23/04/2026
SOWDA Association, in collaboration with action medeor e.V.Bundesministerium für wirtschaftliche Zusammenarbeit und Entwicklung (BMZ)Z, conducted a capacity-building initiative in Shangani District focused on establishing and engaging community protection stakeholders and developing community protection mechanisms and action plans at district level.
The training brought together community members, local leaders, and key stakeholders to strengthen their understanding of women’s rights, maternal and child health, GBV prevention, self-esteem, and safe reporting systems. It also provided a platform to address harmful cultural practices and promote coordinated, community-led responses to protection concerns.
Participants were equipped with practical knowledge and skills to support the development and implementation of effective community protection structures and action plans within Shangani District. The initiative underscores the importance of collective responsibility and local ownership in safeguarding women and children.
SOWDA Association, together with action medeor e.V.Bundesministerium für wirtschaftliche Zusammenarbeit und Entwicklung (BMZ)remains committed to strengthening community protection systems and fostering safer, more resilient communities from the grassroots level upward.
Haayada Maxaliga ah ee SOWDA Association Ayaa qabatay kulan tababareed taas oo la kaashanaysa action medeor e.V.Bundesministerium für wirtschaftliche Zusammenarbeit und Entwicklung (BMZ), Tababarkaas oo laga fulisay degmada Shangani ee magaalada muqdisho. barnaamij lagu xoojinayo awoodda bulshada, kaas oo diiradda lagu saaray dhisidda iyo ka-qaybgelinta daneeyayaasha ilaalinta bulshada, iyo horumarinta habab iyo qorshayaal waxqabad oo heer degmo ah.
Tababarku wuxuu isu keenay xubno ka tirsan bulshada, hogaamiyayaal deegaan, iyo daneeyayaal muhiim ah si loo xoojiyo fahamkooda ku saabsan xuquuqda haweenka, caafimaadka hooyada iyo carruurta, ka hortagga tacaddiga jinsiga (GBV), isku kalsoonida, iyo nidaamyada badbaado ee lagu soo sheego tacaddiyada. Sidoo kale, wuxuu bixiyay fursad lagu falanqeeyo dhaqamada waxyeellada leh ee bulshada ka jira, isla markaana lagu dhiirrigeliyo jawaabo wadajir ah oo ay bulshadu hoggaaminayso si wax looga qabto arrimaha ilaalinta.
Ka-qaybgalayaashu waxay heleen aqoon iyo xirfado wax ku ool ah oo ka caawinaya dhisidda iyo hirgelinta qaab-dhismeedyo ilaalin bulsho oo wax ku ool ah iyo qorshayaal waxqabad oo laga fuliyo degmada Shangani. Barnaamijkani wuxuu muujinayaa muhiimadda ay leedahay mas’uuliyad wadaag iyo lahaansho deegaan oo lagu ilaalinayo haweenka iyo carruurta.
SOWDA, iyada oo kaashanaysa Action Medeor iyo BMZ, waxay sii waddaa ka go’naanshaheeda xoojinta nidaamyada ilaalinta bulshada iyo dhisidda bulshooyin ammaan iyo adkaysi leh oo ka bilaabma heerka hoose ee bulshada.