14/09/2024
Hogaaminta (Leadership) waxaa loo qeybiyaa saddex nooc oo waaweyn
1. Autocratic leadership Style: Waa hogaamiye kaligii wax maamula. Kaligii ayuu go’aanada gaadhaa. Sida ay wax u arkaan ayeyna wax u maamulaan. Ma jecla in dadka ay hogaamiyaan ay wax u sheegaan. Way ku adag tahay in ay aqbalaan aragtiyaha ka duwan. Waxaa ku jirta xoogaa kali talisnimo ah waxaana afka qalaad loo yaqaana hogaaminta noocan ah (DO IT).
2. Nooca labaad waa nooc loo yaqaano (Democratic leadership or Shared leadership style).
Hogaamiyaha noocan ah waa u furfuran yahay. Waa uu u dhego nugul yahay dadka uu hogaminayo. Waxa uu isku dayaa in hogaaminta uu ka qeyb galiyo dad badan. Go’aanada iyo talooyinka loo soo jeediyona waa uu qaataa. Waxaa uu ogolaadaa dadka ka aragtida duwan. Waxaa kale oo loo yaqaaanaa (LET’S DO)
3. Nooca sadexaad waxaa loo yaqaana (Delegative leadership style ama Laissez-Faire). Hogaamiyaha raaca stylekan waxa uu awood buuxda siiyaa dadka uu hogaaminayo. Waxa uu isku dayaa in qof walba uu doorkiisa iyo masuuliyada uu leeyahay uu qabto. Sooma faragaliyo shaqada ay qabanayaan. Dadka uu masuuliyada u dhiibtay ayuu talada iyo awooda u daayaa. Isagana waxa uu isku dayaa inuu dusha kala socda. Waxaa afka qalaad loo yaqaana (LET THEM DO.)
Sidoo kale waxaa jirta aragtiyo iyo doodo badan oo ku aadan hogaaminta.
Hogaaminta (leadership) Ma hibo uu qof ku dhasho miaa (Innate talent) mise waa wax qofka uu baran karo?
Aqoonayahanka qaar ayaa qaba in hogaaminta ay tahay wax qofka uu u dhasho ayadoo qaar kale aaminsan yihiin in ay tahay wax qof waliba uu u baran karo………..