi wuxuu kusii soconayaa inuu sheego godobaha reer galbeed kh faleen magac “il-bixin” iyagoo isticmaalaya,habka uu koodaa darbi jiifka ah xitaa ugusoo shaqo tago dhulkeena iyadoo la qiimaynayo duubkiisa cadna laga dhigo “ilaah yar” waa sida hadraawi uu u sheegaye.
Waxa abwaanku uu naqdinayaa aragtida dhalan-bedelis ee dumarkii rag ku noqonayaan ragiina dumar ku noqonayaan hadhowna waxaan asal isku lahayn isku guursanayaan.

Wuxuu hadraawi ugu dambeyn naqdinayaa iska dhalkii ka dhashay kufsigii reer galbeed soomaali u gaysteen dadkii soomaaliyeed iyo maxsuulka ay dhashay oo uu ku tilmaamayo qof ku hawlan wixii jidiinkiisa mari lahaa uun se aan ku foognayn wax intaas dhaafsiisan

Hadraawi wuxuu kusoo gabagabaynayaa duco iyo tawbad keen ilaahay uu ugu noqonayo is barrixid khaalis ah oo rabigii ka baryayo dambi dhaaf badhax tidhan isagoo dulucda maansada kusoo koobaya dagaalada is diidooyin ee dhexyaal uunka dhexdiisa iyo kuwa dibadeed ee dhexyaal qofka iyo dhaqankiisa inay guul ugu dhawdahay kolkuu xadhiga ilaahay qabsado taasina ay tahay habka kaliya ee uu ku nabad gali karo. Hadraawi isagoo kusii soconaya aragtidii bahalaynaysay dhaqamadan ay reer galbeedku keeneen ayuu dumarka uga ducaynayaa foolxumooyinka ragu ku dhaceen kuna tilmaamaya waxa kaliya ee wanaagsan kolka dunida ragga la joogo.

Eid Mubarak! 🌙 May this blessed day bring peace, wisdom, and prosperity to you and your loved ones. As we celebrate, let...
01/04/2025

Eid Mubarak! 🌙 May this blessed day bring peace, wisdom, and prosperity to you and your loved ones. As we celebrate, let us reflect on the values of compassion, knowledge, and unity that guide us. May Allah accept our prayers, fasting, and good deeds. Taqabbalallahu minna wa minkum. Eid Sa'id!

10/03/2025

EPISODE 07 :Jacaylka weynee aan soomalidu aqoonin!

08/03/2025

Malaa'igta cilmigaynu dheernahay!

06/03/2025

EPISODE 06 : Aamus dullinimo ah iyo run xaaran ah!

06/03/2025

Maxaa jaangooya ahmiyadaad bulshada ka dhex helaysid!

04/03/2025

EPISODE 03: Cibaado aynu ilawnay oo aynu ku bedelanay Emotional Damage.

02/03/2025

Episode 02: Caafimaad-qabka xidhiidhada

01/03/2025

Episode-1: Ninka ragii ceeb malahan!

Xalqadii koowaad waxyar kadib ka daawo linkga comment-ka yaalla.

07/01/2025

Cimrigaagu Alle agtii waa mid intee leeg...?⌛

By: Cabdi Xakiin Abti-doon 🎬

Sannad wanaagsan.Gunaanadka sannad gabagaboobo iyo bilaabshada mid cusubi bilowdaa, waa astaan jiritaanka Alle inna tusa...
01/01/2025

Sannad wanaagsan.

Gunaanadka sannad gabagaboobo iyo bilaabshada mid cusubi bilowdaa, waa astaan jiritaanka Alle inna tusaysa. Inuu jiro Eebbe weyn oo gacanta ku haya isgedgeddiga dunida. Waa summad innoo tibaaxaysa inay muhiim tahay inaynu ku cibro qaadanno, isla markaana aynu isxisaabinno oo qorsheyaal ku soconno.

Ayaamihii koobnaa ee gu'gii h**e lahaa, waa khibrad iyo waayo aragnimo aynu kala hadhnay. Gudagalka sannadka cusubna, waa mid innagu baraarujinaya inaynu diyaar u ahaanno ja dheef-qaadashada ayaamahaas kooban ee iyaguna sida kii h**e u dhammaan doona.

Xirfad cusub, xidhiidho caafimaad qaba, xoojinta akhriska iyo xeeladaynta adduun-araggaagu, waa fureyaasha libta.

"Kii noo hagaagee
Noqo loo hanweynahay".

19/12/2024

Ku saamowga shubhooyinka ee dhallinyarada, casrigan la joogo waxa sabab u ah arrimo badan. Waxa jira arrimo dibadeed, halka qaar kalena yihiin kuwo gudeed oo qofka ku dhex sugan.

Kuwa dibadda kaga imanaya meelaha loosoo mariyo waxa kamid ah:-
1- Baraha bulshada
2- Filimmada iyo sheeko-faneedyada
3- Dhexgalka tooska ah ee reer Galbeedka (Dhanka aqoonta)
4- Faafitaanka rabitaannada (Shahwooyinka).

Saameeyayaasha gudeedna, waxa kamid ah:
1- Yaqiin (Kalsooni) xumo
2- Dhibaatooyinka nafsiga ah iyo cadaadiska bulshada
3- Cibaado yaraanta
4- Hoosaysiinta cilmibaadhista
5- Aqoonyaraanta diineed
6- Camal la'aan.

Waxa kale oo labadan soo raaca, hab-gudbinta dacwadeed ee culimada Islaamku ku wajahaan wacyigelinta bulshada. Waxa inbadan dhacda in ay kala go'aan culimada iyo dhallinyaradu ama in marar badan aanay isla jaanqaadin oo aanay la socon meelaha ay tahay in dhallinyarada laga wacyigeliyo.

- Sheekh Axmed Yuusuf Al-Sayid.
- Dhiganaha سابغات

Address

Hargeisa
00000

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Kulan Awliyo posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share